Maamulka iyo
Hogaanku waa nidaamka loo adeegsan karo dadka meel ku dhaqan si loo gaadho u
jeedada uu leeyahay dalkaasi, waddan kasta oo caalamka katirsan waxaa ka jira dawlado
kala maamul duwan sida maamulada iyo hogaanka waddamada loogu qaybiyo saddexda
nooc ee aadka u kala duwan oo kala ah
1. Autocratic Government (Dawlad Digtaatoriyad ah)
2. Democratic Government (Dawlad Dadka la tashata)
3. Laissez faire Government(Dawlad Dadka Xornimo siisa)
Hadaba Aan isku dayo in Ablo-ablaynta aan sameeyey ku saleeyo
Dawladaha kala duwan ee caalamka kaga kala jiraan oo aan tusaale u soo qaato
Dawlado dhawar ah oo isticmaala Nooca(style)ka
Maamul ee kala duwan.
AUTOCRATIC LEADERSHIP (Dawlada
Digtaatoriyada ah)
Dawlada Noocan ahi waa mid Adayg kula dhaqanta bulshada ay
maamusho misana u diida wax badan oo ay xaq u leeyihiin shacabku, waxay dadka
ku abaal marisaa ciqaab iyo inay shaqaala shaqada ka erido, waa dawlad aan
jecelayn in ladhiisa ay leedahay la sheego misan wax kasta oo xan ah la qariyo,
waa dawlad go’aanka ay shay kasoo saarto aan ka noqon misana eegin danaha
bulshada oo teeda uun eegta.
Dawlada noocan ahi waxay horumar gaadhsiisaa waddanka laakiin
dhaqaalaha waddanka wax loogu qabto waxaa kabadan kan waddo khaldan maraya,
sidoo kale waa dawlad ku caano maashay in cid kale oo cadaw ahi aanay ku soo
xadgudbin, wadamada ay ka jiro maamulka
noocan ahi waxaa kamid ah Eleteria, Egypt, Syria, UAE (United Arabic Emirate)
Hadaba wadamadan oo ah kuwo horumarsan, hogaamiyayaasha xilka u hay iyo kuwii
soo marayba ay ku maamuli jireen nidaam aan cid kale ka daba hadlin misana
waxaa waddamadan ku yar mucaaradka oo hadii uu samaysmo loo taxaabayo jeelka
misan aan loo ogolayn siyaasada in cid kale ku soo biirto, waddama sidan ahi
waxay u badan yihiin kuwo Madaxtinmada wadanka ay iskaga dambeeyaan dad isku
reer ah misan ka dhiga boqortooyo la iska dhaxlo maamulka. Waddamadan oo sidaad
aragto ah kuwo kamid ah waddamada islaamka ku abtirsada ayaa waxaa maamulkan ku
kelifaaya iyaga oo taageero been ah ka helaaya wadamo shisheeye oo aan diin iyo
dal toona aan tixgelin siinahaynin.
DEMOCRATIC LEADERSHIP (Dawlada
Dadka la tashata)
Dawlada noocan ahi waa mid la tashata dadka shacabka ah ee ay
maamusho misana u ogol dadka in ay samaystaan ururo, xisbiyo, iyo koox dawlada
la tashada sida goolayaasha oo ah kuwo u taagan shacabka, Dawlada noocan ahi
waa mid ay ku dedaalaan dalalka reer galbeedku in ay ka hirgeliyaan waddan
kasta oo caalamka kamid, Democratic (dimiquraadi) waa maamul ay soo doorteen
dadku, laga soo doortay dadka dhexdooda, losoo doorta danta dadka iyo dalka,
Waddamada ku dhaqma maamulka noocan ahi waa mid ku fidaaya waddamada islaamka
oo ah in diintii islaamka ee ay isku maamuli lahayeen laga saaray meesha inta
wax laga soo dheehday misana aan la wadda qaadan.
Waddamada ku dhaqma maamulka noocan ah waxaa kamid ah Somaliland
oo Sanadadii 2003 la is odhan karo waxay qaadatay nidaamkan, Laakiin aan si
buuxda uga hirgelin oo aan waddanka maamulka ka jiraa aanu la tashan dadka
Aqoonayahnada u ah bulshada, Weriyayaasha , Dadka qalin maalka ah ee Kalmada
Xaqiiqada ah Qalinka ku duuga.
Saudi Arabia waa waddama islaamka ugu waaweyn laakiin dhaqan la
baray ayaa ah mid hada kusoo laba kaclaynaya misana suurto gelinaya in Waddan
shisheeye uu rabo in uu u yeedhiyo waxa lugu xukumayo waddanka, Inkasta oo
Waddanka lugu xukumo diinta macaan ee islaamka, misana laga fuliyo shareecada
islaamka ayaa misana waxaa ka jira in USA oo ah marykan uu u tilmaamo wax uu
yidhi waa horumar.
Laissez faire Government(Dawlad
Dadka Xornimo siisa)
Dawlada noocan ahi waa mid si xornimo leh kula dhaqanta dadka ay
maamusho misana waa dawlad u taagan in ay hirgeliso inta baddan wixii ay u
balanqaaday dadka, Inkasta oo dawladaha noocan ahi yihiin kuwo dhaafay heer
dimiquraadiga ah, Sidaan kawarqabno waddamada islaamku waa kuwo haysta xoriyada
ugu baddan ee xaga dhaqanka oo ah diinta islaamka, misana diinta islaamku waxay
inaga reebtaa wax kasta oo aan faido Aduunyo iyo mid Aakhiro toona inoo lahayn
misana waxay inoo ogoshahay wax kasta oo Aakhirada iyo Aduunyada aynu ku
Guulaysanyno.
Inkasta oo dhaqanka Noocani uu yahay mid dalalka islaamka aan ku
badnayn u jeedada oo ah inta baddan waddamada islaamka oo sanka laga gelyey
dhaqan layidhahdo Dimquraadiyad , iyo xukun xoog ah ayaa waddamada qaatay
qaabka hogaanka waxaa kamid ah Inta baddan waddamada Yurub, Marykanka Iyo
waddamo aan badnayn oo katirsan Asiya.
In kasta oo Waddamo aad u yar oo kamid ah Afrika ay qaadanayaan
maamulka noocan ah, Handdana ma jirto waddan farta lugu fiiqo oo ka jiro maamul
noocan ah, Somaliland oo dadka kunooli yihiin 100% dad islaam ah ayaa xoriyada
ay haystaan dadku tahay mid aad iyo aad u baddan, laakiin dhinaca kale ay
jiraan dhaliil losoo jeedinaayo maamulka hadba ka jira waddanka oo talaabo ka
qaada cida runta sheegta, Misana la is odhan karaba waxaa aan lugu adag ku
taagnayn Qodobkii labaad ee aan kasoo hadlay oo ahaa Dawlad Dimuqaraadi ah, oo
ahaa in dawladu la tashato shacabka misana go’aamada ay gaadhayso wax
kaweydiiso.
Lasoco Qaybta 2aad Ee Qormaddan
Wa-bilaahi
Tawfiiq
Saxafi
/Qoraa Madax banaan.
Mr.Hamse
Bashe (Wiyeer-yare)
E-mail: Xamse18@gmail.com
Hargeysa/Somaliland
0 Comments