Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

FAALADDA SIYAASIGA : KHILAAFKA UCID WUXUU QARANKA KA DHIGAYAA QABIIL. W/Q: HAMSE WIYEER-YARE

Aan Nabdaadsho Akhristayaasha sharfta iyo qadarinta iga muddan ee ku xidhan xarunta warfidiyaha  ah, Aan idinku soo wareejiyo mid kamid ah Qoraaladii koobnaa ee Sixida iyo Tilmaamid ku dheehnayd ee la xidhiidha siyasad.

Siyaasadu waa shay isbedel iyo dhinac gedis badan, isla markaana waxay siyaasiga ku qasabtaa in uu hadba dhinac kasoo jeesto, isla markaana marka uu xil ama maamulka uu hayey laga qaado, waxa uu beri ka maalin kasoo jeestaa xisbi kale, Haddaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah dadku ma ogyihiin siyaasigan ay dooranayaan in beri kamaalin masuuliyadii uu u hayey dadkii doortay uu iska wareejin doono, isla markaana dadkii uu dhexdooda kala qo-qobay uu qolo raaci doono.
Waxaad Maqlaysaa Wasiir hebel iyo Hebel waxay ahaayeen niman saaxiibo ah muddo dheer, laakiin hadda waxay ku kala irdhoobeen siyaasada, oo midba Wuxuu ku jiraa Xisbi hebel. Waxba yaanan taas ku fogaanin oo waa siyaasad iyo dhaqankeede aan u soo noqodo mawduuca aan jecelahay in aan maanta wax ka idhaahdo oo ah khilaafka Wajiyadda badan ee Xisbiga UCID,.
Xisbigan Ucid oo kamid ahaa xisbiyadii ugu horeeyey ee Somaliland laga sameeyo kadib furitaankii axsaabta badan uuna kasoo hadhay tiro-ba lix urursiyaadadeed, ayaa beryihii u dambeeyey waxaa khalkhal iyo jahwareer ku riday, siyaasadda is qab-qabsiga Gudoomiyaha iyo Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga ilaa uu khilaafkii u socoday xubnaha dhexe ee xisbiga, Khilaafkan ayaa labada dhinacba midba midku eedaynayaa abuuristiisa, Taariikhada ayaa qortay 2011 markii gudoomiyaha barlamaanka Abdirahman Ciro  oo ahaa Xubin sare oo xisbiga UCID ah, iyo gudoomiye faysal cali waraabe uu ku dhex qaraxay khilaaf baahsan oo keenay ilaa in Ciro samaysto Xisbi kale.
Hadaba khilaafyaddan soo noqo noqoda ee ka dhaca xisbiyadda ayaa gaar ahaan xisbigan Ucid ayaa U muuqda mid bulshada caalamka tusaya in ay Somaliland tahay beelo iyo iskugu yimi qabyaalad, Halka siyaasiyiintooda faysal kamidyahayna ay xoog iyo anigaa leh awooda ay ku haystaan Maamulka, tan maanta ka jirta Ucid dhexdeedu beri ka maalin waxay ka dhex dhici qasriga madaxtooyadda hadii uu ilahay u calfo oo Xisbiga ucid soo baxo.
Beri kamaalin waxaa la isku qabsan hantida qaranka, waayo khilaaf ku bilowday heer hoose hadii aan inta uu yaryahay la gamuurin beri kamaalin qaranka ayuu sameyn ku yeelan doonaa.

Lasoco faaladda Siyaasiga, Q2aad, W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer Mar walba ku Xidhnoow www.wiyeeryare.blogspot.com



Post a Comment

0 Comments