Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Jacaylkii Timo-dheer Haween Iyo Xurguftii Colaada Sokeeye Q.1aad Muhiimada buugani waa dabar jarka colaadaha sokeeye ee waxyeelada u geystay guurdoonkii iyo geyaankii isjecelaa W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)


Hordhac: Jacaylkii timo dheer haween iyo xurgufta colaada sokeeye, waa sheeko ka mid ah buuga Jacayl iyo Colaad ee uu qoray Xamse Bashe Wiyeer, sheekadani waxay u kala qaybsantahay laba qaybood oo ah qaybta hore, jacayl iyo xiise aad u balaadhan oo ay isku qabeen labadda shakhsi ee sheekada inooga dhex muuqan doona, halka qaybta dambna ay xaaladu isbedeli doonto oo colaado sokeeyey ay idlayn doonaan hasaawihii iyo xiisi kalgacal
ee ay isku qabeen wiilka iyo gabadha sheekada inooga dhex muuqda. Sheekadiina waxay inoogu bilaamaysaa sidan :-

Wakhtigu waa goor gaaban oo fiid roobabow jiraan ah, dhulku wuxuu u sii dhawaanayaa inuu noqodo maddow iyo guddcur,goobtu waa kaymo jiq ah misna jabaqda raadkayga iyo dhibcaha roobka oo aan markaas badnayn baan maqlaayey, laakiin wax intaas igag cabsi baddan goobta oo la ii sheegay in bahalo hoose iyo dhul jiifku ku baddanyahay, ma sito wax faro la’aab ah misana ma sito wax iftiin sida toosh oo kale, waxaan xidhnaa dhar aan sidaas u adkayn oo dhibicda roobku kasoo dhex baxayso, laakiin waxaan ahay nin dhidid iyo kulayl socon kari la’a, waayo baqashada dhulkan sii madobanaya iyo dhul jiifkan aan ka baqayo oo aad u faro badnaa ayaa iga keenay dhidid.

Intii aan ku guddo jiray Socodkaygii baqdinta lahaa, ayaa meel aan ku qiyaasay laba boqol oo talaabo ka maqalay hadalka, gurxanka iyo Sheekada dhalinyar u socota ciyaar macnaha waxaan kawadaa way ciyaar gudayeyeen, Ciyaar gudidu waa wakhti ay dadka degaanka ahi haystaan barwaaqo misna wakhtiga kan ah waa mid dadka degaankaasi uu ilahay u nimceeyey, xaga roobabka, dooga iyo nimcoolayda kale ee Xoolaha oo dhala, wakhtigan dadku ma arkaan dhib badan Waayo doogu waa kambalka guriga, Xoolahana looma foofgeeyo meel durugsan waayo waa kambal dhereg, Talabadaan hoosta ka xaday waayo hadaan hadlo ama qayliyo waxaan dareensanahay in inta aan nimankaas gaadhayo dhexda la igusii waxyeeleeyo oo bahal ama Halis kale oo mugdiga ah aan galo laakin taas badalkeeda Waxaan ka hoos dusaayey dhirta qodxoolayda ah ee Maraaga iyo sogsogta Madax isku duubtay ah, Marmarka qarkoodna waxaan Lugta la galaayey booraan ama god roobku qoday oo biyo fadhiyaan, Allah Silic badanaa Socodkaygani, Laakiin akhriste ma iswaydiisay ujeedada Habeen-gudkan iyo socodkan rafaadka leh, Mise waxaad iga guraysaa sheekada. Aan kuu sheego Laakin iskadhaaf Halka dambe ayaad ka fahmi.
Bal taabo Wadnahayga Bugbugbug ta iyo sanqadha xoogan ee gurxanka ah ee ka yeedhaysa, Hosta ayan Jabaq cod ah oo aan dheerayn ka idhi HOOY, HOOY oo aan kawado nimanku inay dareemaan In Halkan Nin ku dhibanyahay, i maqle oo cod aan baqasho lahayn ayey igula hadleen waa KUMA ma Hebelbaa, waar mayee isuga waa nin kalee, soo gaadhay oo Naxdintii Hada way igasoo yaraanaysaa Laakiin Ogow  oo wali maan gaadhin u jeedadii aan u socoday mid kamid ah oo sitay toosh ayaa idhaha igag ifiyey, Si uu wajigayga u garto laakin, Aniga oo ah nin ku cusub geyigan misna Baqashada iyo naxdintu igu abuureen dareen kale oo kaduwan kii dhaqan ahaan iyo dhalasho aan lahaan jiray awgeed, Waxan kawadaa isbedelka ka muuqda wajigayga, indhaha oo aad moodo in ay sidii abuurka rabi ugu talo galay iska bedeleen Macnaha yaryaradeen oo Aad moodo in ay godka ay ku jiraan Dib u sii ruqaansanayaan  iyo timaha Dushooda ay Ka muuqdaan qoyaanka roobkii igu da’ay iyo caleemaha kasoo da’aadanayey kayntii wayneyd ee aan ku dhexjiray awgeed Nimankii Imay garanahayn oo Waxay ii arkeen qof dhiban oo Da’aal iyo Baqdini ka muuqato.
LASOCO QAYBTA XIGTA

Post a Comment

0 Comments