Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Mujaahidku waa Ninkii Maalin ma ?


Waxa la yidhi , berri yaa col balaadhan oo xoog lihi qolo ku habsaday , dabeeto Beeshii la galay ayaa geelii lagga qaaday , ka dibna loo gebo-gebo fadhiisiyey .

Beeshii dhacnayd dhawr jeer bay isku dayday inay geela dhacsato laakin umay suurta gelin , maalintii dambe ayaa la tashaday , dabeeto nin baa yidhi ,Waar Abaanduulihii Cabdi Fadal oo la doono mooyaane , geela dhacsan kari mayno .

Xaaji cabdi baa la dooney , ka dibna geelii baa laggu dhiciyey , meesha la yidhaahdo Rayd-dab dhuub oo noqotay dhacdo caana .

Berri dambe , ayaa Cabdi fadal iyo nin kale oo isna geesiya oo ay ilmaadeer yihiin is qabteen , rag baa dhex galay , labaddii nin marki la is waydiiyey , baa nin yidhi :-

Waar Cabdi Fadal , waa Ninkii Raydab dhuube , hebel waa ninki maalin ma ?

Imika Halgankii SNM , Nin baa maalin buu ku suntanaa 

1- Lixle waa ninkii Jebinta Jeelka Mandheera , 1/1/1983 

Waana ninkii Jabhadda baray in AK 47 lagula dagaalmai karro , ciidan xoog badan 17/10/1984 .

2- Ibraahin Koodbuur waa Ninkii Barjeex 12-April 1983 ,

3- C/qaadir Koosaar , waa Ninkii ugu horeeyey ee SNM ee Hub debadda ka keenay caawimo ah , ( ZEKAWI , SHILKE IYO Nuur madaoobe ) Waana ninkii aasaasay , Saldhigii tababarka Awaare islamarkaana hirgeliyey Baabuurta loo yaqaano Tegnikadda .

4- Maxamed Cali Faarax , waa aasisihi Garabka Hubaysan ee SNM , 1981 ( 4aad )

5- Cawil Cadami Burhaan , waa Ninkii Af-duubay Diyaaraddi Soomali Airline ( 1984 )

6- Harag-waafi , waa Ninkii Jananka Itoobiyinka ah ,kala baxay Cisbitaalka Burco , 1984 .

7- Dhego-wayne , Waa Ninkii Buurta Sheekh ( 1984) Hargaysa (1988) iyo Berbera 1991 .

8- Maxamed Axmed Guutaale , waa Ninkii Hindisay in Baabuurta Toyootaha hub la saaro .

9- Maxamed Xasan Jidhif , waa Ninkii Xeebta galbeed 1989 

10 - C/laahi Dareewal waa Ninkii Geedka dheenta 1991 ,

11- Axmed Mirre , waa Ninkii 27-May 1988 , Burco , Sarkaalkii la baxay , Abaanduulaha Xoriyadda ee Badda iyo Berrigga .

12- C/laahi Askar waa Geesigii xabsigga iyo Xoghayihii Ciidamadda ,

Markaa waxaa is waydiinle , Horta Mudane , Mujaahid Muuse Biixi , waa Ninkii Maalin ma ?


W/q: Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje

Post a Comment

0 Comments