Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Siddee Loo Yarayn Karaa Khataraha Mobile-ka...?


1. Fadlan mobeelka ha galin jeebka shaatiga ee wadnaha ku aadan iyo meelaha u dhaw xubnaha taranka. 

2. Fadlan ka ilaali mobeelka caruurta aadka u yar, maxaayeelay jirkooda wuxuu ku jiraa korriimo isdaba joog ah, jirkooda jilicsan wuu u nugul yahay waxyaabaha caafimaadka u daran. 

3. Haddii aad mobeelka joogto ugu hadasho muddo dheer, isticmaal sammaacad ama fiilada maqalka oo wajigaaga ka fogey mobeelka. 

4. Ha isticmaalin mobeelka hadduu khadka shabakada ay daciif tahay sababtoo ah dhambaallada uu dirayo way ka xoog badan yihiin marka khadku fiican yahay, meelaha ay shabakadu daciif noqoto, waxaa ka mid ah markii aad gaari ku jirtid, markii aad saaran tahay wiishka guryaha iyo markii aad dhulka hoostiisa ku jirtid sida tareenada iyo dabaqyada hoos loo dhisay. 

5. Iska ilaali in aad mobeelka jirkaaga ku haysid markasta ama uu aad kuugu dhaw yahay, sida barkinta hoosteeda oo la galiyo markaad jiifsanaysid, waa muhiim in laga fogeeyo caruurta dhallaanka iyo hooyada uurka leh. 

6. Haddii aadan iska fogayn karin, ka dhig "flight mode" ama "Airplane mode" tan oo joojinayso dhambaalada bir-qabadka leh ee mobeelada, waana sababta mobeelada looga dhigo sidaas markii diyaarad la raacayo si aysan dhambaaladaas khalkhal u gelin qalabyada ay diyaaradda ku shaqeyso. 

7. Haddii aadan mobeelka jirkaaga ka fogayn karin waxaa lagu taliyaa in dhinaca number-ada "keyboard-ka" aad is xijiso oo dhinaca kale ka jeediso jirkaaga khaasatan markaa jeebka ku ridanayso, sababtoo ah dhinaca uu moobeelka dhambaallada ka daayo waa dhabarka mobeelka. 

8. Isticmaal dirista fariimada "text" iskana yareey wicista siyaadada ah. 

9. Haddii aad mobeelka ku qaadanaysid jirka ama aad jiifsanaysid ka xir khadka internet-ka sababtoo ah dhambaallada halista keeni karo aad ayay u bataan xilligaas. 

10. Markii aad ku hadlaysid mobeelka, u kala badal labada dhagood oo hal dhinac kaliya waligaa ha joogtaynin in aad u isticmaashid. 

11. Iska ilaali in mobeelka aad gariir saartid "vibration" haddii aad jeebka ku qaadanaysid weliba jeebka wadnaha u dhaw, tani waxay khalkhal galin kartaa korontada wadnaha sida la arkay. 

12. Mobeelada oo hal meel la iskugu keeno way ka halis badnaanayaan markii aad hal mobeel haysatid. 

13. Mobeelka ha ku qaadanin jeebka kore ee wadnaha xiga, taasi waa arrin dhibkeeda lagu arkay dad badan. 

14. Haweenka ha ka digtoonaadaan inay duluca gashtaan mobeelka, haku qaataan gacanta ama boorso haku ritaan 

15. Ku qaado Mobeelka boorsada loogu talagalay, waxaadna ku xiran kartaa suunka aad wadatid dhinaciisa inta aad jeebka surwaalka ku qaadi lahayd.


W/q: Dr Abdullahi M. Mahdi

Post a Comment

0 Comments