Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Hambalyo Mudane Madaxweyne Socodaalkaaga Nabadda Iyo Midnimadda Ee Goboladda Bari W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)


Waxaan qoraal kooban ku soo gudbinayaa dareenka shacbi weynaha Somaliland oo aan u kuurgalay inbadan oo kamid ahi sida ay u arkaan socodaalka Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Mud.Muuse Biixi Cabdi, socdaalkan oo anigu aan u bixiyey “Nabad iyo Midnimo”, waxa uu ku beegmay xili in badan oo shacabka muwadiniinta ahi ka werwer qabeen, kana walaacsanaayeen, sida uu noqon doono xukunka iyo maamulka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi mudo hal sano ah kadib.

Runtii farxad ayey u tahay guud ahaan shacabka iyo inbadan oo wanaaga iyo iskuduubniada Somaliland jeceli in ay dhegahooda ugu raaxeeyaan wararka la xidhiidha socodaalka Madaxweyne Muuse Biixi ee uu ku maraayo gobolada bari oo inbadan tabasho iyo cabashooyin ka tirsanaayey Xukumadda Muuse Biixi iyo xukumadihii kale ee ka horeeyey.
Sidoo kale waxay farxad u tahay muwadiniinta shacabka ah ee ku dhaqana Goboladda madaxweynaha iyo weftigiisu socodka ku marayaan iyo mashaariicda uu xadhiga ka jaraayo madaxweynuhu, iyagoo isku arkaayey waa goboladaase in ay ka sii baxayaan saaxadda dawladnimo iyo dalnimo, iskuna arkaayey kuwo la ilaawey oo aan cid iyo dawladi midna dan iyo danno gaar ah ka lahayn.
Tiraba laba jeer ayey ahayad intii uu xilka haye Madaxweyne Biixi, in aan fariimo xambaarsan midnimo iyo wax-wada-qabsi u diray Madaxweynaha iyo xukumadiisa, taas oo talo iyo soojeedin iila muuqatay, madaama oo aan ahay muwaadin xaq u leh wixii sax iyo toosin ah in uu la garab istaago xukumaddiisa iyo madaxdiisa, waa illahay mahadii kol hadii qodobo kamid ahaa fariimihii aan madaxweynaha u diraayey ay maanta iigu muuqdaan kuwo hirgalay oo madaxweynuhu fulinaayo, Sidaa darteed waxaa maanta xaq la iigu leeyahay aniga iyo inta wanaaga iyo midnimadda umada Somaliland jeceli in aanu hambalyo iyo dhiirigelin la garab istaagno Madaxweyne Biixi iyo weftiga uu hogaaminaayo sida geesinamada leh ee uu ugu dhex laafyoonaayo gobolo in badan warbaahintu ka sheegi jirtay dhibaatooyin iyo cabashooyin dawlad la’aan ina tusaaya.
Fariinta Shacabka:
Madaxweyn guul ayey kuutahay, isla markaana guul ayey u tahay shacabkaaga, socdaalka qiimaha badan ee aad ugu kuur gelayso wax ka ogaanshaha shacabka aad Madaxweynaha u tahay.
Madaxweyne hore u soco oo noqo kii umadiisa iyo dadkiisa guul iyo midnimo u horseeda, hana noqon kii loo hanweynaa ee lugu khasaaray, dheg ha u dhigin qabyaaladda iyo nin jecelaysiga waxaad madaxweyne u tahay qarankan iyo shacabkiisa oo dhan, waad dareemi kartaa jacaylka iyo taageerada shacabka aad dhex socotaa kuu hayaa, ee waxqabad muuqda ku taageer iyo hadalo midnmio iyo isjecelaysi xambaarsan.




Wabilahi tawfiiq.
Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa / Saxafi madax banaan
Hargeysa -Somaliland


Post a Comment

0 Comments