Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Haasawaha (Shukaansigga) iyo Guurka Dhalinyaradda Q.13aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Hadaba hadii aynu hoos ugu daadagno hasaawihii dhalinyaradii hore ee somalidu siduu ahaa habkani wuxuu maraa dhawr marxaladood. Goobaha isbarashada iyo kala warqaadashada waxaa kow ka ahaa goobaha ciyaar gudka, ciyaar gudku waa goob rag iyo dumar iskugu yimadaan oo isku weydaarsadaan heeso isbarasho iyo hasaawe iskugu jira, badanaana waxaa ciyaaraha noocan ah raga guurdoonka ahi ka dul qabsadaan reer ........................................................... ....................Sii Akhri

Haasawaha (Shukaansigga) iyo Guurka Dhalinyaradda Q.13aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

4.1. Hordhac

Cutubkan 4aad ee buugan dhalinyarada maanta waxaan kaga sheekayn doonaa Hasaawaha iyo guurka dhalinyaradda, inaga oo hadii aynu buugaag badan kaga sheekayno aynaan soo koobi karahayn hasaawaha iyo guurka ama guursashadda, laakiin waxaan qaybtan kusoo qaadan doonaa qaybaha ugu muhiimsan ee hadii aynu nahay dhalinyar inaga khuseeya, waxaana ka mid ah:
1.      Waa maxay haasawuhu (shukaansiga)?
2.      Siduu ahaa haasawihii dhalinyaradii hore?
3.      Waa sidee haasawaha dhalinyarada maantu?
4.      Waa maxay faaidadda haasaawuhu?
5.      Waa maxay faaido-darada hasaawuhu?

Qaybtaha dambe ee cutubkan 4aad waxaan u si guud iyo si gaar ah oo khuseysay dhalinyarada somaliyeed ee maanta joogta ugu faaqidi doonaa qodobadan hoos ku qoran oo aan fikir ahaan is idhi waa kuwa ugu muhiimsan ee inaga khuseeya guurka iyo guursashada, waxayna kala yihiin:
1.      Guurka iyo faaidooyinka guurka.
2.      Guurka dhalinyaradii hore
3.      Guurka dhalinyarada maanta
4.      Maxaa Sababay In guurku Ku adkaado dhalinyarta hadda joogta.
5.      Sidee looga bixi karaa Xaaladaas adag.
6.      Sidee Wiilku/Ninku u dooran karaa gabadh wanaagsan.
7.      Sidee Gabadhu u dooran kartaa Nin wanaagsan.
8.      Guurka kadib Maxaa laga filayaa Qoyska Cusub
9.      Maxay abwaaniinta somaliyeed ka yidhaahdeen guurka.

4.2. Waa Maxay Hasaawuhu (Shukaansiggu)? Haasawuhu (shukaansigu) waa xidhiidh ka ugu horeeya ee dhex mara labaka iyo dhediga ama si kale aan u idhaahdoe ninka guurdoonka ah iyo gayaan dumar, xidhiidhkan ayaa ah mid is-barasho, is-haybasasho iyo is-dareensiin guur.
Isbarashada ama xidhiidhkan shukaansiga ah ayaa qofku dareemaa marka uu gaadho da’da dhalinyaronimada oo jidhkiisu uu u diyaaryahay in uu helo dhamaystir dhanka nolosha iyo jinsiga ah, muddada uu ku jiro wiil/gabadhu xulashada qofka kale ee uu nolosha la wadaagayo ayaa looyaqaan Hasaawe ama shukaansi, ujeedada ay wadaagayaan raga iyo dumarku mudadaas ay ku jiraan shukaansiguna gebo-gebada wuxuu ku dambeeyaa mid rumooba ama mid ay kukala tagaan labada qof.

4.3. Siduu ahaa hasaawihii dhalinyartii hore:  Marka aan ka hadlayno dhalinyartii hore waxaynu dib isku xasuusinaynaa sidii hore ee uu ahaa dhaqanka somalidu marka la joogo xiliga hasaawaha iyo isbarashada ninka iyo gabadha.
Xiligii nolosha somalidu ay u badnayd xoolo dhaqashada iyo beer qodashada waxay wiilashu ama ragu, gabadha ku xulan jireen dhawr arimood oo kala ah: Haybsasho – In ay ka dhalatay qoys magac iyo gobonimo lugu yaqaan. Gaari – In ay tahay gabadh, gabdhaha qayrkeeda ah boqolaal barood dheer, geyigana ka tilmaaman. Dhanka kale waxay raga guurdoonka gabadha ay guursanayaan ka eegi jireen astaamo gaar ah oo hadii laga helo gabadhaas guurkeeda ay iska deyn jireen sida: Sunbanimo(sunbo) – gabadh xishoodkii ka tagatay. Dun aan fiicnayn -  hadii ay ka dhalatay qoys aan xidhiidh fiicnayna, iyaga oo ragaas guurdoonka ahi aaminsanyihiin gabadhu waxay gurigii waalidkeed kala timaado ayey gurigeeda ku dhaqaysaa.

Hadaba hadii aynu hoos ugu daadagno hasaawihii dhalinyaradii hore ee somalidu siduu ahaa habkani wuxuu maraa dhawr marxaladood. Goobaha isbarashada iyo kala warqaadashada waxaa kow ka ahaa goobaha ciyaar gudka, ciyaar gudku waa goob rag iyo dumar iskugu yimadaan oo isku weydaarsadaan heeso isbarasho iyo hasaawe iskugu jira, badanaana waxaa ciyaaraha noocan ah raga guurdoonka ahi ka dul qabsadaan reeraha ay ku ogyihiin in ay joogaan gabadho guurdoon ah oo qurux iyo dhabeelnimo isku darsaday.

LASOCO QAYBTA XIGTA

Tix-raac:
La soco Q14aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
Ama Bookho barta Internetka Ee Qoraaga www.wiyeeryare.blogspot.com


Post a Comment

0 Comments