Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Adiga Iyo Jihaadka



Waxaad ogaataa qofyahow an doonayn wixii lagu farad yeelay oo jihaadka ah, kana leexday dariiqa towfiiqda ,inaad isku bandhigtay ka fogaansho raxmada Rabbi.

Waa maxay sababta kaa reybeysa dagaalka iyo inaad ku boodid goobaha geesinimada ama ad kala bakhayshid jidka Alle nafta iyo maalka

Wax kale ma aha ee waa seetadheeraysi ama geeri ka carar ama ka cabsi ka tagid ehel maal ama ilmo, walaal ama qaraabo ku jecel ah ,ama sokeeye iyo saaxiib macaan ah   ama ku andacood kororsi camal wanaagsan ah,ama sowjo wanaag iyo qurux u saaxiib ah,ama waji iyo mansab weyn ah,ama daaro iyo dabaqyo issasaaran ah .  

Mana jiraan sababahaas kore waxaan ahayn oo kaa fariisinkara jihaadka kaana fogayn kara Rabbigaa. Waxaana dhab ah in mowqifkaas yahay mid guuldarro ah. Miyaadan maqlin qowlka Alle (kor ahaaye):Kuwa xaqa rumeeyoow maxaad leedihiin oo marka laydin dhaho ku baxa jidka Alle aad ugu cuslaataan dhulka, ma waxaad ku raalli noqotan nolasha adduun aakhiro ka sokow , nolasha adduunyo marka aakhiro loo dayo waa uun raaxo yar. Al towba :38

Haddaba,dhagta u raarici waxaan kuu yeerinahayo oo ah xujooyin wax kala gooya,dhageysana waxaan an kuu sheegahayo oo daliilo cad cad ah, si ad u ogaatid dhab ahaan ineysan jirin wax kaa fariisin kara jihaadka oo an ahayn ba' iyo hoog sheydaan kula maagay, wax sabab ah oo dib kuu dhigi karana aysan jirin oo an ahayn naf iyo shaydaan.

BURINTA XUJADA KOWAAD

Hadday tahay xujadaadu seetadheeraysi iyo ka cabsasho geeri kugu soo degdegta iyo iska ilaalin mowd an marnaba la fursnayn iyo ka qalbi jileecaaga jidka mariddiisa marna an la hureyn, taasi wax kama jiraan weeye ,xujadaaduna waa  baadil.

Wallaahi,isqaddimiddu ma nusqaamineyso cimriga kuwa isqaddima,dib isudhigidduna ma kordhneyso cimriga kuwa dib isudhiga. Allaah (kor ahaaye) waxuu leeyahay: Ummad kasta waxaa u sugnaaday ajal(muddo)markii ay timaado ajashuna kama dibmaraan saacad kama hormaraan.   Al-acraaf :34

Waxaana dhab ah in geeridu leedahay sakaraad ,qabriguna cadaab iyo su'aal daran ,

Aysan ka badbaadeyn cidna qof suuban mooyee,aakhirana khatartu weyn tahay.

Shahiidkuse uu aamin ka yahay intaas oo dhan.Dilkuna uusan xanuunjinayn shahiidka,uusan dareemayna sida laga wariyey Abuu Hureera Allaha ka raalli noqdee, in Rasuulku (naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee) uu yiri: Ma dareemo shahiidku xanuunka dilka(geerida)suu u dareemo mooyee midkiin taabashada qandhuufta.

BURINTA XUJADA LABAAD

Haddii ay tahay waxa kaa reebahaya jihaadka ehel, maal, caruur iyo ciyaal jaceyl. Waad qafsantahay ,xujadaaduna waa baadil.

Waayo Rabbi waxuu noo sheegay qowl cad :

Ma aha xoolihiinu iyo caruurtiinnu kuwii noo kiin dhaweeya. Saba:37

Ayaadaha taas ku soo  arooray waa badan yihiin,xujooyinkuna waa cadyihiin. Waxaa Tarmadi ka wariyey Sahal bin Sacad Alle ha ka raalli noqdee, in Rasuulka Alle (nabadgalyo iyo naxariis Eebbe korkiisa ha ahaatee) uu yiri: haddii adduunyadu ay u dhiganto baal kaneeco gaal kama cabeen sharbo biyaa.

Sidoo kale. Waxaa laga wariyey Nabigeena Suuban,nabadgalyo iyo naxariis Ebbe korkiisa ha ahatee inuu yiri: Masarka(gambada) inanta ehlujannadaa baa ka kheyr badan adduunka iyo waxa yaall 

Haddaba,sidee kaaga horjoogsadaa mulkigaas weyn ehel ama caruur inta lawada joogaaba ay yartahay ama maal markasta khatar ugu jira  inuu dhumo ama la dhaco.    Sideese kaaga reebikaraa naciimka daarta aakhiro ilmo hadduu yaryahay iyo hadduu weynyahayba ad ka walwal santahay,hadduu caafimaad qabo ad ubaqeysid,hadduu jiran yahayna qalbigaagu u gariirahayo, ad isku kalifeysid dartiis waxaadan awoodin,una galaysid dartiis meelkasta oo ciriiri ah. Wallaahi,uma awoodid naftaada iyo asaga midna dhib iyo dheef, mana awoodid inaan kordhisid in yar cimrigiisa ama risiqiisa. 

