WAXBARASHO

Saturday, October 20, 2018

Jacaylkii Timo-dheer Haween Iyo Xurguftii Colaada Sokeeye Q.2aad Muhiimada buugani waa dabar jarka colaadaha sokeeye ee waxyeelada u geystay guurdoonkii iyo geyaankii isjecelaa W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)


Waxba Yaanan Hadal kugu daalin, War nabad ahna lugu sii, Dhinacyada la iga mar, Ii bilaabe nimankii Hadal iyo Xog waraysi, Maanta Roobabkii da’ay waxay ahaayeen kuwo ilahay noogu barwaaqeeyey, Waxaa yidhi Dhugaal, Oo aan mar dambe magaciisa maqlay, Waa run Walahi, laakiin dhugaalow horta xili kasta oo wakhtigan ku beegan maxaynu U gudnaa oo Ciyaarta Xageeda ugu Dheemaalnaa , ayuu yidhi ninkii kale ee lasocoday oo aan magaciisa Hada ilawsanahay Alla!!! Waa geedi Haa geedi baa Sidaas yidhi; Dhugaal Inta uu
Qosol iyo kaftan is xambaarsan goga u geliyey geedi buu yidhi “
Gu' hagaagey oo da'ay                     Dhulka geedo jiifaan
Gurya-samo barwaaqa ah                          Haddii geeddi lagu furo
Dhallinyaro is gurataa                      Gurdan-raaca fiidkii
Gole weyn ku kulantoo                     Cagta garan-garteediyo

 Isu geysa jiibkoo                             Googooska luuqdiyo
Gedda sacabka loo jaro                             Hablahaa u gaaroo
Garashada codkoodaa,                    Qof gaboobey kicisoo
Gelbiskiyo mashxaraddaa                          Gama' kaa ilaashee,
Haddaan gabadhi boodeyn              Illaa gegi ciyaareed
Wax ma dhaanto Giryaad”;
Markiiba maskaxdayda waxaa kusoo deg degtay maanso macalinkaygii cabdilaahi si fiican uu iiga dhegaysan jiray muddo 8 sano kahor, markii aan ku jiray dugsiga dhexe anigoo xiligaas ahaa fasalka lixaad ee waxbarashada dhexe, waxaanan si fiican u sawirtay luuqdii farshaxanimada lahayd ee Maansadda uu ku tiriyey Abwaan Maxamed warsame HadraawiHablaha geeska afrika”.
Geedi isaga laftiisu dab yar ma shidaynin ee markiiba macnaha iyo xikmadda ayuu maskaxadiisa ku tuujiyey, suu isla markiiba ka qabsadday sangaabta gaaban oo uu ku celceliyey “Haddaan gabadhi boodayn, haddaan gabadhi boodayn, ileen gegi ciyaareed, ileen gegi ciyaareed, wax ma dhaanto giriyaad …………….. wax ma dhaanto giriyaad” waliba isaga oo hadalkiisa sii watta ayuu yidhi: Alleylee midhaasi waa xaqiiq, hasaawaha iyo kaftanka, hasaawaha iyo kaftanka, waar ragow taas hala ogaado” kkkk.

Anigu ma ahayn maan-gaab, fahamka iyo xusuusta laga inkaaray markii aan magaalada aan ku barbaaray joogay, laakiin ogow fiidnimadii gaadhigu igu dejiyey dhawr darkadood (aqalo ka samaysan dhoobo) oo lugu caano dhamayo, ayey ii bilaamatey nacasimo iyo hoos u foorar, baqasho iyo xishood weheliyaan, laakiin sheekadan labada nin saaxibada ah dhexmaraysa waxaan ka qaatay dareen tabban iyo macnaha habeen gudka iyo ciyaargudka oo aan xaqiiqsaday in goobtu ragnimo iyo karti u baahantahay, fulaynimada iyo nacasnimana la-kala tegay.
Waxba yaanan hadal kugu wadno goyne, anguna xiiqaye, sidii sheekadda labada saaxiib iskugu tuur-tuurayeen, kaftanka iyo qosolkana isla jaanqaadayeen, ayey mar qudha dhankayga soo eegeen, kkkkk anigoo tabcaan iyo daal la bes ah!, cagahana jiidaya, allow yaa ogaadda waxa qodax  i muddey habeenkaas, Misna mar keli ah igu wadda idhaahdeen “Adeer ina ayaad ahayd?!” gabasho iga dheer oo miciin iyo tolbaan raacdaynayaaye, si cod kar leh ayaan u idhi “Ina wiyeer” wiyeer oo awoowgey oo geyiga magac kulahaa lakiin nasiib xumo xiligaas ma noolayn, Intay qosol is raacsheen ayuu geedi yidhi “ma hebel baa ku dhalay mise hebel” faraxad iyo dhoolo caddayn, aan waji macbuusnimo kujir baan u idhi “Hebel hebel baa i dhalay” haaheey, adeer hadhow anagaa reerka ku geyn bay iigu rogaal celiyeen, Yaa malayn kara farxadayda, Ciyaartiina habeenkaas waxay ii ahayd waayo argnimo iyo aqoon aan ka kororsaday barwaaqada iyo Nabadda reeruhu ku wadda deganyihiin, sidoo kale ilaa maalmihii iigu horeeyey ee deegaanka waxaan bartay dhaqamo wanagsan oo aanan magaaladii aan ka imi ku haysan, waxaan bartay is dhex gal iyo bulsho nolol wadaag aan kala qalooneynin, waxaan bartay meel aan qabyaaladi jirin, dadkuna ay caanaha wada dhamayaan.
LASOCO QAYBTA XIGTA