"Markii nacab igu gaylamee,
gantaaladu gees walba ba
markay iigasoo gudbeen
ma giiriyaad baan fadhiyey
Geed iyo maahmaahada guunka ah
badhkay baa kugu gantane
godyahow ima goyn garteen
Kuwaan gacal moodi jiray
markay hubka iisoo gurteen
gabraha miyaa gacan sareyn
Markay goolaaftankii
maatidda guul guulayeen
anigu maan gibil dhacleyn
gargaarna rabibaan ka sugay
Allaah baa guul baxshee
guntigaan gaabsadoooo
xaqa garabkaan hayaa
xil baan guudka saarayaa
Gabraartiyo waxaan gudneyn
gun iyo gaalaa iigu daran
aduun waa gelinba cayn
godobteydaan goobayaa
gibil adag baan wataa
samirkuna waa ii gasiin"
Waa tix gabay ah oo uu sheekh Aadan sune fariintiisii codka ahayd kusoo gebo-gebeeyey .
Hoos Ka Daawo Khudbadii sababteeda loo xiray Sheekh Aadan Sunne.
@Waayahan-Nolosha
0 Comments