Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Xogta Ku Duugan Caadooyinka Iyo Dhaqamadda Qaaradda Afrika Q1aad W/Q: Wiyeer-yare



Qormadeenan oo noqon doonta taxane taas oo si joogto ah ugu soo bixi doonta Daraasadka Adduunka waxaynu ku soo qaadan doona qaar ka mid ah guur dhaqameedada Qaarada Afrika sida Somalida, Itoobiya, Kenya, Ghana, Nigeria, Niger, Suudaan iyo qoomiyado badan oo qarada dega. Dhammaan Qaarada Afrika waddamada ku jira waxay lahaayeen xaflad dhaqameed xilliyada ay is guursanayaan u gaar ah, balse waqtiyadan waxaad moodaa in guurka reer galbeedka amma lammaanaha cadcad wax la yidhaa ay saameeyeen hab-dhaqanka loo dhigan jiraay xaflada aroosyada. Haddaba, qoraaladan soo socda waxay muujinaya guur dhaqameedka amma xaflad-dhaqameedka lammaanayaasha  qoomiyado Afriko ku dhaqan dhigtaan xilliyada ay nolosha ku
midoobayaan. Meel kasta oo dunida aad ka tagto  haweenku waxay doormuhiim ah ka ciyaaraan samaysanka amma unkanka  bulshada wanaagsan, sababtoo ah waa xudunta  isku xidha ilmaha aan dhalan iyo awoowayaasha lagu abtirsado.
Itoobiya [Ethiopia]: Dalka Itoobiya qoomiyada amma dadka la yidhaa Karo waxay haweenayda aroosada ah cilaan amma xine  u mariyaan caloosha amma uur  ku jirta, iyagoo ku sawiraaya calaamado kala duwan, waana mid ka mid ah tiirarka xaflada arooska, muujinaysana in gabadhaas  diyaar u tahay aroos iyo in aqal la gaysto. Sidoo kale qoomiyada Amhara guurkooda badankiisa waxa ka wada xaajooda labada qoys ee lammaanuhu ka soo kala jeedaan, waana aroos inta badan maxkamad ka dhaca  oo heshiis la kala saxeexdo. Waxa waajib ah in wadaad goob-joog ahaado, halka furiinka laftiisa lamada qoys ka wada xajoonayaan.
Waxa kale oo jira guur ku meelgaadh ah oo lammaanuhu afka ka galaan ka hor inta aanay goob-joog ahaan markhaatiyaashu ee aan heshiiska la kala saxeexan. Marka gabadha la guursadana waa in ay bixisaa gunnada shaqaalaha guriga ka shaqaynaya, wax dhaxal ahna ma yeelato, balse ubadka guurka ku dhasha waxa loo aqoonsanayaa in ay dhaxalka leeyihiin. Qoomiiyadan wadaadadoodu way guursan karaan, balse ma furi karo gabadha uu guursado, xaqna uma laha inuu mar labaad guursado. Nidaamka guurka waxa bilaabaya ninka arooska ah, kaasoo dad ka wakiil ah oo eheliyadiisa ah u diraya si ay guurka uga soo codsadaan reerka gabadha, kadib waxa la qabsanay ballan, waxaana halkaas laga soo saaray go’aanka guurka. Ka hor inta aan xafladda aroosku dhicin waxa qasab ah in yaradka iyo meherkaba lala kala wareego oo sidii lagu heshiiyey loo bixiyo.
Maalinta xafladda  la qabanayo ninka arooska iyo afar nin oo qoyskiisa ugu wanaagsan ayaa tegaya guriga haweenayda. Gurigaas haweenka qoyska iyo asaxaabtooda ayaa albaabka isku gudbaaya, kadib marka raggu soo gadhaan waxay u heesayaan si cod dheer oo xooggan leh, waxaanay raggu ku riixayaan xagga guriga. Ninka ugu soo horreeya afarta nin ee xulka ah oo sita cadar wuxuu ku buufinaya jiho kasta oo guriga ka mid ah, kadib aroosada amma haweenayda qoyskeedu waxay ku dhufanayaan hees dhaqameed. Guur kiristaanka oo inta badan ay caan ku yihiin gobolladaTigray iyo Amhara  waxa guurka soo diyaariya waalidiinta lammaanaha, iyagoo  heshiis sla isku waafaqsan yahay ka soo wadagalay. Marka la eego dhaqanka amma caadadana waa in gabadhu noqoto gashaanti aan waligeed la soo guursan, sababtoo bikranimada waa shay aad loo qiimeeyo qoomiyadahaas, waxana haddii aanay gabadhu ahayd shabad qoyskaas oo dhac ku dhacaya caar amma ceebayn.
…………………………………………………………….Lasoco Q2aad


Mr.Hamse Bashe Wiyeer


Post a Comment

0 Comments