Dabaal-deg
sannadeedka Hilibka Eeyda “The annual dog meat festival” ayaa lagu soo
bandhigay Gobalka Guagxi Zhuang ee Koonfurta Shiinaha, iyadoo 10,000 oo Eey iyo
bisado lagu gawracay maalmo gudaheeda.
Kooxaha
u dooda Xuquuqda Xayawaanaadka ayaa sheegay in wax laga xumaado gawraca
xayawaanaadkaasi.
Warbixin
cusub ayaa lagu sheegay in ku-dhawaad 300 eey iyo bisado maalin kasta lagu
gawraco magaalladda Yulin, iyadoo inta badan xayawaanaadkaasi la qalo yihiin
kuwo la soo xaday.
Kooxda
u dooda Xuquuqda Xayawaanaadka ee Humane Society International (HSI) ayaa u
socdaalay Yulin, oo lagu qabanayey Dabaaldegga Hilibka Eyda “The dog meat
Festival”.
Dr. Peter Li
oo ka tirsan Hay’adda HIS ayaa sheegay inuu soo booqday 3 Kawaan oo lagu qalo
Eeyda iyo Bisadaha, kuwaasi oo maalin kasta lagu qalo ku-dhawaad 300 oo noole
oo Eey iyo Bisado ah.
Inta
uu ku jiray booqasho uu isbuucii hore ku tegay magaalladda Yulin waxa uu soo
arkay in Hilibka Eeyda si weyn looga isticmaalo Baararka ku yaalla
magaalladaasi.
Mid
ka mid ah Milkiilayaasha Baararka ayaa u sheegay Hay’adda HIS marka uu u baahdo
Eey inuu si fudud ugu yeerayo Ganacsade si dhaqso leh ugu keenayo Eey.
Eey
lagu qiyaasay 10 ilaa 20 million oo Eey ayaa la sheegay inay dalka Shiinaha
sannadkiiba hilib ahaan looga cuno.
Hay’adda
Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay isticmaalka hilibka Eeyda oo la
xaqiijiyey in laga qaado Daacuun-caloolaha iyo cuddurka Raabiyadda.
@Wiyeer-yare - - Xamse Bashe
0 Comments