Hordhac: Nabad iyo
bariido wacan, waxaan qormadan kooban kusoo qaadanayaa mid kamid ah Xaafaddaha
aadka u da’da weyn ama qadiimiga ah ee ay ka aasaasantay Magaalada Hargeysa,
waa Xaafada SIINAAY oo ka tirsan Degmada qadiimiga ah ee A/Dhagax.
Afeef: Waxaan ka afeefanayaa in qoraalkaygan aan loo arag mid ceeb iyo
wax-xun ka sheegid ku ah Xaafadda iyo dadka degan ee loo arko mid toosi iyo
hogo-tusaaleyn u ah cida uu ku socodo, isla markaana baraarujin iyo
wax-ogeysiin u noqodo inta ka dhaayaha la’a dib u dhaca baahsan ee ku habsaday
Xaafad wakhtiyo badan ka hor ahayd Caasimmad magac iyo muuq ku dhex lahayd
gudaha Hargeysa.
Waxay
ahayd ku dhawaad 10 sano kahor markii goob fadhi ku dirir ah oo aanu iskugu
nimi dhaliniyaro badan oo markaas waxbarasho kasoo dareertay ku lafo-gurnay
kuna doodnay horumarka ka jira gudaha Hargeysa iyo xaafadeheeda kala duwan,
intii aan doodaas wadnay waxaa tiraba dhawr jeer dhagahayga kusoo dhac-dhacaayey
erayo ku saabsan xaafadda SIINAAY oo tilmaamayey in xaafadaha kale ee Degamada
qadiimiga ah ee Axmed dhagax iyo guud ahaan Degmooyinka Hargeysa si aad iyo aad
ah uga dambeyso, gaar ahaan kaabayaasha Bulshadda sida Biyaha, Wadooyinka,
Laydhka, Adeegyadda Suuqa iyo Waxbarashadda intaba, laakiin nasiib xumo dheg
uma jalaqsiinin oo weliba waxaan ku doodaayey in dawladii markaas jirtay ay
cidhib dambe iyo cadaadis ku hayso Xaafadaas.
Maxaa Isbedelay: Aniga oo aan ku dhawaad 10 sano wakhti habeen
ah dhex marin maalin ay hawl iyo ujeedo culusi iga gasho mooyaane, ayaan xalay
ujeedo u yeeshay in aan Xaafadda halka ugu dambeysa ee Masalaha iska galaan
tago, waa abaaro 10:00 habeenimo waxaanan ka dhaqaaqay suuqa oo ahaa mid
saxmad, buuq iyo xidhiidhi badan ah, waxaan qabsaday toobiyaha waddada weyn ee
dhexmarta Degmada Axmed dhagax ilaa gooladda looga leexdo Xaafadda SIINAAY,
suuqa ilaa gooladda oo ah bar bilawga Xaafadda SIINAAY waxaan ku dhex jirnay
aniga iyo laba dhalinyaro ah oo kale saxmad iyo suuq, waxaanan arkaynay ilaa
10:30 kii habeenimo ganacsiyadda kala duwan iyo adeega bulshadda oo si fiican u
socoda, waxaan goobaha shaaha iyo sharaabka laga cabo ku dhaafaynay dhalinyar
aad u badan oo caweynaaya isla markaana raxan raxan u fadhida, laakiin bar bilawgii
xaafadda maxaa xiggay.
