Waxaa mahad
iska leh allah ina abuuray inagoo jirin na barayna wax aan garanayn waxa uu ina
soo dajiyay dhulka si aan quud uga raadsano dhir badan ayan la kulanay insaanka
laakiin nasiib daro insaanka ma garanain waxa ay tahay mudo kadib ayuu fahmay
in la cuno oo waxtar u leedahay waxaana ka mid ah Khudaarta iyo fawaakihda
hadaba labadooda waa maxay farqiga u dhaxeeya ?
Fawaakihda,
aad ayay u macaan yihiin waxaana ku jira sokarta la yidhaah (fructose) halka khudaarta
ay xoogaa dhanaan tahay, mida kale fawaakihda marka aad soo gurato toos ayaad u
cuni kartaa inta badan adoona dab saarin halka khudaarta ay qaarkood kaaga
bahan tahay dab in aad ku kariso.
Hadaba
ahmiyada ay leeyihiin waa maxay ?
Taasi waxaa
cadaynaya aayado badan oo lagu sheegay Qur,aanka oo ka hadlaya basaatiin
(Orchards) dhanka Bin,aadamka waxyaalihii uu soo iqtiraacay waxaa ka mid ah:
1. In ay ka
hortagaan cuduro badan oo jidhka insaanka soo weerara sida cudurada maqaarka.
2. Jidhka in ay u qaybiyaan vitamins iyo macaadin
( minerals).
3. Mindhicirada
cuntada dheefshiida in ay daawo u yihiin qaarkood.
4. Caafimaad kaaga
in ay saro u qaadaan aadna noqoto qof jidh ahaan dhisan.
5. dhiiga insaanka
in ay soo celiso ayna siyaadiso, waxayna ka hor tagaan dhiig la’aanta
FG: wax waliba dheel dheel uma abuurin allah ee xikmad
ayuu ula jeeda
0 Comments