Khubaro
caafimaad oo u dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa digniin ka soo saartay in
iftiinka qalabada elektarooniga ee meelaha mugdiga ah lagu isticmaalo ay
sababaan cudurka Kansarka.
Waxa kale oo iftiinka qalabkan sida khubaradu
sheegtay sababaan in qofka hurdo la’aann ku dhacdo amma xannuunka macaanka,
buurnida iyo isku buuqa qofka soo asiibo.
Dr. Richard
Steven o ah cilmi-baadhe kansarkanka naasaha ku dhaca ayaa sheegay in laydhka
guriga lagu xidhaa maskaxda iyo jidhkaba ku qasbo in ay habeenkii u
diyaargaroobaan hurdo. “Hurdadu waxay u fiican tahay caafimaadkeena, sidaa
darteed mugdigsu waa muhiim, balse haddii elaktarooniga iftiinkoodu qofka
ku baxo waxa uu keena dhibaatooyin caafimaad,” ayuu yidhi Dr. Richard.
Iftiinka
cadceedu wuxuu u wanaagsan yahay hormoonada jidhka, shaqooyinka dheecaano kale
oo jidhku qabta, heer-kulka jidhka iyo hab-dhiska cunto burburinta noolaha,
halka laydhka elaktarooniug ka soo hor jeedo oo uu sababo xannuuno, sababtoo ay
kombuyuutarada iyo waxyaabaha kale ee iftiinka bixiya waxay sii dayaan
laydh buluug ah oo qofka ku keena in aanu hurdo dareemin, taasina aakhirka
keento xannuuno halis ah.
Khubaradan
waxa kale oo ay ka digeen in guryaha iyo darriiqyada lagu xidho laambado
midabkoodu buluug yahay oo ay khatar badan keeni karaan. Waxa kale oo
baadhitaanka dhakhaatiirtan sameeyeen lago ogaadan in iftiinka elektarooniga ee
meelaha mugdiga ah lagu isticmaalo ay aad ugu nugul yihiin ubadka uurka ku
jira. Sababa kansarka u sababo iftiinkan noocaas ah waxay ku sheegeen in marka
qofka waqtiga uu habeenkii seexda ka khalkhalo in jidhkuna oso daayo maadada
Melatonin oo ah hormoon naasaha ka ilaaliya fiixaha kansarka ah, haddii si
khalad ah jidhku soo daayana laftar ahaantiisu kansarka sababo.
0 Comments