Wasaarad arimaha diintu waa ta ugu masuuliyadda iyo xilka culus
marka loo eego wasaaradaha kale, waayo wasaaradani waxay dadka ama shacabka uga
masuul tahay arimo la xidhiidha diintoodda iyo waajibaadka sharciga ah ee
qofkasta laga rabo.
Waxaan ka hadlayaa wasaarada Diinta iyo awqaafta,
laakiin kama hadlaayo shaqsi gaar ah oo katirsan wasaaraddaas sida Wasiir
Khaliil ama W/ku xigeen ama Agaasime, waayo shaqsi kastaa wuu qaban karaa
shaqooyin kale oo wasaardda ka madaxbanaan sida tii taakulaynta iyo qaadhaan
ururinta abaarihii sanadkii hore oo Sheekh Khaliil door weyn oo qaali ah ka
qaatay, laakiin hawshaasi maaha mid lugu amaanayo wasaarada diinta iyo awqaafta
ee waa mid lugu amaanayo Sheekh Khaliil keligii.
Hadaba wasaardii ugu masuuliyadda badnayda marka
wasaaraddaha kale loo eego, shaqadeedu ma waxay dhaafi weyday Sadexdaas qodob
oo keliy *Sheegista bilashada bisha Ramadaan, *Sheegista Maalinta Ciida,
*Shir yar oo mu'adimiinta loo qabto sanadkii hal mar. Waxaa ayaan darro
ah sadexdaas qodob shirrinta mu'adimiinta marka laga reebo labada kale waxay
wasaaradu si toos ah ugasoo min-guurisaa dalka Sucuudi Carabiya.
Sucuudiga marka la yidhaahdo, inta badan dadka waxa
maskaxdoodda kusoo dhacda Xajka Ama Guriga barakaysan (Xaramka), Hadaba maanta
mid ogow Suucdigu aad buu u balaadhanyahay, Magaaladdii Nabiga (Madiinna) Waa
magaaladda ugu barakadda iyo naxariista badan Sucuudig iyo guud ahaan wadamada
carabta oo dhan, waxaana kunool dad aad iyo aad u wanaagsan, dhanka diinta,
akhlaaqda iyo dadnimadda intaba. Laakiin magaaladda Maka, oo Xaramku ku
dhexyaalo, dadka kunool waxaa ku dhex jira oo weliba ah kuwo aad u tiro baddan,
waa kuwa ugu xun xun aduunka, dhaqan ahaan iyo diin ahaanba, Dadka xun xun ee
ku dhaqan gudaha Maka, lagamasoo dhex helaayo wadan kale oo Islaam ah, xitaa
lagama helaayo magaalooyinka kale ee Sucuudiga.
Hadaba maxaa isbedelay, inkastoo ay weligoodba
dadkaas aadka u xun xumi dhaqan ahaan iyo diin ahaanba aan la aqoonin waxa ay
yihiin ay ilaa xiligiii nabiga ku noolaayeen gudaha Maka, oo weliba dhib iyo
aafo aad u daran gaadhsiiyeen wakhtigaas Nabiga, waxaa isbedelay in sanaddadii
ugu dambeeyey maamulka iyo dhaxalka suudiggu uu gacanta u galay qaar kamid ah
dadkii aan wanaagsaneyn ee kunoolaa Maka, taasina waxay sabab u noqotay in
dhaqamo badan oo reer galbeedka dhankooda kayimi in ay maanta si aan gabasho
lahayn ugu dhex faafaan Maka, iyagoo kuwa maamul isku sheega ahina ay dadka u
xalaalleynayaan, tusaale ahaan in Dumarku keligood suuqa u bixi karaan, In
Dumarka iyo ragu kubadaha iyo garoomada ciyaarta wadda geli karaan iyo kuwo
kale.
Maamuladii hore ee culimadda u badnaa waxay ahaayeen
kuwo kudayasho iyo tusaale u ahaa guud ahaan umadda Islaamka, waxaana loo
hogaansami jiray hdaladda kasoo baxa, laakiin maanta tii ma jirto, mana jirto
sabab sharci looga dhigo in kuwa maanta lugu daydo ama waxa ay soosaaraan la
qaato.
Wabilahi tawfiiq.
Mr.
Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa /
Saxafi madax banaan
Hargeysa
-Somaliland
0 Comments