Bar
bilawgiiba waxaa ii muuqday sida aadka u ba’an ee ay u burbursantahay waddada
weyn ee dhexmarta Xaafaddaas qadiimiga ah, halka baabuurta wadooyinka kale
maraysaa u kala leeyihiin laba haad oo is weydaaranaaya, waddada Xaafadda
SIINAAY lagama yaqaano oo darawaliinta wata baabuurtu midba midka kale isaga
ayaa u taraafik ah, sababtuna waa burburka waddada oo mudadii 28 sanadood ee
Somaliland jirtay aan hal mar dayacaad lugu sameynin, dhismaha wadadaas waxaa
ugu dambeysay sidaan maqlay xukumadii dhacaday ee Siyaad Barre, markii aan
xaafadda hore u galay waxaan ka waayey hal hudheel cunto ah oo aniga iyo
dhalinyartii kale ee ila socotay aanu ka casheyno, hudheel iyo cunto waa meel
dhawe waxaa gabaabsi nugu noqoday shidaalkii gaadhiga oo qiyaas ahaan aan ugu
talo galay in kaalmaha shidaalka ee Xaafadda SIINAAY aan kaga shubto laakiin
nasiib daro hal kaalin oo furan waan ka waayey, hadda ha illaabin saacaddu waa
10:30kii habeenimo, in mudo ah markii aanu kor iyo hoos kolba u raacayney waddada burburka iyo
rafaadka badan waxaa naga goostay oo bilaa shidaal naga noqoday gaadhigii aanu
wadnay, waa Madow mugudi gudcur ah aad moodid, wadadda waxaa iftiiminaaya midh
midh laabado yaryar oo ka baxaaya gudaha goodhiyo yaryar ama kolayo qaad oo nin
iyo laba sii fadhiyaan, ma amaan daro ayaa xaafadda ka jirta waa maxay
go’doonka iyo bandawgan saaran xaafadu?, waxaan su’aashaas weydiiyey mid kamid
ah dhalinyartii ila socotay oo goob ganacsi ku leh Xaafadda gaar ahaan
meheradaha waddada kasoo horjeedda, waxaanu iigu jawaabay in xaafaddu Makka oo
Xajku kuyaal ka amaan badantahay laakiin ay sidani dabeecad u tahay dadka
xaafadda degan. Mudo kadib waxaanu iska soo saarnay mid kamid ah
dhalinyartaydii wada socotay si uu shidaal noogu doono bar bilawga xaafadda oo
ah gooladda(goolada xariir), laakiin nasiib daro waxaanu weynay Bus ama taxi
aanu saarno wiilkii shidaalka noodoonaayey, waa nasiib daro kale oo nugu
habsatay, waxaanan qariib ku noqonay isla xaafadaydii, intii aanu Bus-ka ama
Taxi-ga raadineynay waxaanu xaafaddaas Magaca qadiimiga ah leh ka dhex weynay
hal Caffateria, ama goob ganacsi oo dhalinyartu iskugu timaado si aanu shaah
uga cabno ugna nasano, kaaga darane waxaaba albaabadda loo laabay intii yareyd ee ka furnay ee goobaha ganacsiga oo u
badnaa dukaano yaryar, waxaanay xaafadii sii noqotay madow iyo iftiin la’aan,
hadda xasuuso oo Biyo la’aan iyo waddo la’aana hore ayaan kuugusoo sheegay,
waxaan ka weynay hal xamaam(musqul) oo aanu ku xaajo gudano, musqul maxaanu
kaba raadin waxaaba iskusoo hadhay sadexdaydii wada-soconay, gaadhkii baabuurta
xaafadda iyo dhawr kolay oo qaad lugu iibinaayey, aakhirkii waxaanu helnay wiil
aanu saaxiibo nahay oo degan xaafadda oo suuqa kasoo baxaayey si uu hurdo
yimaado oo aanu u dirsanay shidaal, ilaa intii uu nosoo qaadayeyna waxaanu
sidii derbi jiifka dhex fadhiisanay derbiyadda madow ee soo eegaayey waddada,
SIINAAY waa xaafad aad u weyn laakiin ayaan daradda haysta ayaa waxaa kamid ah
in xaafado badan oo isla xaafadda kamid ahi ay saqiiraan oo magacyadoodii
rasmiga ahaa baaba’aan sida Xaafadda Faarax Nuur, Xaafadda Maan-deeq, Xaafadda
Dugsiga Cali Jaamac, Gooladda Xariir iyo xaafada xero-awr, intaba waxaa loogu
yeedhaa Siinaay, mana laha goob tilmaameedyo rasmi ah oo lugu kala saaro ama
lugu kala garto hal-bawlayaasha(streets)ka xaafadda, taas oo ka xafadihii kale
ka dhigtay in ay noqodaan SIINAAY,
Waxayna meesha ka saartay xaafadu xaafado kale oo ka tirsan isla
Degmada, sababtuna waa magaca xaafadda oo qadiimi ah.
SIINAAY,
waxay ku taal koonfurta Magaaladda Hargeysa, waxaa nashaqdeyey oo quruxiyey
qaab dhismeedka xaafadda iyo jidadka dhex-mara, Maayirkii ugu dambeeyey
xukumadii Madaxweyne Siyaad Barre, waa Bile rifle oo ka dhigay xaafad wadooyin
waaweyn leh, wuxuu Bile rifle kala saaray dhismayaasha iyo wadooyinka waxaanu u
sameeyey meel waaweyn (Parking) oo goobaha ganacsiga loogu talo galay si
baabuurta loo dhigto, laakiin maanta nasiib daro waxaas oo dhami waxay noqodeen
kuwo baa’bay waxaana kasii muuqda raadadkii hore ee xukumadii xiligaasi u
nashaqadeysay.
