Hordhac: Taariikhdu
waxay ku beegnayd horaantii 1963kii markii ugu horeysay ee Magaaladda
Baligubadle loo magacaabay in ay noqoto Degmo ka tirsan Degmooyinkii Jamhuuriyadii Soomaaliya, kadib
markii 1962kii ay magaladaas ka bilaameen dhaqdhaqaaqyo codsiyo ah oo
odayaashii deegaanku ku codsanayeen
in Baligubadle looga dhigo Degmo ka tirsan
waddanka intiisa kale, waxaanay maamul ahaan ka tirsanayd Gobolka Maroodi-jeex,
wakhtigaas oo uu Maroodi-jeex badhasaab ka ah Alla ha u naxariistee
Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuure).
Taariikhdu iyadda ayaa is qortee, sidoo kale waxay ku beegnayd
intii u dhaxaysey 20kii March ilaa 15kii May 2018kii markii Madaxweynihii
wakhtigaas taladda Somaliland hayey Mudane Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin uu
ku dhawaaqay 7-gobol oo ku dhex sameeyey 6-dii Gobol ee hore u jiray, halkaas
oo Baligubadle ku noqotay magaalo madaxdii Gobolka Hawd.
Hadii aan intaas kaga gudbo sidii Magaaladda Baligubadle u
asaasantay iyo taariikhdii ay ku lahayd deegaamaynta Dalka, aan hoos ugu
daadego Taariikhdii ay ku lahayd Halgankii iyo xornimodoonkii Somaliland.
Waxay ku beegnayd 28 sano ka hor, 1990-kii wakhtigaas oo
Baligubadle lugu doortay Gudoomiyihii 5aad Ururka dhaq-dhaqaaqa Soomaaliyeed ee
SNM, iyadoo wakhtigaas loo doortay in uu SNM Gudoomiye ka noqodo Alla ha u
naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), halka ku-xigeena loo doortay Muj.
Xasan Ciise Jaamac.
Maanta oo kale 28 sanno ka hor, dagaal gaadmo ah oo labba
saacadood socday, ayaa Ciidamadii Dawladdii Somaliya ku qabsadeen, Xaruntii
Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Somaliyeed ee (SNM).oo ahayd Magaalada
Baligubadle. Waxay gubeen magaaladdii, waxayna dagaalka ku qabsadeen gaadhigii
Gudoomiyihii SNM. Muj:Cabdiraxman Axmed Cali.(Tuur).
Subaxnimadii 30.12.1990, ayaa Guuto ka mida Guutooyinkii SNM, oo
ahayd Guutada Koodbuur, oo uu Hogaaminaayey Mujaahid Xasan Maxamed Ubaxle
(Xasan Ganey). iyo Ciidan deegaanka ahi, ay labba jiho ka soo galeen magaalada
Baligubadle, iyagoo ku guuleystey Ciidankii Somaliya, ee magaalada Qabsaday
inay, debeda uga saaraan. Waxaana dagaalkaas ku dhintay Mujaahidiin shan iyo
tobban gaadheysa, oo uu ku jiro Muj.Maxamed AW Ismaciil oo ahaa Gudoomiyihii
Magaalada Baligubadle.
Haddaba
Maanta Waa sidee Magaladii Baligubadleh 28 Sanno kadib?
Su'aashan oo aan u banadhigay Qaar kamid ah Dadkii intaas oo dhan ku noolaa
magalada ayaa ka muujiyey walaacyo aad u darran, iyo maamul la'aan baahsan oo
ka jirta guud ahaan gobolka Hawd gaar ahaan Magalada Baligubadle.
Dadka
aan weydiiyey waxay ii sheegeen in Kabayaashii dawladu uu meesha kamaqanyahay,
isla markaana waxay cadeyeen in Dawladu Hal saldhig, laba dugsi iyo hal MCH oo
caafimaadka ah ka hirgelisay, laakiin ay iska ilowday dhamaan daruuriyaadkii
kale ee Nolosha oo ay ugu Muhiimsanyihiin Biyaha iyo Daaqa oo Dadka degaanku
Badi ay u badanyihii Beeralay iyo Xoolo dhaqato.
Dadka
degaanka ayaa ku dhawaaqay Muddo sanaddo badan laga joogo in ay dhisaan waddada
u dhaxaysa Baligubadleh iyo Caasimada Somaliland Ee Hargeysa, Laakiin intii taaktooda
ah markii ay ku guulaysteen ayaa meesha waxaa ka baxay balanqaadyo dhowr ah oo
Dawlada iyo Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo ay kaga
dhawaaqeen baligubadle dhexdiisa.
Ilaa
Hadda Baligubadle kama muuqadaan astaamo sheegaya In Xukumadihii kala dambeeyey
ee Axmed Siilaanyo Iyo Dalwaddan hadda ee Madaxweyne Muuse Biixi ay ka
hirgeliyeen, Waxaa kajira Khilaafyo baahsan oo badiba soo kala dhex gala, qaybaha
sar sare ee Dawlada ka jooga oo u badan dad iska shaqaysato ah, oo ku kala
baahsan gobolada kale ee Somaliland.
Baligubadle
waxaa kuyaaley Kastam ay kasoo Xaroodaan dhaqaalaha iyo Takhliga gobolka hawd
ku shaqeeyo, Laakiin Muddo sanado laga joogaba ma shaqaynin Kadib markii
Xukumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo u wareejisay Kastamkii Gobolo kale,
Isla markaana kala dirtay Shaqaalihii joogay.
Magaaladan
Taariikhda iyo Ilbaxnimada weyn kuleh dib u Xorayntii Somaliland, Isla markaana
ahayd 28 sanno kohor maanta oo kale magaalo la aqoonsanyahay wakhtigaasna
lagaga sheekaysan jiray Villa Somaliya ayaan Maanta lugu soo Hadal qaadin
Madaxtoyada Somaliland.
Dad
da'a ah oo aan la kulmay ayaa ii sheegay in Caruurtoodii oo Xiligaas ahaa kuwo
mudakiriin caqli wanaag lasoo barbaaraya ay ku waayeen dagaladii ka dhacay
baligubadle, kuwaas oo ku cataabay In dawladii Axmed siilaanyo iyo Dawladan
Madaxweyne Muuse Biixi aanay waxba ka qaban baahiyahooda.
LASOCO
QAYBTA XIGTA
Wabilahi tawfiiq.
Mr.
Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa /
Saxafi madax banaan
Hargeysa -Somaliland
0 Comments