Nolosha maantu way ka duwanta sidii
hore, sidoo kale gabdhaha maanta afkaartooda iyo waxa ay ku dooranayaan ninka
ay rabaan way isbadashay, waagi hore waxa ugu muhiimsan ee ay ku dooran jirtay
ninka waxay ahayd waa inuu taajir ahaadaa, si uu usiiyo gabadha nolol raaxa
leh, yeelatana shaqaalo iyo baabuur iyo guri, wali way jiraan gabdho saas u
fakaraya laakiin ma badna sidii waagi hore.
Maanta gabdhu waxbay barataa, way
shaqaysaa, lacag fiican ayaa bankiga ugu jirta, sidaas darteed uma baahna nin
taajir ah, laakiin waxyaabo kale ayey muhiimada saaraysaa.
Baaritaan lasameeyay waxaa la ogaaday
tilmaamaha ay rabto gabadha muslimada ah ninka ay rabto inay guursato maanta
inuu noqonayo sidan.
Nin Ilaahay ka
cabsada oo akhlaaq leh:
Waa ka kula dhaqma xaaskiisa sida uu
sheegayo quraanku, oo sita akhlaaqda nabiga MAXAMED calayhii salaam, nin siiya
gabadha xuquuqdeeda uu islaamka siiyey, dardaaranka nabi MAXAMED calayhi salaam
ku dhaqma sidaas darteed wuu dawraa oo wuu karaameeyaa, xifdiyaana.
Sidaas daraateed hooyooyin badan waxay
yiraahdaan guurso ka Ilaahay ka baqa, ka Ilaahay ka baqa kama baqaysid.
Mid deeqsi ah:
Ninka deeqsiga ah wuxuu ku soobaxaa
indhaha gabadha qurux, waxaa loo arkaa in ay nasiib badantaya gabadha guursata
ninka deeqsiga ah. Kalama bakhaylo ehelkiisu waxay ubaahanyihiin, waa nin
reerku waxay ubaahanyihiin ula soo orda, guriga wuxuu soo galaa isagoo gacanta
wax ku sida si uu uga farxiyo xaaskiisa iyo caruurtiis.
Maalkiisa kaliya kuma aha deeqsi,
laakiin akhlaaqdiisa, dareenkiis iyo jacaylkiisa ayuu deeqsi ku yahay.
Mid indhaha laabta:
Waxa ugu wayn ee dhaawaca oo guba
gabadha waa haday ogaato in ninkeedu eego dumarka kale , indho ka helitan ahna
siiyo dumarka kale. Kalsooni daro ayaa dhacda, hammin iyo shaki ayeyna ku
noolaataa. Ninka ay rabto gabadhu waa ka indhihiisa laabta marka meesha dumarku
joogaan uu joogo oo kale. Waxay ka heshaa ninka aan ujeedin gabadh kale oo aan
iyada ahayn, haday doonaan haka qurux badnadeene ama haka hadal macanaadeen,
iyada bas inuu ujeedo ayey jeceshahay.
Mid ixtiraama:
Waa mid ixtiraama xaaskiisa marka
ehelkiisa iyo ehelkeedu lajoogaan, xataa markay kaligood yihiin. Ka ixtiraama
ra’yigeeda, afkaarteeda, hadafkeeda. Mid aan xaqirin oo ula dhaqma sidii qof
INSAAN ah oo afkaar, ra’yi iyo hadafleh. Waxay jecesjahay ninka ladoodaa oo
rayi ka qaataa oo la tashada xaaskiisa, sida uu samayn jiray nabi MAXAMED
calayhi salaam.
Mid masuuliyada qaada:
Gabadh walba markay guursato waxay
rabtaa daganaansho iyo xasilooni, sidaas darteed waxay rabtaa mid culayska
masuuliyada qaadeeda qaada oo ka soo baxa si ay u nasato, daganaansho ayey
dareemaysaa sababtoo ah hogaamiyihii guriga ayaa xalinaya dhibaatada,
tarbiyeeynaya caruurta, dhaqaalihii keenaya, wixii guriga ka xumaada
hagaajinaya, kii xanuusanaya dhakhtarka ula cararaya, u adeegaya
guriga.Dareensiinaya xaaskiisa inaanay wax dayacmayn madaama uu joogo.