Maxaa SIINAAY sidan ka dhigay:
1.Dadka Xaafadda: Siinaay waxaa sidan ka dhigay dadka degan
xaafadda, dadka degani waxay ka gaabiyeen horumarkii xaafadda, inkasta oo
dhawaanahan xaafadda meelo kamid ah shacabku ka dhisteen wadooyin iyo horumar
muuqda, haddan maanta sidii laga filaayey xaafadda umay horumarin, qofkastaana
waxa uu ka dhigtay goob loosoo hurdo doonto oo laga shaqo tago oo keliya,
waxaanan hubaa in inbadan oo kamid ahi xitaa hurdo aanay usoo doonteen ee ay
dantu ku kalifayso guryahoodii oo kuyaala xaafadda.
2.Ganacsatada Kasoo Jeedda Xaafadda: Ganacsatada
xaafaddu waxay inta badan ganacsigoodii waaweynaa ee camiraada iyo quruxda u
noqon lahaa xaafadda u rareen suuqa iyo goobo kale oo ay ka door bideen, waxaa
nasiib daro ah in SIINAAY oo qadiimi ah, habeenba hadii uu galo aanad ka
helahayn goob waxbarasho, goob shidaal, goob cunto, goob musqul ah, taxi, goob
shaah, goob timo-jare iyo goobo badan oo daruuri u ah xaafadda, waxay dhamaan
dadka xaafadu adeega usoo doontaan suuqa weyn ee Hargeysa, waxay dhamaan
caruurta xaafadu aadaan dugsiyo kale oo kuyaal magaaladda, waana xaafada keliya
ee Magaalada Hargeysa aan lahayn dugsiyo waaweyn ama jaamacado wax lugu barto.
3.Xubnaha Golaha Dawlada Kaga Jira Ee Xaafada Lagasoo Doortay: waxaa
dayacay oo noqoday kuwo lagu khasaaray dhamaan xubnihii goolaha deegaanka ee
lagasoo doortay xaafadda, waxayna noqodeen kuwo irbad aan dun gelin oo keligood
shaqaysta, waxay dhoob-dhoobi kari waayeen waxba yaanay quruxine waddooyinka
xaafadda dhex-mara, waxay noqodeen kuwo aan lala xisaabtami, sidoo kale kuwa
kujira gola wakiiladda ee xaafadda lagasoo doortay waxay noqodeen kuwo iskadaa
in wax u qabtaane xitaa qaar badani aanay usoo hurdo tegin oo kireeyey
guriyihii xaafadda ay ku lahaayeen, Wasiiradda magaca dadka xaafadda ku jooga
xukumadda ee xaafadu saamiga ku heshay waxay noqodeen kuwo iyaguna iskagaba
guuray oo Masalaha sare ee Degmada A/dhagax ka dhistay guryo waaweyn iyo
bangalooyin, isla markaana aan maanka iyo maskaxda kuba haynin cidii ay matalayeen
iyo halkii lagasoo taageeray.
5.Qurbo-jooga Xaafadda: Qurba jooga xaafadu waxay noqodeen kuwo
wakhtiyadda Ololaha, colaadaha iyo mixnadda u adeega shacabka, laakiin ay ku
yartahay u adeeegista horumarka iyo kaabayaasha bulshadu. Nin kasta ama qof
kasta oo hanti iyo lacag haysta oo qurba joog ahi waxa uu bixiyaa xiliyadda uu
dantiisa fiirinaayo laakiin way ku yartahay in uu bixiyo xiliga isagana ay
sadaqada u tahay, dadkiisa iyo dalkiisana horumarka ay u tahahay.
4.Dhalinyarta Aqoonyahanada ah Ee Xaafadda:
Gebo-gebadii waxaa dib u dhaca xaafadda iyo nolol la’aanta ka jirta u sabab ah
dhalinyarta aqoonyahanda ah ee xaafadda oo aniga laftarkaygu aan kamid ahay,
waxayna noqodeen kuwo ka hadla wax kasta oo dalka ka jira laakiin iska ilaabay
mugdiga iyo dulmiga ay xaafadoodu ku sugantahay, ma jiraan ama waa kuwo aad u
yar tiro ahaan dhalinyar is-xil qaanta oo dadka xaafada iyo ganacsatadaba
baraarujiya, ma jiraan dhalinyartii camiri lahayd hadii goobo suuqyo ah laga
sameeyo xaafadda, ma jiraan ardaydii wax kabaran lahayd xaafada hadii goobo
waxbarasho laga furo, sidoo kale ma jiraan haweenkii ka adeegan lahaa hadii
suuqyo lagafuro xaafadda, taasina waa nasiib daradda ugu weyn ee xaafaddaas
haysata.
“SIINAAY, Caasimadii saqiirtay ee shacabkeedu duugeen habeen madow,
waxay Hargeysa inteeda kale ka dambeysaa 20-sano”
Wabilahi tawfiiq.
Mr.
Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa /
Saxafi madax banaan
Hargeysa
-Somaliland
0 Comments