Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Wiil Iswaalaba Waabiyaa Hela – Nin Caqli Baddan Oo Guurdoon Ah

Nin aad u caqli baddan oo carab kadhex tilmaaman ayuu ahaa, wuu guursan waayey sababtana wuxuu kusheegay in gabadha (Inanta) Carab ugu caqliga baddan uu doonaayo in uu guursaddo, ninkii doob-guun weynaaday ayuu noqoday, muddo kadib ayuu doonay in uu tuulo kale u safaro si uu inan uu guursaddo usoo sahamiyo, intii uu jidka maraayey ayaa waxa uu jidkii iska sii raaceen nin kale oo usocoda tuuladda uu ninkani u socoday.

Muddo markii ay socodeen ayaa ninkii guurdoonka ahaa wuxuu kuyidhi ninkii kale “Maad I qaadi mise anigaa ku qaadda?”, ninkii kale wuu yaabay wuxuuna ugu jawaabay “waaxay qaadista aad sheegaysaa, awr baad fuushantahay aniguna awr ee dee awrkaaga fuushanoow”, ninkii guurdoonka ahaa wuu iska aamusay, muddo markii ay socodeen ayey kusoo baxeen beer baxday oo hadhuudh ah, ninkii guudoonka ahaa ayaa kuyidhi ninkii kale “Beertaas miyaa la cunay mise tallow weli lama cunin?”, ninkii kale ayaa ugu jawaabay “Waar waa kusidee sawdigaa arka in aan la goosan, sideed ii leedahay miyaa la cunay, maxaa kaa khaldan niyow”, ninkii guurdoonka ahaa wuu iska aamusay, tuuladii ay usocodeen markay udhaw yihiin ayey arkeen jinaaso naxash lugu siddo si loosoo aaso, ninkii guurdoonka ahaa ayaa ninkii kale kuyidhi “Maydkaasi talow ma nool yahay mise wuu dhintay?”, ninkii kale ayaa kuyidhi “waar heedhe dee waad waalantahay niyow, siduu u noolaadaa sawkaas dhintayba”, nin waalan ayuu u aqoonsadday, sidii ayey tuuladii kusoo gaadheen. Nin ayaa kuyidhi ninkii guurdoonka ahaa “Inkastoo aad doqon tahay, haddan dhaqankayga ayaa ah qofka safarka ah in aanu marti-qaadno, markaas aniga ayaad caawa ila joogaysaa”. Ninkii guurdoonka ahaa Haye ayuu yidhi, markii ay gurigii tageen ayaa gabadh aad u caqli baddan oo uu dhalay ninkan kale weydiisay aabaheed “Ninkani waxa uu yahay?”, ninkii ayaa inantiisii kuyidhi “Aabo waa mid maanta oodhan su’aalo igusoo wareeriyey oo bilaa caqli ah oo aanu isasoo raacnay”, Inantii ayaa weydiisay aabaheed su’aalihii uu soo weydiiyey, waxa uu usheegay sadexdii suaalood, Inantii ayaa kutidhi “Oo maxaad ugu jawaabtay?”, Aabaheed ayaa yidhi “dee waan la yaabay caqli xumaantiisa”. Inantii ayaa aabaheed kutidhi  Marka uu ku leeyahay maad I qaadi mise anigaa ku qaada waxa uu uga jeeday “Safarka dheer dartii si aynu isku dhaafino maad ii sheekayn mise anigaa kuu sheekeeya”, marka uu kuleeyahay Beertaas miyaa la cunay mise lama cunin waxa uu uga jeeday “ Beertaas miyaa lakala iibsaddey hadhuudhkeeda oo lacagtii miyaa lakala qaatay mise waa weli”, marka uu kuleeyahay maydkaasi miyuu dhintay mise wuu noolyahay, waxa uu uga jeeday “Qofkaas maydka ahi caruur miyuu ka tagay haduu ka tegay wuu nool yahay, laakiin hadii aanu ka tegin waa dhintay”.

Ninkii oo ordaaya ayaa usoo galay halkii ninka guurdoonka ahi fadhiyey, markaas ayuu kuyidhi “Imaka iga dhegayso jawaabihii suaalihii aad usoo weydiisay”, dhamaantood waa uu usheegay, ninkii guurdoonka ahaa ayaa kuyidhi “Adigu caqligaas maad keenin ee yaa kuu sheegay?”, wuxuu kuyidhi “Inanteyda”,ninkii guurdoonka ahaa ayaa u sheegay ninkii in uu rabo in uu inantiisa guursaddo, sidii ayuu ku guursadday.

Sheekaddan waxay carabtu kalasoo dhex baxday maah-maah caan noqotay oo Af-soomaali ku noqonaysa “Wiil iswaalaba waabiyaa hela”.

W/Q: Xamse Baashe (Wiyeer-yare)

Qoraa Madaxbanaan

Post a Comment

0 Comments