Cilmi-baadhis
uu sameeyey dugsiga Caafimaadka ee Jaamacadda Harvard ee dlaka Maraykanka, ayaa
lagu sheegay in quudashada cuntooyinka hadhuudhka ah sida qamadida, arabakhida
iyo garawgu ay ka hortagaan khatarta Kansarka, Wadno-xannuunka, Macaanka iyo
xannuunada dheef mareenka ku dhaca
Cuntooyinka
isha leh (Fibres) waxay ku jira nafaqo, macdano iyo Antioxidants, waxaannay
khubarada baadhay sheegtay in haddii qofku cuno 34g maalintii in haweenka ay
awood u healayaan uu 17% ka badbadaan khatarta in ubadkoodu uurka ku dhintaan.,
iyadoo la barbardhigay dadka iyagu quuta 3.9 g oo cuntadan ah oo aan awoodooda
difaaca cudurradu wanaagsanayn.
Cilmi-badhayaashu
waxa kale oo ay sheegeen in daraasadoodu muujisay in dadka cuntadan cuna ay 11%
ka badbadaan xannuunada dheef mareennadaku dhaca, halka 48% aanu ku dhicin
xannuunka macaanku.
Dhinaca
kale, quudashada cuntadan hadhuudhka ah amma isha leh waxay hoos u dhigta 15
amma 34% khatarta kansarka iyo wadno xannuunka, iyadoo daraasadan lagu daabacay
jariirada BMC Medicine soo jeedisay in cunista cuntooyinka hadhuudhka (Cereals)
iyo kuwa isha (Fibres) lehba ay leeyihiin faa’iidooyin caafimaad oo aad u tiro
badan.
Khubaradu
waxay rumaysan yihiin in cuntooyinka hadhuudhka leh iyo kuwa seedka dhirta laga
helaa ay leeyihiin walxo ka hortaga caabuqa iyo waxyaabaha xannuunada keena.
“Cilmi-baadhistayadu
waxay muujisay in qudashada cuntooyinka siidhka laga helo iyo kuwa hadhuudhka
ah ay hoos u dhigaan khatarta xannuunada keena dhimashada sida kansarka,
wadno-xannuunka, macaanka iyo xannuunada ku dhaca dheef-mareenka,” ayuu
yidhi Dr. Lu Qi.
Dadka
cilmi-baadhistan laga qaaday oo 500,000 qof oo da’doodu ka sarraysay 50 sanno
jir, waxay u kala dhasheen gobollada California, Florida, Louisiana, New
Jersey, North Carolina and Pennsylvania, iyo goobaha isku dhafanta ah ee
Georgia iyo Detroit, waxaana badankooda la daba socday muddo 14 sanno ah oo
cilmi-baadhistan ay qayb ka ahaayeen.
@Wiyeer yare
0 Comments