Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Siyaasiyiin Ay Naftooda Galaafatay Siyaasadii ay ku jireen W/q: Wiyeer-yare


1.     Abraham Lincoln (1809 – 1865)

Abraham Lincoln waa madaxweynihii 16aad ee Dalka Maraykanka wuxuu dhashay 1809kii, waxbarasho rasmi ah muu baran laakiin wuxuu aqoon iyo khibarad u lahaa buugaagtii reer galbeedka, waxaana lugu tilmaamaa in uu yahay ninka ugu muhiimsan ee qabtay madaxtinimada dalka marykanka, waana madaxweynihii joojiyey adoonsigii dadka
ee ka jiray dalka marynkanka , isaga oo joojiyey 1863kii, wuxuu masraxa siyaasada kusoo biiray 1854kii isaga oo iskasoo sharaxay Xisbiga Jamhuuriga, waxaa la shirqoolay 14-April 1865kii isaga oo kasoo qayb galay masrax riwaayadeed lugu qabtay gobolka Merland, mid kamid ah jilayaashii riwaayada oo magaciisa layidhaahdo Jon Wilkes ayaa baaskoolad ku toogtay isla markiina goobtii ayuu ku naf baxay Abraham link.

2.      Mohandas Karamchand Gandhi (1869 – 1948)

Hogaamiyaha ruuxiga ah Mohandas Gandhi waxa uu dhashay 14-October 1869 waxaanu ku dhashay Imaarada Boon-bandar ee kutaala gobolka Gujaraad ee Hindiya, waxaa uu ka dhashay qoys siyaasada magac dheer kuleh, aabihii waxa uu ahaa Ra’isal wasaaraha Imaarada Boon-bandar, Gandi waxa uu guursaday markii ay da’diisu ahayd 13 jir, waxa uu u safaray Dalka Ingriiska 1882kii si uu u galo waxbarasho gaar ahaan qaanuunka, kadib waxa uu kusoo noqoday Hindiya 1890kii, waxa uu hogaamiye kanoqoday Xisbiga Mu’tamarka sanadkii 1921kii wax uuna qaaday talaabooyin lugu yaraynayo faqiirnimada ragaadisay dadka iyo dalka Hindiya luguna balaadhinaayo dhaqaalaha, waxa uu ka shaqeeyey sidii ay Hindiya uga xoroobi lahayd gumaysigii Ingriiska, 4 sano oo la xidhay kadib wax ay hindiya heshay xorinmadeedii, wuxuuna isku deyey Gandi in uu mideeyo qoomiyadaha Hindiya, laakiin umay suurto gelin waayo dadkii haystay Hindowska ayaa arintaas kadiiday, waxaana la dilay 30 July 1948kii markaas oo ay da’diisu ahayd 79 jir.




@Wiyeer-yare

Post a Comment

0 Comments