Hordhac: Nabad-qab akhristayaal, waa mid
kamid ah qoraaladii aan ugu talo galay in ay miciin iyo garab istaag unoqodaan
dulmanaha iyo miskiinka cadaalada geyigeenu garabkiisa kabaxday. Qormadan
waxaan kaga hadlayaa Maxakamada Degmada Hargeysa gaar ahaan Gudoomiyaha
Cabdirashiid Maxamed Xirsi Beer-geel oo mudo todobaad gudihii ah fuliyey laba
xukun maxkamadeed oo
labaduba dalka Somaliland iyo guud ahaan geyiga Soomaalida
ku cusub yihiin, labadaas xukun oo faa’ido iyo waxtarba u ah geyiga, laakiin
sida diinteena suuban iyo caqliga caafimaadka qabaaba ay si fudud u kala saari
karaan labadaas xukun ka dembiga iyo jariimada weyn ee ay ahayd in xukunka loo
kala siiyo.
Maxakamada
degmada Hargeysi waxay xukun 3 sano ah ku riday dhamaadkii bishii 2aad ee aynu
soo dhaafnay 5 nin oo lugu eedeeyey in ay si sharciga deegaanka baal-marsan
usoo qabsadeen diin isla markaana ay doonayeen in ay iibiyaan, waa run oo waa
muhiim in xayawaanka iyo bilicida deegaankeena la ilaaliyo, waana ta sababtay
in Wasaarad dhan iyo shaqaalaheedu ay kamid noqodaan Wasaaradaha kala duwan ee
dalka ka jira, laakiin diinka 3 sano iyo lacaga ganaaxa ah loogu xukumay 5 wiil
ee bilaa shaqada iyo nolosha adag ee dalku taabatay miyaanu ahayn ka ku
darxumaysan wadooyinka waaweyn ee gobolada la iskaga socodo, oo maalin walba
baabuurtu ku jiidho wadooyinka isagoo ka talaabaya.
Isla
maxkamada degmada Hargeysi dhamaadkii bishii 2aad ee sanadkan waxay xukun ku
riday danbiilayaal, tuug ah oo xaday qof nool oo mudo badan ay raadinayeen
waalidkii dhalay, iyaga oo jidhkiisa doonaayey in ay u iibiyaan si qaybo-qaybo
ah, taasina maanta waxay si aad ah ugu badantahay gudaha Hargeysa, dhibta iyo naxdinta
waalidka soogaadhey oo keliya ayaa xukun xadhig ah maahee xitaa hadii dil
toogasho lugu xukumo dambiilayaashaas aanay waalidku kasoo kabsanahayn,
Xukunkaas maxkamadu waxay dambiilayaashaas ku xukuntay 2.5 sano waa labo sano
iyo badh xadhig ah, halka kuwii diinka ay dantu u geysayna lugu xukumay 3 sano
oo xadhig ah.
Bal
hadaba akhriste ayaan-darida inagaga habsatay sharciga iyo maxkamadaha dalka
waxaa ina tusaaya labada xukun ee aadka u kala dembiga weyn, haddan aadka u
kala xukunka kala duwan.
Maxaa
sababay? Ma maxkamada iyo gudoomiyaheeda Beer-geel ayaa arinta ilmaha yar aan
si fiican u baadhin, halka ta diinka iyo 5ta wiilna ay si fiican u baadheen,
mise xukunkii iyo sharcigii Maxkamaduhu isticmaali jireen ayaa isbedelay?
Hadii
ay sidan kusii socoto beri ka maalin dembiilayaashii wiilka yar qafaashey
xukunka way soo dhameysan doonaan waxaanay dib ugusoo noqon doonaan caruurteena
iyo shaqadii hore ee ay hayeen, sidoo kale xukunkoodani halkii laga rabey in uu
u quus gooyo cid kastoo fal dembiyeedyada noocan ah ku shaqada leh, waxa uu u
noqonayaa dhiirigelin iyo in aanay ka cabsoonin xukun iyo Maxkamad midna.
Mudanayaal,
Madaxweynaha Qaranka, Wasiirka Cadaalada iyo dhamaan garsoorayaasha Maxkamadaha
waxaanu idinka codsanaynaa inta aydaan deegaan iyo diin xuquuqdiisa u
dagaalamin in aad ubadka yaryar ee la xadaayo iyo hooyooyinka naxdinta la kici
kari la’a aad xuquuqdooda usoo dhicisaan, waayo iyaga ayaa waajibaadka kowaad
ee diinta iyo bin-aadaminadu uu idinka saaranyahay, Hadii aad dembiilayaasha
caruurta qafaasha ee dalka ka dhoofiya jidhkooda oo gobol-gobol loo jarjaray
aad wax ka qaban weydaan ogaada tan diinka iyo mid kaloo aad ku hamiyeysaan
midna weligiin in aanu idiin suurto galahayn.
Wabilahi tawfiiq.
Mr. Hamse
Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa /
Saxafi madax banaan
Hargeysa
-Somaliland
0 Comments