Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Dadka Soomaalilaan Degani Miyey Sixran-yihiin, Miyey Falan-yihiin Mise Waxkale Ayaa Jira? Q2aad.

Bulshadda Soomaalilaan kudhaqan intooda baddani waxay taageerayaal u yihiin Xisbiyadda Qaranka iyo Ururadda Siyaasadda, inkastoo qaababka ay u dhisanyihiin Xisbiyadda iyo Ururadda Siyaasaddu yihiin qaabab beelaysan (Qabyaaladeysan) oo Xisbi kasta iyo Urur kastaa uu ku abtirsado cida aasaastay ama markaas ka ah gudoomiye, sidaas oo ay tahay midkastaa waxa uu haystaa taageerayaal xoogan oo rakaab u ah Xisbigaas ama urur-siyaasadeedkaas. Taageerayashaasi waxay Xisbiyadoodda la-garab taagan yihiin waxkasta oo hiil iyo hoo ah (ama af iyo addin ah), waxay marar baddan u huraan dhiigooda iyagoo sameeya banaanbaxyo rabshado wata, waxay khalkhal geliyaan nabad gelyadda iyo xasiloonidda dalka, waxay burburiyaan wadooyinka iyo goobaha ganacsiyadda, waxay intaas oodhan u sameeyaan sidii ay Siyaasi dan leh ah danihiisa ugu meelmarin lahaayeen.

Siyaasiga danaystaha ahi isaga oo raadinaaya wado uu danihiisa kufushaddo waxa uu rakaab kadhigtaa Bulshadda rayidka ah, Siyaasigaasi marka uu kujiro ololayaasha doorashooyinka waxa uu taageeryaashiisa iyo guud ahaan bulshadda u sameeyaa balanqaadyo aad u baddan oo dhamaantood wada qurux baddan, laakiin marka uu isku hubsado halkii uu rabey, inta baddan Siyaasigu waxa uu noqodaa mid aan waji lahayn, inta baddan balanqaadyadiisiina waxay noqodaan kuwo iska ahaa malo-awaal. Siyaasiga danaystaha ah markaan leeyahay waa qof kasta oo xil ama masuuliyad u qaada bulshadda kaas oo kuyimaada qaab doorasho ama mid la doortay uu u igmado xil qaran.

Dhacdooyinka noocan oo kale ahi waa kuwo kamid noqoday nolosha caadiga ah ee bulshadda rayidka ah ee Soomaalilaan kunool. Maalinta ay ogaadaan in shaqsigii ay doorteen (nooc kasta oo doorasho ah) uu noqoday mid danihiisa gaarka ah fushadda halkii uu Bulshadda wax ugu qaban lahaa, ama noqoda mid ku kooban cid gaar ah oo keliya, markaas ayey bilaabaan calaacal, caatoow iyo af-lagaado, iyagoo wax kasheegaaya Siyaasigaas ay gacantoodda kudoorteen, way ka murugoodaan xili aanay murugo waxba u qabanahayn, laakiin dhibta ugu weyn ee Bulshadda haysataa waa in aanay waxba kabaranin khaladkaas ay kudhaceen, kama tashadaan, kamana digtoonaadaan in markale aanay kudhicin khaladkaas ookale. Hadii doorasho kale timaado bulshaddu kuwiiba maaha, halkoodii ayey ka bilaabaan in ay rakaab u noqodaan Siyaasi kale oo danayste ah, isla halkii ay ka bilaabaan af-lagaado iyo in ay ka murugoodaan, ilaa heer ay arintaasi kamid noqotay nolosha caadiga ah ee Bulshadda.

Bal haddaba adigu jawaabta saxda ah ila wadaag oo dadkani miyey sixiranyihiin, miyey falanyihiin mise waxkale ayaa jira?

Lasoco Qabta Xigta

W/Q: Xamse Baashe (Wiyeer-yare)

Qoraa Madaxbanaan

Post a Comment

0 Comments