Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Kala Duwanaanshah Maamulka Iyo Hogaaminta Caalamka (Leadership Styles) W/q: Hamse Bashe Wiyeer-yare


Maamulka iyo Hogaanku waa nidaamka loo adeegsan karo dadka meel ku dhaqan si loo gaadho u jeedada uu leeyahay dalkaasi, waddan kasta oo caalamka katirsan waxaa ka jira dawlado kala maamul duwan sida maamulada iyo hogaanka waddamada loogu qaybiyo saddexda nooc ee aadka u kala duwan oo kala ah
1.     Autocratic Government (Dawlad Digtaatoriyad ah)
2.     Democratic Government (Dawlad Dadka la tashata)
3.     Laissez faire Government(Dawlad Dadka Xornimo siisa)

Hadaba Aan isku dayo in Ablo-ablaynta aan sameeyey ku saleeyo Dawladaha kala duwan ee caalamka kaga kala jiraan oo aan tusaale u soo qaato Dawlado dhawar ah oo isticmaala Nooca(style)ka  Maamul ee kala duwan.
AUTOCRATIC LEADERSHIP (Dawlada Digtaatoriyada ah)
Dawlada Noocan ahi waa mid Adayg kula dhaqanta bulshada ay maamusho misana u diida wax badan oo ay xaq u leeyihiin shacabku, waxay dadka ku abaal marisaa ciqaab iyo inay shaqaala shaqada ka erido, waa dawlad aan jecelayn in ladhiisa ay leedahay la sheego misan wax kasta oo xan ah la qariyo, waa dawlad go’aanka ay shay kasoo saarto aan ka noqon misana eegin danaha bulshada oo teeda uun eegta.
Dawlada noocan ahi waxay horumar gaadhsiisaa waddanka laakiin dhaqaalaha waddanka wax loogu qabto waxaa kabadan kan waddo khaldan maraya, sidoo kale waa dawlad ku caano maashay in cid kale oo cadaw ahi aanay ku soo xadgudbin, wadamada ay  ka jiro maamulka noocan ahi waxaa kamid ah Eleteria, Egypt, Syria, UAE (United Arabic Emirate) Hadaba wadamadan oo ah kuwo horumarsan, hogaamiyayaasha xilka u hay iyo kuwii soo marayba ay ku maamuli jireen nidaam aan cid kale ka daba hadlin misana waxaa waddamadan ku yar mucaaradka oo hadii uu samaysmo loo taxaabayo jeelka misan aan loo ogolayn siyaasada in cid kale ku soo biirto, waddama sidan ahi waxay u badan yihiin kuwo Madaxtinmada wadanka ay iskaga dambeeyaan dad isku reer ah misan ka dhiga boqortooyo la iska dhaxlo maamulka. Waddamadan oo sidaad aragto ah kuwo kamid ah waddamada islaamka ku abtirsada ayaa waxaa maamulkan ku kelifaaya iyaga oo taageero been ah ka helaaya wadamo shisheeye oo aan diin iyo dal toona aan tixgelin siinahaynin.
DEMOCRATIC LEADERSHIP (Dawlada Dadka la tashata)
Dawlada noocan ahi waa mid la tashata dadka shacabka ah ee ay maamusho misana u ogol dadka in ay samaystaan ururo, xisbiyo, iyo koox dawlada la tashada sida goolayaasha oo ah kuwo u taagan shacabka, Dawlada noocan ahi waa mid ay ku dedaalaan dalalka reer galbeedku in ay ka hirgeliyaan waddan kasta oo caalamka kamid, Democratic (dimiquraadi) waa maamul ay soo doorteen dadku, laga soo doortay dadka dhexdooda, losoo doorta danta dadka iyo dalka, Waddamada ku dhaqma maamulka noocan ahi waa mid ku fidaaya waddamada islaamka oo ah in diintii islaamka ee ay isku maamuli lahayeen laga saaray meesha inta wax laga soo dheehday misana aan la wadda qaadan.
Waddamada ku dhaqma maamulka noocan ah waxaa kamid ah Somaliland oo Sanadadii 2003 la is odhan karo waxay qaadatay nidaamkan, Laakiin aan si buuxda uga hirgelin oo aan waddanka maamulka ka jiraa aanu la tashan dadka Aqoonayahnada u ah bulshada, Weriyayaasha , Dadka qalin maalka ah ee Kalmada Xaqiiqada ah Qalinka ku duuga.
Saudi Arabia waa waddama islaamka ugu waaweyn laakiin dhaqan la baray ayaa ah mid hada kusoo laba kaclaynaya misana suurto gelinaya in Waddan shisheeye uu rabo in uu u yeedhiyo waxa lugu xukumayo waddanka, Inkasta oo Waddanka lugu xukumo diinta macaan ee islaamka, misana laga fuliyo shareecada islaamka ayaa misana waxaa ka jira in USA oo ah marykan uu u tilmaamo wax uu yidhi waa horumar.
Laissez faire Government(Dawlad Dadka Xornimo siisa)
Dawlada noocan ahi waa mid si xornimo leh kula dhaqanta dadka ay maamusho misana waa dawlad u taagan in ay hirgeliso inta baddan wixii ay u balanqaaday dadka, Inkasta oo dawladaha noocan ahi yihiin kuwo dhaafay heer dimiquraadiga ah, Sidaan kawarqabno waddamada islaamku waa kuwo haysta xoriyada ugu baddan ee xaga dhaqanka oo ah diinta islaamka, misana diinta islaamku waxay inaga reebtaa wax kasta oo aan faido Aduunyo iyo mid Aakhiro toona inoo lahayn misana waxay inoo ogoshahay wax kasta oo Aakhirada iyo Aduunyada aynu ku Guulaysanyno.
Inkasta oo dhaqanka Noocani uu yahay mid dalalka islaamka aan ku badnayn u jeedada oo ah inta baddan waddamada islaamka oo sanka laga gelyey dhaqan layidhahdo Dimquraadiyad , iyo xukun xoog ah ayaa waddamada qaatay qaabka hogaanka waxaa kamid ah Inta baddan waddamada Yurub, Marykanka Iyo waddamo aan badnayn oo katirsan Asiya.
In kasta oo Waddamo aad u yar oo kamid ah Afrika ay qaadanayaan maamulka noocan ah, Handdana ma jirto waddan farta lugu fiiqo oo ka jiro maamul noocan ah, Somaliland oo dadka kunooli yihiin 100% dad islaam ah ayaa xoriyada ay haystaan dadku tahay mid aad iyo aad u baddan, laakiin dhinaca kale ay jiraan dhaliil losoo jeedinaayo maamulka hadba ka jira waddanka oo talaabo ka qaada cida runta sheegta, Misana la is odhan karaba waxaa aan lugu adag ku taagnayn Qodobkii labaad ee aan kasoo hadlay oo ahaa Dawlad Dimuqaraadi ah, oo ahaa in dawladu la tashato shacabka misana go’aamada ay gaadhayso wax kaweydiiso.

Lasoco Qaybta 2aad Ee Qormaddan
Wa-bilaahi Tawfiiq
Saxafi /Qoraa Madax banaan.
Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Hargeysa/Somaliland


Post a Comment

0 Comments