Muhiimada Mawduucan aan idinla wadaagi doonaa
wuxuu noqon doonaa in aan in badan idiinka sheekeeyo wakhtiga iyo muhiimadda uu
u leeyahay umadda Muslimka ah gaar ahaan dhalinyaradda Somaliyeed, waxaan
taaban doonaa xaaladda dhabta ah ee dhalinta qaar ku noolyihiin kuwa gudaha iyo
kuwa dibadda labadaba, qaybta dambe ee qormadan waxaan kaga hadli doonaa sidoo kale qorshaynta wakhtiga iyo sidda ay dhalinyarta iyo qof kasta oo
guul doone ah wax ugu tarayso ayaan idiinku soo bandhigi
doonaa.
3.2.2. Wakhtiga iyo Muhiimadiisa: waxaa muhiimka u ah nolosha u jeedada leh waxa weeye inuu
qofku wakhtigiisa ka faa’iidaysto, maxaa yeelay wakhtigu waa nicmooyin waawayn
ee ilaahay siiyay dadka loona baahanyahay inaan si macno daro ah layskaga
lumin. Rasuulkeenniina (nnkh) waxuu yidhi: “laba nicmo dadka intiisa badan waa lagu dagaa firaaqaha (wakhtiga) iyo
caafimaadka.”
Gaaladuna waxay ku horumareen markay garteen qiimaha wakhtigu
leeyahay kana fa’iidaysteen. Wakhtigana waxa uugu qiima badan inta dhalinyarada
la yahay, markaa ha lagu dadaalo sidii wakhtiga dhalinyaranimada looga faa’iidaysan
lahaa.
Waxa mudan inaan halkan ku xuso sida dadkeenna Soomaaliyeed gaar
ahaan dhalinyaradii wakhtiga iskaga lumiyaan, dadka waddankeena jooga intoodii
badnayd waxuu wakhtigii kaga lumay Qaad cunis iyo makhaaxi fadhi, marka laga
tago inta faro ku tirska ah ee waxbarashadda jaamacaddaha iyo dugsiyada ku
mashquulsan, laakiin waxaa meesha ka baxadday oo kow iyo labo la odhanayaa
ardaydii u goday barashada diinta iyo cilmiga oo ay yartahay inta wakhtigoodii
gelisayba.
Aan idinla wadaago sheekadan yar oo kusaabsan sida
dhalinyarada maantu intooda badani wakhtiga u dayaceen ugna lumiyeen
marfishayada qaadka iyo meelo muqaal laga yaq-yaqsoodo leh “Waa Mustaqbalkii Beri” Waa ciwaanka sheekadda, waxayna ku
bilaabantay sida tan “Waa Nin xoog ah oo ku jira Da’ada labaatameeyaha, waa nin
qurxoon oo ilahay u dhaliyey quwad waa nocii la odhan jiray laba-lafood, waxaan
ka wadaa quwadiisa iyo xooga uu lasoo koray, Markaad kor u fiiriso waxaad
arkaysaa in uu samaystay dhoor ka diiga oo kale ah misana waxa uu marsaday
waxan looyaqaan madoobaysada, waxa Uu igagasoo baxay meel aad u madow oo adigu
aanad gasheen sida ay u eegtahay, waxa uu eegayaa Hareerihiisa, Malaha wax uu
iska eegayaa mid kamid ah waalidkii in uu arko meeshan qadhmuun ee qiiqa
sigaarka iyo garaabadu ka buuxdo,Qofka halkan galaana ogow oo cibaado way
kalatageen, Wax uu xidhanayahay surwaal qurxoon laakin qaabka gashadiisu aanay
dadka wanaagsan qanicinahayn, waayo waxa uu ka xidhay daba dhuuqda, Waxba lama
ah in uu kaba siibto, oo Halkaas ceebtisu ka muuqato, Allah imakaba waxaa
muuqda surwalkii hoose, cajiib waxa uu dhegaha kula jiraa Sameecado,
Earphonada, sida uu madaxa u lulayo waan yaabay, oo waxaan arkay in uu
wadankaba ka baxsanayahay, oo Malaha Amerikaanbuu dhagaysanayaa, waxaan isku
deyey in aan afka u kala qaado oo aan idhaahado waar allahaa ka cabso , se wuu iga qaatay laakiin waxaa uu iiga
sheekeeyey in wuu ahaa arday kasoo bilaw dugsigii hoose ee waxbarashada, ilaa
uu gaadhay heer jaamacadeed oo uu jaamacadii ka qalinjabiyey sidaa darteed wax
uu ii sheegay in uu muddo laba sano ah uu shaqo raadinaayey, laakiin meel kasta
oo uu shaqo ka xareeyo lugu xidho oday iyo qabyaalad halkii lugu xidhi lahaa
heerka waxbarashadiisa, Waa nabada Hadaanad tahriibin baan hoosta ka idhi,
imaka wuu iga dhaqaaqay oo wuxuu dib u huluushay meeshii madobayd ee uu kasoo
baxay, ileen waxa uu sugaayey mid kamid ah asxaabtiisa oo sigaar u doonay, waan
jaleecay oo arkay in meeshu sii gun weyntahay waxaana kasoo muuqday in badan oo
dhalinyaro ah oo da’a ahaan aan ku qiyaasay kuwii jaamacadaha kasoo baxay,
Daqiiqado kabacadi waxaa meeshii oo aan xoogaa u jiray si aan la iigu arag
aniga oo aan la odhan waa kamid soo gaadhay raxan dhalinyaro kale ah laakiin
hoostaas baan ka leeyahay hadii ay tahriib ka badbaadeen waa mahad allahe kol
intii ay wadan kale oo shisheeyey oo diin kale haysta ku dul baabi lahaayeen
wadankooda ha ku baa’baan Waa Ayo Kani? ........Waa mustaqbalkii Beri”.
Sheekadaaas gaabani waxay ina dareensiinaysaa dayaca ay dhalinyarta maantu gaar
ahaan kuwo guduhu ku sugan yihiin, bal aynu eegno intii
debedaha u baxdayna weli waxay ku jiraan
badankoodi geedi socod meel ay ku dambayna uuma kala cadda, dadkeenna
badinkiisa waxaad arkaysaa inay dalal badan isku marayaan, markay mid wax yar
joogaanba uugasii gudbayaan dal kale.
Dadkaas waxa hubaal ah hadday dalkii ay markii hore luga dhigteen
iska degi lahaayeen waxay noqon lahaayeen dad dalka ka mida oo xaq ku leh, wax
wayna way ka qabsan lahaayeen, halkay imika kolba dal kale qaxooti cusub ku
yihiin. Taasina ceeb qof keliya maaha ee waa wax aynnu ka wada simannay.
Inkasta oo ay dadka qaarkii qasab ku tahay inay meeshii hore ka
tagaan oo meel kafiican tagaan, iyagoo ka eega xagga nolosha, haddana guur
guurku waa mid inoo caado ah. qurbahana waxa ku dhabowday odhaahdii ahayd “Soomaalidu waa reer guuraa”. Haddii sidaa lagu sii
socdana waxa halkaa ku lumaaya cimriga intii uugu qiimaha badnayd ee aynnu wax
qabsan lahayn.
Tix-raac:
1. Maan-maal buureed gurxan ----- Waa maxay dhalinyaronimadu.
La soco Q9aad ee
Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah
iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
Ama Bookho barta Internetka Ee
Qoraaga www.wiyeeryare.blogspot.com
0 Comments