Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Fariin kusocota Raga – Dumarku ma jecela ninka kusifooba Shantan Astaamood!


Inagoo qaybaheena dambe ee Daraasaadka Aduunka kusoo qaadan doono qodobo kale oo uga hadlaaya xidhiidhka dhexmara Raga iyo dumarka, qaybtan maanta waxaynu ku ogaan doonaa shan astaamood oo dumarku hadii ay ninka ku arkaan aanay weligoodna jecelaanaynin, waa fariin si gaar ah ugusocota raga guurdoonka ah. Waxayna kala yihiin sidan:-


Bakhaylnimada: Bakhaylnimadu waa laba nooc, mid la taaban karo iyo mid aan la taaban karin, ta la taaban karaa waa ninka oo lacagta iyo dhaqaalaha uu nolosha iyo badhaadhaha qoyskiisa ku bixinayaa ay aad uga yar yihiin inta ku filan, xilli uu isaguna hayo dhaqaale intaas uu bixinayo aad uga badan, bakhaylnimada labaadna waa ninka oo xaaskiisa kala bahkhayla shucuurta kalgacal iyo ereyada jacaylka iyo naxariista muujinaya, labadan arrimoodba waxa ay gabadha ku keenaan niyad jab iyo in ay nacdo ninka iyo xataa nolosha qoysnimada.
Cadhada Badan: Dabeecad ahaan gabadhu waxa ay inta badan dulqaad u yeelataa mawqifyo badan oo qallafsan oo ay ninka kala kulanto, laakiin waa inta uu isaguna yahay ruux marka aanu cadhaysnayn dabiici ah, la fahmi karo, qaladaadkiisii xilliga cadhadana si toos ah ama dadban u sixi kara.
Madax adayga: Ma jiro rayi kama dambays ah oo aan dabadii la hadlin, mana jiro qof ku andacoon kara in aragtidiisu ay tahay tii ugu saxnayd marka loo eego kuwa ka soo horjeeda, sidaa awgeed mar kasta waxa ay quruxda wada noolaanshiyaha iyo is-fahamku ku jiraan in la is dhegeysto, rayiga kala duwan la tixgeliyo, qofkuna inta aanu rayigiisa ku go’aan qaadan uu dhegeysto fikirka ka soo horjeedo, Madax adeegana dumarka aadbeey ugu nacaan raga,
Quruxda oo la danayn waayo: Gabadhu dabeecad ahaan waxa ay u dhalatay qurux jacaylka, waxaana ku beeran ruux ah in ay mar kasta muuqaalkeeda duleed qurxiso, labbiskeeduna xarrago ahaado. Baadhitaanno dhinaca bulashada ah oo la sameeyey ayaa xaqiijiyey in gabadhu aanay quruxdaas nafteeda oo keliya la jeclayn, balse ay sidoo kale la jeceshay ninkeeda, oo ay ka hesho in uu noqdo mid xarago badan, muuqaalkiisa duleedka qurux badan yahay, haddii kale waxa ay karahiyeysataa in ay raacdo nin aan dan ka lahayn quruxda naftiisa, ugu yaraan culays iyo dhib ayaa ay dareentaa in ay lagu ag arko.
Shakiga: Hinaasuhu waa shucuur aadamenimo, oo ay suurtogal tahay in loo helo marmarsiiyo iyo cudur daar loogu dul qaadan karo, Mana Jecla dumarka raga aadka u hinaasaha badan oo shakiga miirana.


@Wiyeer-yare blog

Post a Comment

0 Comments