In ka badan
10 sano kadib markii la daldalay, Sadaam Xuseen, magaciisa waxa uu wali saameyn
ku leeyahay nolosha nin ku nool dalka Hindiya oo ay isku magac yihiin. Injineerkan
bartay dhismaha maraakiibta ayaa aabihii waxa uu ugu magc daray hoggaamoiyihii
hore ee dalka Ciraaq Saddam Xuseen 25 sano ka hor. In ka badan 40 jeer oo uu
shaqooyin dalbaday ayuu ku guul darreystay inuu helo wuxuuna aaminsan yahay in
magaciisa uu sabab u yahay shaqo la'aanta haysato. Maxkamadda ayuu tagay si uu
magaca isaga bedelo. Waxa uu maxkamadda ka dalbaday in magaciisa laga
dhigo
Saajid. Muddo dheer ka dib maxkamadda ayaa oggolaatay in magaciisa cusub lagu
qoro waraaqahiisa aqoonsigiisa.
Laba sano ka
hor ayuu ka qalinjibiyay jamacadda Noorul Islam ee ku taalla dalka Hindiya.
Inkastoo natiijo fiican uu helay, qaaar ka mid ah ardadii ay isku fasalka
ahaayeena ay shaqooyin heleen, haddana isaga shirkadaha maraakiibta way ka
diideen inay qabtaan dalabkiisa shaqo. "Way ka cabsoonayaan inay i
shaqaaleysiiyaan. Waxay ka baqayaan in saraakiisha socdaalka ee ku sugan
xuduudaha caalamiga ah aan kala kulmo dhibaatooyin," ayuu yidhi Sadaam
balse hadda la baxay magaca Saajid.
Saddaam
waxay la noqtay inuu carqaladdani ka gudbi karo hadii uu helo baasaboor cusub
oo uu ku qorto magaciisa cusub. Balse caqabadaha intaa kuma eko, oo wuxuu
haddana mar kale dib ugu laabtay maxkamadda. Wuxuu hadda dagaal ugu jiraa sidii
uu u badeli lahaa magaca shahaadooyinkiisa oo uu ugu qori lahaa magaciisa cusub
ee Saajid. Wuxuu rumeysan yahay in taasi ay ka caawin doonto inuu helo shaqo.
Saajid oo
kali ah ma ahan dadka kala kulmay dhibaato inay magac wadaag la nqodaan Saddaam
Xuseen oo horay u ahaa hoggaamiye ay dad badan aad u jeclaayeen. Dalka Ciraaq
dad badan oo Saddaam ay magac wadaag yihiin ayaa dhobaatoyin kala duwan la
kulmay. Qaarkood xabsiga ayaa dhigay, halka kuwa kalana ay la kulmeen
dhibaatooyin la mid ah tan uu maray Saajid.
0 Comments