Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Danbiilihii Ugu Khatarta Badnaa Taariikhda!


Pablo Escobar waa ganacsadihii ugu weynaa ee dhanka maandooriyaha (mukhadaraadka), waa nin u dhashay dalka Colombia 1949kii, wuxuuna ahaa markiisii hore nin beeralay ah oo faqiir ah, markii uu cimrigiisu gaadhay 35 jir wuxuu noqoday dadka ugu maal-qabeensan dunida markaas oo uu ahaa boqorka maandooriyayaasha Koka’eenta iyo Horweenta ee Colombia, markii ugu horeysay ee uu soosaaro
mukhadaraadkan waxay ahayd sanadadii sideedtamaadkii markaas oo uu dhoofiyey 80%(boqolkiiba sideedtan) mukhadaraadka nooca ko’koiinta ah, waxaanu lahaa warshado soosaara 2000 oo tan maalin kasta marykanka gudihiisa, waxaana lugu sheegay in ninkani uu yahay ninka todobaad ee ugu qanisan dunida isagoo haystay lacag gaadhaysay 30 billion oo dollar intii u dhaxaysay sanadkii 1987 ilaa sanadkii 1993, waxayna gaadhay lacagtiisu ilaa heer uu ku aamin waayey in uu bangiyada dhigto isagoo gaadhay in uu ku iibsado waxyaabaha balaastiga ka samaysan qiimo gaadhay 2500 oo dollar bishiiba wuxuuna gaadhay dakhliga uu todobaadkiiba ka helo mukhadaraadka kudhawaad 420 milyan oo dolar, maalin maalmaha kamid ahna wuxu gubay 2 milyan oo dolar si uu ugu kulayliyo gabadhiisa oo dareemaysay qabo, wuxuu lahaa ninkani dawlad yar taas oo uu isagu madaxweyn kayahay oo isaga u gaar ah taas oo aanay awoodin dawlada Colombia in ay wajahado, mar ay isku dayday dawlada Colombia in ay wajahado ninkaasi khadarta badan ayaa laga dilay dawlada sadex musharax oo madaxtinmada u sharaxa iyo wasiirkii cadaalada ee dalka, ku xigeenkii guud iyo 200 oo garsoore iyo wax kabadan 1000 askari iyo weliba tobanaan saxafiyiin ah, markii ay ogaatay dawlada dalka Colombia in ninkan aan awood ciidan loo adeegsan Karin waxay ugu danbayntii la gashay heshiis markaas oo uu u ogolaaday in xabsiga la dhigo, laakiin waa xabsi lugu raaxaysanayo oo ka duwan sida kan caadiga ah, waxaana xabsiga ku ag yaala guri weyn oo ay degenyihiin ninka qoyskiisa, halka xabsiga looga dhex sameeyey garoon weyn oo uu ku ciyaaro madaama oo ninkani uu aad u jecelaa kubada cagta, dadka ilaalinayana waxay ahayeen askartiisa isaga u gaarka ah iyada oo xukumadu wax ay awood u leedahay aanay usoo dhawaan Karin xabsiga uu ninkani ku jiro, iyada oo dawladu u jirtay masaafo gaadhaysa 3 mayl, halkaas ayaanu ka maamulaayey hawlihiisa dadkuna aad ayey usoo bookhanayeen, shuruudahaas oo dhana waxaa kula heshiiyey ninkii madaxweynaha ka ahaa dalka Colombia, ninkan waxaa si gaar ah u jecelaa dadka danyarta ah isaga oo wax siinjiray quudina jiray, Iskuulo iyo cisbitaalo ayuu dhisay, sidoo kale beero iyo garoom kubada cagta ah ayuu dhisay, halka inta badan uu noloshiisa ku qaatay beer weyn oo uu lahaa oo ay ka shaqayn jireen 3000 oo shaqaale ahi, wiilka uu dhalay ninkan khatarta ahi ayaa ahaa mid dhaqan ahaan ka duwan aabihii wuxuuna aad u jecelaa waxbarashada iyo dad ladhaqanka wanaagsan, wuxuuna wiilkiisu uu ka fogaaday maandooriyayaashii uu aabihii ku caanbaxay, halka aakhirkiina uu wiilkiisu noqoday nin injineer ah oo qoray dhawr buug oo ka hadlaaya noloshii aabihii, isaga oo taas uga dhigaaya in uu dambiyadii aabihii ku baabiiyo. Pablo Escobar 1993-kii 16 sano kadib iyada oo aad loo dagaalamayo oo la is eryanaayo isaga iyo ciidamada dawladu ayuu dhintay, sidoo kale intii hawlgalkaasi socoday waxaa dhintay 147 askari waxa kale oo la dilay 127 qof oo shacab ah sidoo kale waxaa hawlgalkaas ku dhaawacamay wax ku dhawo 600 oo qof, markii uu dhintay ayey dadkii oodhami aad u murugoodeen iyadoo ay jinaasadiisa kasoo qayb galeen kumanaan qof.

Diyaarintii: Xamse Baashe (Wiyeer yare)

Post a Comment

0 Comments