Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Sixirkii Waxa Uu Dib Ugu Laabtay Sixiroolihii

 

Carabtu waxay ku maah-maahdaa "Sixirkii wuxuu dib ugu laabtay Sixiroolihii",bishii Feb-2016 ayaa nin lug magacaabo Cabdilaahi Cabdisalaan oo Soomaali ahi waxa uu soodiyaarsadday waxyaabo uu gacanta kusameeyey oo qarax ah waxaan uu lasoo fuulay diyaaradda Daallo oo wakhtigaas ka kacaysey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.

Diyaarada wakhtigaas waxa saarnaa 74 rakaab ah oo iskugu jira noocayda kala duwan ee Bulshadda, diyaaraddu waxay xiligaas uduuleysay dalka Jabuuti.

Ninkaas rabay in uu dhibaateeyo bulshaddaas Soomaaliyeed waxa uu qaraxii iyo koombutarkiisii gacanta lasoo fuulay diyaaradii Daallo oo dulimaadkeedu ahaa Muqdisho Ilaa Jabuuti. Waxa uu fadhiistay mid kamid ah kuraasta diyaaradda ee xiga dhanka daaqadaha. Markii diyaaradii hawadda gashay ayaa uu ninkii bilaabay in uu qarxiyo shacabkii masaakiinta ahaa ee diyaaradda saarnaa waxaanu taabtay qaraxii, Nasiib wanaag qaraxii waxa uu noqoday mid ku kooban ninkii oo keliya. Ninkii iyo qaraxiisii oo ololaaya ayaa kadhacay daaqadii uu fadhiyey waxaana diyaaradda dhankaas kasoo gaadhey dhaawac sidii dalool oo kale ah. Ugu dambey dawladda Soomaaliya ayaa baadhitaan ay sameysay kusoo qabqabatay dadkale oo arintaas ku lug lahaa, dhamaantoodna waa la maxkamadeeyey.

Hadaba Sheekaddan ayaa ixasuusisay maaha-maaha carbeed oo marka Soomaali ahaan loo micneeyo odhanayesa “Sixirkii wuxuu dib ugu laabtay sixiroolihii”.

Qoraalkani waxa uu ina barayaa in aynaan ku degdegin sameynta waxyaabo aynaan ogeyn natiijadda inagasoo gaadheysa, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Booraan hadimo-leh ha qodin hadaad qodidna ha dheeraynin kudhici doontaana mooyee”

Fadlan akhriste aragtidaadda iyo Maqaalkaaga noogusoodir E-mail: Wiyeeryare@gmail.com si aanu halkan uga baahino, Mahadsanid


Post a Comment

0 Comments