Dhalinyaradii
soodhaweynta ka qayb qaatay oo ku asteeyey in Maxamed ibraahim yahay haldoor da’a
ahaan dhalinyaro ah oo xambaarsan hamigii dhalinyarada reer togdheer.
.....................................................................Sii Akhri
Maxamed
Ibrahim Qabo Hogaamiyihii Midnimada iyo Horumarka Togdheer Q1aad W/q: Mr.Hamse
Bashe Wiyeer
Figure 1 Gudoomiyaha Gobolka
Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo
Taarikh
ahaan waxay ku beegnayad habeen khamiisi soo gelayso 23kii bisha febarwari ee
sanadkii hore (23/12/2015) markii madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland
Mud. Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, xilal uu isku bedelay u magacaabay
Maxamed Ibrahim Qabo oo ahaa la-taliyihii madaxweynaha ee arimaha
doorashooyinka, In uu Gadhwadeen(Badhasaab) u noqodo gobolka togdheer, oo ah
gobol ay magaalo madax u tahay caasimada labaad ee Somalilland.
Haddaba shacabka gobolka togdheer
ayaa maalintii badhasaab Maxamed qabo la magacaabay ilaa intuu ka imanaayey
magaaladda burco, hadal haynta, hambalyada iyo dareeno xambaarsan soo dhaweeyn
qofba qofka kale ugu dareen celinaayey.
Sababaha ugu waaweyn ee gaadhsiiyey
gudoomiye Maxamed Ibraahim ilaa heer ay bulshadu raagsato imaatinkiisa burco
ayaa ah tiro-ba dhawr qodob oo dawladnimada iyo horumarka kow ka ah sida:
1. Maxamed
ibraahim qabo oo ah muddane leh khibrad iyo aqoon durugsan oo la xidhiidha
maamul wanaaga iyo maamul daadejinta saxda ah.
2.
Dhalinyaradii soodhaweynta ka qayb qaatay oo ku asteeyey in Maxamed ibraahim
yahay haldoor da’a ahaan dhalinyaro ah oo xambaarsan hamigii dhalinyarada reer
togdheer.
3. Salaadiinta
iyo odayaasha burco oo gudoomiyaha cusub u aqoonsaday in uu yahay shakhsiga kaliya
ee reer burco midaynkara, xili badhasaabadii ka horeeyey ay ka itaal roonaatay
kala qoqobnaan ka jirtay gobolka.
4. Haweenka iyo
hooyooyinka ku nool burco oo mush’xaradii iyo caleemii qoyanaa ee ay kusoo
dhaweeyeen badhasaab Maxamed ibraahim qabo oo tilmaamaysay baahida ay u qabeen
isbedel cusub oo guud ahaan gobolka gaar ahaan caasimada labaad ee burco ka
hirgala.
5. Iyo guud
ahaan waxgaradka burco oo u arkay in gudoomiyeyaashii gobolada ee madaxweyne
Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo wuu xiligaas magacaabay ay iyagu nasiib u
yesheen halyey ku sunntan qaranimada Somaliland.
Hadaba qodobadan oo ah wax qoraal
aan lugu soo koobi karin ayaa ka dhigay Maxamed Ibraahim Qabo mid si dhoolo-cadayn
iyo waji furnaan leh u fadhiista xafiiskii loogu talo galay in uu xilka saran
ku guto.
Horaa loo yidhi “Wixii rag ku
tashado, rabina la garab galo, way rumoobaan” gudoomiye Qabo wuxuu la
kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka gobolka, si uu u ogaado
ilaa heerka ay gaadhsiisantahay nabadgelyada, horumarka iyo ilaha dhaqaale ee
gobolku leeyahay; isla markaana uu u helo meel fiican oo uu waxqabad la taaban
karo ka bilaabo, kulankanina wuxuu keenay in uu sii xoojiyo hamigii reer
togdheer ay ka qabeen gudoomiye Maxamed Ibraahim, sidoo kale waxay xaqiiqsadeen
reer togdheer odhaahda somaliyeed ee tidhaahda “Far keli ahi fool ma
dhaqado” ama “Isku duubnibay laba gacmood tamar ku yeeshaan” taas oo
tusaale u ah in gudoomiyuhu keligii aanu horumar iyo isbedel keeni karin hadii
bulshada gobolka aanu ka helin dhiirigelin iyo garab istaag.
……………………………………………….Lasoco
Qaybta 2aad
Mr.Hamse Bashe Wiyeer
BBA-Accountant and Financer
Hargeysa/Somaliland
0 Comments