Habdhaqan
Marka aan ka hadlaayo, waxaan ka hadlayaa marxaladaha kala duwan ee noloshu
marto, sidoo kale habdhaqanka dhalinyartii hore kuma sheegayo wakhti xadidan
ama la isla garanaayo oo aan kaga hadlaayo dhalinyar jirtay.
Inta badan habdhaqankii hore ee
dhalinyarta waa mid asal ahaan kasoo jeeda nolol dhalinyarta maantu aanay u
aqoon ilbaxnimo iyo horumar la taaban karo.
Dhalinyarta iyo wakhtigu waa
kuwo isbedelaya isla markaana, leh wakhti ay ku dhamadaan, Qaybtan Habdhaqankii
Dhalinyartii Hore, waa mid u mihiim ah in ay wax kabartaan dhalinyarta maanta
joogta, dhalinyartii hore waxay ahaayeen kuwo gaajo iyo haraad u golongolay,
isla markaana dhamaan wakhtigooda oo dhami ku salaysnaa wax qabad, Aynu fiirino
noloshii dhalinyartaa hore oo aan wax
iska xasuusino, waxay ahaayeen kuwo Kaca wakhtiga hiirta ama waaberiga hore
isla markaana, shaqadooda ugu badani waxay ahaayeen raacida xoolaha siiba kan
somalidu aadka ugu jeceshahay ee geela, Waxay ahayeen kuwo.
2.3.1
Magacyada Raga iyo Dumarka ee dhalinyaradii hore ee Somalida
2.3.1.1 Magacyada Ragii hore iyo
Macnahooda
Deegaanada ay Soomaalidu ku dhaqan tahay ee Geeska Afrika waxa
lala baxaa magacyo kala duwan, oo deegaan kastaa leeyahay magacyo u gaar ah.
Balse waxa jira magacyo ay isku mid ka yihiin. Sidoo kale magacyadu waxa ay ka
turjumayaan ujeedooyin kala duwan oo duruufo kala duwan wata. Tusaale ahaan
Maydhane marka loo bixiyo wiilka, wuxuu magacani ka turjumayaa wiil midab ahaan
caddaan ah. Sigad marka wiilka loo bixiyo, wuxuu ka turjumayaa hooyadii oo
umul-aroori gaadhay (Foosha ku dhiman gaadhay), ama isaguba uu dhimana gaadhay.
Qawdhan marka wiilka loo bixiyo, wuxuu ka turjumayaa wiilka oohinta bata.
Guhaad marka wiilka loo bixiyo wuxuu ka turjumayaa wiil hooyadii mar kasta
caanaha naaska ka dalbada. Wayrax marka wiilka loo bixiyo wuxuu ka turjumayaa
qaylo iyo cadhado badan. Naaleeye marka wiilka loo bixiyo wuxuu ka turjumayaa
wiil dhashay reerkii oo abaarihi hayso, ka dibna dhalashadii ka dib barwaaqo la
helay. Suudi wiilka loo bixiyo wuxuu ku turjumayaa kulayl, oo wiilka ayaa
dhashay wakhti kulul. Magan marka wiilka loo bixiyo wuxuu ka turjumayaa
wiilkaasi oo hooyadii la furi lahaa oo wiil dhashay, kadibna furitaankii laga
noqday.Beyle waxa loo bixiyaa wiilka midab ahaan madow.
Haddii aynu intaasi ku dhaafno ujeedooyinka magac-bixinta qaar ka
tirsan wiilasha, bal aynu soo bandhigno magacyo kale. Kaliil, Habe, Maydhax,
Cabbane, Toor, Food, Guhaad, Cadceed, Hayaan, Dharaar, Galool, Guure, Digaale,
Good, Sahal, Cosoble, Kabadhe, Cadaawe, Qudhac, Colaad, Xidig, Xalane, Quule,
Hufane, Dalmar, Looyaan, Birmad, Kuluc, Geelle, Cartan, Dhiid, Naaleeye,
Xareed, Samo-kaab, Mooge, Oogle, Wayrax, Dugsiiye, Dhuux, Hired, Halac,
Kaahiye, Tarax, Ceelaabe, Khaliif, Ciid, Xaamud, Janaalle, Khayre, Caagane,
Bulxan, Beyle, Xiis, Raage, Odawaa, Magan, Salaad, Dabayl, Dhimbiil, Shire,
Nadiif, Suudi, Ayaanle, Cige, Kaynaan, Buraale, Daacad, Guudle, Canshuur,
Xandulle, Dafle, Dirir, Rooble, Saalax, Caydiid, Gadiid iyo Xil-diid, Ciiltire.
