Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Dadka Soomaalilaan Degani Miyey Sixran-yihiin, Miyey Falan-yihiin Mise Waxkale Ayaa Jira? Q1aad.


Hashu maankayga gaddaye ma maansaar bay liqday”ayaa nin laga hayey, taas aan kasoo gudbo oo aan kaaga sheekeeyo bulshooyinka rayidka ah ee caalamka intooda baddan marka ay xukumadahooddu ama maamuladooddu kula kacaan fal liddi ku ah umadaas sidda qiimaha maciishadda oo ay ku kordhiyaan, qiimaha shidaalka oo ay ku qaaliyeeyaan ama adeegyadda bulshadda oo noqoda kuwo liita ama heerkii loogu talo galay kahooseeya, Bulshooyinkaasi waxay ka siman yihiin dareen iskumid ahna ka muujiyaan falkaas ay dawladdu kula kacday in uu yahay mid deel-qaaf iyo gef ku ah isla markaan aanay ka aqbalahayn Dawladaasi in ay fuliso ujeedooyinkaas ay rabto, hadii taas laga tegi waayo dawladda iyo xubno metelaya bulshadda rayidka ah ayaa miiska wad-hadalka iskugu yimaada oo heshiis la isku raacsan yahay kasoo saara arintaas bulshadda kicisay. Tusaale ahaan “Dalka Suudaan horaantii sanadkii 2021 waxaa kadhacay mudaharaad weyn oo Bulshadda wadankaasi kagasoo horjeedey qiimaha Roodhida oo kor ukacay”.

Intii aan joogay ee aan jiray Soomaalilaan meelna uma dhaafin weligayna waxaan usoo joogay in qiimaha hal shay ku kordhaa in aanu weligii hoos ugasoo degin ilaa uu kusii kordho uun mooyaane, sixir-barar xad-dhaaf ah oo xadhka goostay, qiimo dhac lacageed oo kun shillin wixii ka hooseeya aanad waxba ku iibsan karin, adeegaydii dawladda oo intii yareyd ee jirtayna ay noqotay ganacsi sidda Waxbarashadii iyo Caafimaadkii, Biyo gelintii Hargeysa oo muddo 30 sanadood ah qaadatay welina aan wada dhamaanin, Warshadii Korontadda ee Magaaladda Hargeysa oo ganacsato lawareegtay isla markaana qiimaha ay doonaan bulshadda kaga iibiyaan “Hadda ogow oo dantii guud ee umaddu wada lahayd ayey ku shaqaysanayaan”, Shaqo la’aan baahsan iyo waxyaabo kale oo  baddan.

 Dhibaatooyinkaas oodhami waxay soojireen intii Soomaalilaan jirtayba oo maaha kuwo maanta ugub ah, lamana helaayo mudadaas 33-ka sano kudhow ee Soomaalilaan jirtay hal qof oo ka dareen celiyey ama wax iska weydiiyey sababta keentay iyo halka ay wax ka khaldanyihiin, Dhamaantoodna waa ay aqbalaan sabab la’aan.

Bal isbarbar dhig Bulshooyinka kale iyo Bulshadda Soomaalilaan ku nool oo adigu jawaabta saxda ah ila wadaag.

La Soco Qabaha Dambe, Wixii Talo Iyo Tusaale Ahna Noogu Reeb Qaybta Hoose Ee Fariimaha - Mahadsanid

W/q: Xamse Wiyeer-yare 
Qoraa Madaxbanaan


Post a Comment

0 Comments