BURINTA XUJADA SEDDEXAAD:

Haddii ad leedahay waxaan jihaadka uga harey mansab iyo magac jaceyl daraadood,hadde taasu waa qaf weyn waana xujo baadil ah. 

Waayo, intee ka dhimatay oo ka tagtay ilaa uu ku soo gaaray mansabkaas( adiga). Soo ma ogid in qofka udambeeya ee naarta laga soo saaro oo muwaxidiinta ka mid ah, ahna kan udambeeya ee jannada la soo galiyo,in Rabbi siinahayo toban laab boqorada adduunka oo laysku daray waxay lahayeen oo kale.Bal eeg mugga waxa la siin qofkii la gala jannada saabiqiinta oo ah ambiyada, siddiiqiinta,shuhadada iyo saalixiinta.

Waxaa dhab ah iney taasi tahay wax loo tartamo ayna u shaqaystaan kuwa shaqaysanahaya. 

BURINTA XUJADA AFRAAD:

Hadii ad leedahay waxaan igu culus inaan ka tago guryaha dabaqyadaa iyo harkooda qabow iyo waxaan oo khaadim iyo qowsaar ah oo an soo tabcay ama an dhaxlay.Hadde taasu waa hadal gaf ah iyo xujo baadil ah.

Waayo, guryaha ad sheegtay maxay ka sameysan yihiin? Maxayse ku dambeyn doonaan?Yaase leh? Soo dhoobo iyo dhagax ama bir iyo qori lagama sameyn.Haddii an la nadiifin soo qashin kama buuxsamo,haddii an la iftiimin(leyr loo shidin)

Soo mugdi ma aha , soo kii duma ama duleelsama ma aha,soo kii la waayo ama laga dhinto ma aha. See looga dooran karaa daarta

Aakhiro oo xaalkeeda naloo kaga warramay sida soo aroortay:Waxaan ili arag , dhagina maqal ana ku soo dhicin qalbi bashar (dad). 

BURINTA XUJADA SHANAAD:

Haddii ad leedahay waxaan jihaadka uga haray cimri dheereysi dartiis si an camalka wanaagsan u badsado,hadde taasi waa war nin shaydaan kadiyay(duufsaday),xujadaaduna waa baadil.

Allaah (kor ahaaye) waxuu na leeyahay: Dadow yabooha alle waa xaq ee yayna idin

dagrin Nolasha aduunyo,yuuna idinku dhagrin Alle dhagris badane(shaydaan)

Allaah(kor ahaaye)waxuu kitaabkiisa ku yiri:Baxa idinkoo fudud iyo idinkoo culus kuna jihaada xoolihiinna iyo naftiinna jidka Alle ,saasaana idiin khayrroon haddaad Wax ogtihiin.

Haddii saxaabadu iyo akhyaartii taabiciinta ay ku shaqayn la haayeen cimri-dheeraysi iyo adduunyo jaceyl lama ay jihaadeen gaalada , mana gaareen islaamku inta uu gaaray. 

BURINTA XUJADA LIXAAD:

Haddii ad leedahay waxaan uga gaabshay jihaadka marwo jaceyl iyo xaasas kororsi. Hadde eraygaas waa gaf, xujadaaduna waa baadil.

Kaba soo qaad in sowjadaadu haweenka ugu wanaag badantahay,dadka samaankana ugu qurux badantahay. Soo maha tan haddaysan isqorin markasta qurixdeedu wiiqmayso,cilladeedu iyo sheegashadeeduna badantahay.La noolaanshaheeduna ku dhisanyahay dhib iyo dulqaad.

Ma wax lagu maslaa xuurulciinta jannada. Hadday usoo daahirto mid ka mid ah cirka iyo dhulka dhexdooda way buuxin lahayd carafteedu inta u dhaxaysa.Horey bayna noo soo martay in masarka madaxa xuurulciinta saran uu ka kheyr badan yahay Adduunyada iyo waxa yaalla oo dhan, mana qalalo dhiiga shahiidku ilaa ay u timaado oo ay indhaheeda uga bogoto (jaceyl ay uqabto darteed).  

BURINTA XUJADA TODOBAAD:

Hadii ad leedahay waxaan uga gaabshay jihaadka ka carar khilaaf iyo iskahor imaad qabiilkeyga,jamaacadeyda,sheikhayga iyo asxaabteyda. Hadde kalaamkaas waa qalad, Xujadaaduna waa baadil 

Waayo ma bannaana inay kaa fariisiyaan jihaadka qolana, laga yaabo wax yar kaddib in mowd idin kala qariyo, uuna ku dhaafo ajarka weyn ,hadhowna ad qoomameysid qiyaamo markii khalqiga oo dhan la soo taago. Qofkastana uu yiraahdo nafsii ,nafsii. 
 

Haddii culumadu iskhilaaftana , waxaa runta u dhow kuwa jihaadka oogahaya.

Miyaadan maqlin qowlka Alle (kor ahaaye): Kuwa mu'miniinta ah waa kuwa uun rumeeyay Alle iyo rasuulkiisa oon shakiyin,kuna jihaada xoolahooda iyo naftooda jidka Alle dartiis, kuwaasi waa kuwa runlowga ah.  Al-xujuraat :15 
 

Waa xoogaa laga soo gurubsaday kitaabka Jihaadka Li ibni Nuxaas Alshaafici 
 

تمــــــت  بحمـــــــــــد اللـــــــــــــه

Cabdalla Salih
salih3_2006@yahoo.com

AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Post a Comment

0 Comments