2.3.1.2 Magacyad Dumarkii Hore Iyo Macnahooda
Dhinaca dumarka sidii inamada oo kale ayey magac-bixinta loogu bixiyaa. Haddii aynu qaar tusaale u soo qaadano. Bishaaro marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa qoys dhashu ka raagtay, ka dibna inantii ugu horaysay u dhalatay. Shaqlan marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh Hililb leh (Buuran). Warla marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh aabaheed dhintay iyada oon dhalan, Hooyadeedna dhimatay markay soo dhalatay ka dib. Haldhaa marka gabadha loo bixiyo ,waxa ay ka turjumaysaa qurux.
Haldhaaga waxa la yidhaa Gorayada ka lab. Dhudi marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh dheer, qurux badan oo dhuuban. Jamaad iyo Jinnow marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa macaan. Jamaad iyo Jinnow waa markay caanaha geelu il-qaad noqdaan ama yara dhanaan. Xaadsan marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh nadiif ah. Degmo marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadha debeecad ahaan degan. Cambaro marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa reer inamo badan lahaa, oo bilaa Inan ahaa. Markaa gabadhii waa qaali oo Cambar ayey noqotay. Cutiya marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa cayilaad ama gabadh Buuran.Yusra marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh midab ahaan maariin ah. Dhool marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh midkeedu caddaan. Miido marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh nadiif ah. Miidku waa marka subuga la miiro ee uu nadiifta yahay. Xaali marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh dhaqankeedu fiican yahay. Intaasi haddii aynu ku dhaafno micnaha magacyada, bal aynu soo qaadano magacyo kale.
Barni, Raaxo, Miido, Jinnow, Qumman, Bullo, Carro, Halgan, Aragsan, Bayddan, Hogol, Jawaahir, Hufan, Dugsoon, Ceebla, Doonbiro, Koos, Cutiyo, Ardo, Ilwaad, Kaaba, Cosob, Geenyo, Naqwo, Asli, Cawo, Kinsi, Jamaad, Gobaad, Degmo, Magool, Nasteexo, Haweeya, Beer-lula, Luul, Yusur, Wacan, Tusmo, Suubban, Shuun, Xaadsan, Dhiimo, Warsan, Timiro, Saxarla, Shacni, Xoriyo, Udgoon, Xaali, Sareedo, Toosan, Siraad, Waris, Ladan, Hira, Qoran, Kaafiya, Cartama, Roon, Hoobaan, Muraayo, Istaahil, Ubax, Wiilo, Tiriig, Xamdi, Cawrala, Mullaaxo, Gargaara, Baar, Ugaaso, Dhool, Deggan, Amran, Cadar, Milgo, Johorad, Dhiin, Arliyo, Siman, Werdiyo, Bood, Cambaro iyo Salaado.

Tix-raac:
1. Qoraa
Cali Coomay - Magacyadda iyo macnaha dhalinyardii hore
La soco Q4aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta”
W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
2 Comments
sxp aad iyo aad ayaad umahadsantahyt sxp anigu waxaan rabay inaan qoro buug dhalinta marka waxaan arabay ianand gacana iga siiso
ReplyDeletesxp aad iyo aad ayaad umahadsantahyt sxp anigu waxaan rabay inaan qoro buug dhalinta marka waxaan arabay ianand gacana iga siiso
ReplyDelete