Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Xogta Siyaasiyiinta Ugu Hantida Badan Caalamka Iyo Xadigga Hantidooda (Q1aad) W/q: Hamse Wiyeer-yare


Hordhac: Hore waxaan idiinkusoo bandhigay Siyaasiyiintii ugu caansanaa ee naftooda ku waayey siyaasadihii ay ku jireen dartood, kuwaas oo shirqoolo qarsoodi ah lugu laayey. Qaybtan maanta waxaan idiinkusoo bandhigayaa 10ka Madaxweyne ee ugu hantida badan madaxda caalamka, iyadoo boqorada wadamada carabtu ay kaalmaha sar sare uga jiraan liiskan.

1.     Vladimir Putin (Ruushka) – $40 billion


Madaxweynaha hada talada dalka Ruushka haya, Vladimir Putin ayaa kaalinta koowaad ka galay tobanka madaxweyne ee ugu hantida badan madaxweynayaasha caalamka. Hantida madaxweyne Putin ayaa lugu qiyaasay in ay kor u dhaaftay 40 bilyan oo doolar ($40 billion dollar), doorashadii 2007 ee uu ku guulaystay Putin waxa uu wakhtigaas sheegay in hantidiisu aad u yartay isagoo sheegay keliya in uu haysto hanti dhan 150 kun oo doolar (150,000 dollar), sidoo kale waxa uu hadda leeyahay 11 meelaha lugu raaxaysto, inkastoo warbixin aan la cadeyn ay sheegayso in hantida Putin dhantahay 70 bilyan oo doolar, warbixinta ayaa tiradda ku dartay shirkado waaweyn oo ka shaqeeya gudaha dalka Ruushka, shirkadahaas oo kamid yihiin “Shirkada ugu weyn dhanka saliidaha ee Surgutneftegaz, iyo shirkada kootada ku haysata gaasta dabiiciga ah ee Gazprom”, si kastaba ha ahaatee ilaa hadda waxa la isku waafaqsan yahay hanti dhan 40 bilyan in haysto madaxweyne Putin.

2. Bhumibol Adulyadej (Thailand) – $30 billion


Thailand maaha meelaha loogu jecelyahay in loo socodaalo ama loo dalxiis tago, in kasta oo ay leedahay mid kamid ah madaxda ugu hantida badan caalamka waana Boqor Bhumibol Adulyadej, boqorkan Thailand ayaa lugu qiyaasay hantida uu leeyahay ku dhawaad 30 bilyan oo doolar, Waxa uu xukumaaya dalkiisa ilaa sanadkii 1946kii  waxaana loo aqoonsaday madaxweynihii ugu xilka dheeraa aduunka kaas oo ilaa hadda ah madaxa maamulka , isla markaana ah Boqor hanta leh.
Boqor Bhumibol ayaa iska leh tiro badan oo shirkado ah sida shirkada Siam Cement iyo Warshada ugu weyn Thailand, sidoo kale waxa uu leeyahay ku dhawaad 3,493 hiktar oo dhul ah kuwaas oo kuyaala gudaha caasimada Thailand ee Bangkok.

3. Hassanal Bolkiah,(Suldaanka M/Goboleedka Brunei) – $20 billion


Brunei waa maamul goboleed iskii isku maamula oo kuyaal waqooyiga Island, isma laha sida uu dhulkeedu u yaryahay iyo sida Suldaanka maamulaa u qanisanyahay, Suldaan Haji Hassanal Bolkiah ayaa gacantisa waxa ku jira hanta dhan 20 bilyan oo doolar iyo in badan uu si hoose gacanta ula jiro.
Waxaa kamid ah hantida uu leeyahay Suldaan Haji Hassanal mid kamid ah shirkadaha ugu waaweyn uguna qaalisan ee baabuurta, baabuurtaas ayaa ah kuwo qaalli ah oo ku kooban aduunka, waxa uu furay laba dumar ah inkasta oo uu hantidiisii ku qoray xaaskiisii ugu horeeyey, qoyskiisu waxa uu ka koobanyahay 7 hablood iyo 5 wiil oo uu dhalay iyo 10 caruur ah oo ay caruurtiisu sii dhashay.

4. Abdullah bin Abdulaziz Al Saud (Boqorka Sucuudiga) – $18 billion


Boqorka Dalka Sucuudi carabiya ayaa kaalinta Afaraad ka galay madaxda ugu hantida badan adduunka, Boqorkan ayaa hantidiisu dhantahay 18 bilyan oo doolar, Cabdilaahi Binu Cabdalcasiis Al Sacuud, ayaa ku caan aha deeqaha iyo falalka dhanka samo-faladda, sidoo kale waxa uu xuquuq siiyaa dumarka dalkiisa. Boqortayada Sucuudi Carabiya ayaa maamusha in ka badan boqolkiiba 18 saliida adduunka oo dhan, ilaa hada boqortooyada ayaa ugu hanti badan dalka sucuudiga iyada oo sanadkii 2005 loo go’aamiyey in hantida reer boqor aanay dhaafi karin 21 bilyan oo doolar.

5. Khalifa bin Zayed Al Nahyan, President of United Arab Emirates – $15 billion


Madaxweyne ku xigeenka dalka Isku taga Imaaraadka Carabta ayaa la ogyahay in uu yahay hantiile, laakiin hadda waxaa la ogaaday in madaxweynaha Imaaraadku yahay kan ugu hantida badan dalkaasi, hantida Madaxweyne Khalifa Bin Zayed Al Nahyan ayaa lugu qiyaasay 15 bilyan oo doolar. Boqor Khalifa ayaa xilka Imaraadka qabtay kadib markii aabihii geeriyooday 3-dii Novermber 2004, Zayed Al Nahyan oo ilaa 1994-kii ahaa boqorka dalkaas, hadaba Khalifa ayaa leh Shirkad maalgashi oo Abu-dhabi ka shaqaysa, halka inta kale qoyskiisuna ay leeyihiin hanta dhan 150 bilyan oo doolar isku dar idilkoodba.

Lasoco Q2aad
Tixraac: Wikipedia Organization



Wabilahi tawfiiq.
Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa / Saxafi madax banaan
Hargeysa -Somaliland


Post a Comment

0 Comments