Mid romaantik ah:
Waxa diiqada galiya gabadha waa nin
aamusan oo aan dareenkiisa soo saarin,waxay rabtaa mid kaga horeeya iyada oo uu
sheegta jecaylka uu uqabo, hadal macaan maqashiiya, gurigoodana ka dhiga guri
uu ku jiro kaftan iyo cayaar.
Waxa ugu muhiimsan ee ay ka rabto
ninkeedu waa ihtimaam iyo jacayl, koolkoolis.
ala dhaawac badanaa gabadhu markay hor
istaaqto muraayada si ay isku qurxiso, isku habayso, oo u labisato ninkeeda
dartiis, markuu soo galo isagiina ay latahay waxba inayna samayn ama uusan
ujeedinba dadaalka ay gashay, iyadoon ka helin amaan iyo koolkoolis!.
Waa ka ku fakara inay fasax isla
qaataan, wada baxaan, jeclaada in uu xaaskiisa la cidloodo.
Nin walba waxaan ku oranayaa, marabtaa
in xaaskaagu baariyad kuu noqoto, markaa koolkooli oo hadalka macani afkaaga
yuuna ka dhamaan, ihtimaam iyo jacaylna ka dhargi, markaa adaa arkaya natiijo
cajiib ahe.
Ka xaaskiisu ku filantahay:
Gabadh walbaa waxay jeceshahay in iyada
kaligeed u noqoto xaas ninkeeda, waxa ay ugu necebyihiin dumrku waa marka gabdh
kale laqaybsato ninkeeda.
Ninka ay taminido gabadhu waa ka aan ku
fakarin xaas kale, waa ka ku qanacsan xaaskiisa, oo waxa dumar aduunka jooga
ayna qancinayn iyada mooyaane.
Waa ka xaaskiisa fahansiiya oo
dareensiiya inay tahay ta ugu horeeysa noloshiisa uguna dambeeysa.Gabadh walba
waxay rabtaa inay noqoto boqoradii qalbigiisa, iyada iyo caruurtoodu u noqdaan
aduunkiisa waxa u qurxiyey iyaga inay yihiin.
Mid dulqaad leh:
Gabadhu mar ayey caroon kartaa ama way
khaldami kartaa, ama mushkilad ayey ku jiraan,sidaas darteed waa laga maarmaan
in ninku dulqaad yeesho.Guryo badan waxaa u sababay burbur nin casabi ah ( nin
kulul ) oo caro badan . ninka ay gabadhu rabtaa waa mid garanaya sida carada
loo qabto, mushkilad markay dhacdana si dulqaad iyo xasilooni loo xaliyo.
Mid jecel inta badan inuu
guriga joogo:
Gabadhu waxay jeceshahay in ninku
reerkiisa la fariisto inta uu asxaabtiisa la fariisan lahaa, haduu baxona
kaxeesta caruurtiisa iyo xaaskiisa. Waa ka waqtigiisa inta badan lajooga
caruurtiisa oo la cayaaro, oo marka ay seexdaana xaaskiisa lafariista oo
lahadla waqtina isla qaata. Macnaheedu maaha in uu ilaabo asxaabtiis laakiin
waa ka ahamiyada koowaad siiya ehelkiisa.
Inuu jikada galo:
Waxaa dhici karta in nimanku yaabaan oo
ay i fahmi waayaan, laakiin gabadhu iskool ayey aadaa ama way shaqaysaa oo way
soo daahi kartaa saas darteed waxay ubaahantay inuu ninka marmar caawiyo, kama
aha ku shaqee isaga, laakiin waxay ka tahay icaawi oo igarab istaag.
Hadii ay xanuusato midka caruurta
cuntada usameeya, waa midka haday xaaskiisu ku daahdo, wax muhiima isdabari
kara oo iyada aan sugin. Gabadhu maanta waxay u aragtaa ninka aan dhibaato u
arkin inuu xaaskiisa caawiyo oo dhaqanku wuxuu oranayo aan ku fakarayn inuu
yahay mid naftiisa ku kalsoon, oo u caawinaya si uu usiiyo xaaskiisa gacan, una
fududeeyo hadii iyada wax ku dhacaan, una caawiyo ehelkiisa sida uu ahaan jiray
Nabi MAXAMED calayhi salaam.
0 Comments