Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Muhiimadda Ay Nabaddu Inoo Leedahay

 


Marka la soo hadal qaado erayga Nabad, qofkasta waxaa islamarkiiba ku soo dhacaya qiimaha ay nabadu u leedahay Guud ahaan nolosha aadanaha, oo ay muhiim tahay in mar walba qofku ku noolaado Nabad waarta inta cimrigiisa ka hadhsan . Waxaa sidoo kale Nabada lagu tilmaama inay tahay shayga ugu wanaagsan ee dadku jecel yihiin in ay ku noolaadan, waxa ay ka sii necebyihiin Nabad la’aan ama colaad waana loogu nacayb badan yahay.

Nabadu Waa Furaha Nolosha, qiimaha ay leedahey maaha wax la sookoobi karo,marka la soo hadal qaado erayga Nabad, qofkastaba waxaa ku soo dhacda qiimaha ay nabadu u leedahay nolosha Aadamaha. Nabad la’aanina waa nolol la’aan, waa waxbarasho la,aan, waa naxariis la’aan, waa dowlad la’aan, waa hoy la’aan,waa caafimaad la,aan, waa mugdi, waa burbur, barakac, walwal iyo walbahaar iyo waliba baroor diiq joogto ah. Waxaa mudan in lays waydiiyo waa maxay NABAD? Nabadu waa saldhiga nolosha, waa iftiin, aqoon, xushmad, naxariis, waxa ay laf dhabar u tahay horumarka, sharaf, cibaado iyo barwaaqo.qiimaha ay nabadu leedahey waxaa inoo iftiiminaya dhaqankeena suubanaa; Tusaale, Nabad ma tihiin? mala nabad qaaba? reerku ma soo nabad hooydey,waxaa kaloo qiimaha nabada ina xasuusinaya murti dhaqankeena ah,,rag gogoshiisa waa nabad, nabad ayaa naas la nuugo leh iyo kuwa kaloo fara badan. dadka Soomaalida ah waxa ay arkeen muddan dheer oo nabad la,aan? , Waxaa ay arkeen hogaamiyeyaal kooxeedyo oo naxariis daran, geeri badan,kufsi iyo tacaadii fara badan.

Nabada iyo horumarka wadankeena? Horta masuuliyada koowaad ee dib us oo celinta nabada waxay saaran tahay qofkasta iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana looga qayb qaadan karaa marka hore qofkasta oo muwaadin ah waa inuu nabada ka soo bilaabo naftiisa oo ay ka muuqdaan astaamaha nabada, tusaale qofka dhawaqiisa waa inuu noqdaa mid nabadeed,muuqalkisa sidoo kale, uurkiisa la mid,aqoontiiisa iyo qalinkiisa sidoo kale waa inuu nabada ugu hiiliyaa, intaa kadib waa inuu qoyskiisa la wadaaga xoojinta nabada,kadib bulshadiisa ugudbiyaa qiimaha ay nabada leedahey,,la abaabulaa doodo iyo wacyigelino maadi ah iyo kuwa diini ah oo lagaaga hadlayo qiimaha nabada iyo wanaageeda. culumaadu waa muhiim ah in doorkooda wacyi-gelinta uu si joogto ah u socdo si uu u kaabo dib u soo unkida Nabada Wadankeena.Doorka dowlada ee dib usoo celinta nabada ayaa ah abaabulida xubnaha firfircoon ee bulshada, dhaqan celinta dhalinyarada iyo u abuurida xirfado shaqo oo ay ku maareeyaan mustaqbalkooda, horumarinta waxbarashada iyo dib u dhiska goobihii waxbarashada, oogista iyo xaqiijinta garsoor cadaalad ah, horumarinta ciidamada amniga khaasatan boliiska, qabashada tartano ciyaaraha, kuwa aqooneed, kuwa dhaqan oo lagu hormarinayo nabada. 

Nabadu qiimo aad u weyn ayey ku leedahay nolosha iyo hab-dhaqanka bulshada, nabadu waa cadowyo badan tahay,,laakiin sidoo kale waxaa xaqiiqo ah in nabadu leedahey saaxiibo badan ,,Saaxib-ka koowaad ee nabada waa midka laga nabad galo isaga naf’ahaantiisa, waa ka hortagaha cadowga nabada, waa daryeelaha danyarta, waa xoojiyaha aqoonta, waana ilaaliyaha diinta, sharafta dadkiisa iyo dalkiisa. dhamaanteen aan wada xasuusano in Taariikh aan duugoobeynin ay jirta, qof waliba waxa uu gaysto ee wanaag ama xumaan ah ayey tahay mid diiwaankiisa taariikheed ugu qoran, Alle waxaan ka baryeynaa inuu nagu daro kuwa taariikh wanaagsan laga qoro , muslim saalix ah, wadaniyiin ah, difaacayaal qarameed ah oo aan marna hilaawin qiimaha ay leedahey nabada iyo dhowrista sharafta beni’aadamka. Marka si aan ugaadhno yoolkeena kama danbeysta ah oo loo xaqiijiyo nabad waarta oo dalkeena ka dhacda waxaa waajib inagu ah in wanaag lagu gaadho nabada oo wax kasta oo xumaan ah oo caqabad ku ah nabada meesha laga saarro,, waa la sameeyn kara in wixii awood ah oo aan leenahey in aan ugu tabarucno xoojinta iyo dhiirigelinta nabada wadankeena sidaas darteeed Balanteenu waa NABAD, walaaltimo horseeda in la helo Nabad waarta iyo dowlad cadaala.

Nafisa M Hussein

 Fadlan akhriste aragtidaadda iyo Maqaalkaaga noogusoodir E-mail: Wiyeeryare@gmail.com si aanu halkan uga baahino, Mahadsanid

Post a Comment

0 Comments