Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Saatirow Allow Naga Samata-bixi Siyaasiga iyo Suldaanka Suudhka U gashaday Saadaalinta Colaad Sokeeye !!!

“Uf qabiilka anaa leh
wuxuunbaa ku adeegta
nin iskii kartidiisa
isagoon cid ku tiirsan
isku taagi kareynin
una haysta ateero
ayaantuu dambi geystana
laga hoos galo eeda........................................

-Ayid waad is xigtaaniyo
idinkaa isku reer iyo
aqligii lixdankii
maanta iib geli maayo

-sidaan aaminsanahayna
abkuu doono ha sheegtee
wuxuunbaa ehel ii ah
dadka kaan af aqaano
ee si wax iila arkaaya
ee ina midayso ujeedo

-waxaan laysku ogeyn
ninkii hoos ka unkaama
aftideyda ma haystoo
ansax maaha wixiisu”
…………….. Abwaan Gaariye 1993-Hargeysa (Ergo)

Somaliland tarikhdeeda guud ee kasoo kabashadii dagaladii go’ni isu taaga ee socoday sanadadii 1988-1991kii kadib iyo guddo galkii kuwo sokeeye oo horle ilaa 1993 kadib, Waxaa intaas ka dib u istaagay odayaal iyo sulaadiin dhaqan xambaarsan oo dan iyo lehejecelo weyn ka qaba umadooda hore ugu soo waxyeelowday taliskii siyaad bare. Wakhtigaas intii ka dambeysay waxaa dhacaayey shirar iyo kulamo isdaba joog ahaa oo lugu qabanaayey tulooyin iyo magaalooyin kala duwan si is dhex galka iyo nabadaynta bulshada looga shaqeeyo, ilaa lasoo gaadhay 1988 kii oo guutadii hubaysnayd ee ciidankii sancaawi oo hor kacaayo suldaankii ciidan beleedkaas suldaan Maxamed ay ku dhawaqeen wareejinta Hubkii ugu horeeyey ee ciidan beeleed Somaliland ka tirsani wareejiyaan si ay nabada iyo horumarka dhismaha uga qayb qataan, halka intii kale beeluhuna hubkoodii iyo ciidankoodii gacanta ka saareen madaxweynihii wakhtigaas Madaxweyne cigaal, dhacdadaasna loogu magac daray “Maalintii Hub dhigista Iyo Aasaaska Ciidanka Qaranka”.

Tarikhahaas kadib nabad iyo horumar ayaa dalka gees kasta ka bilaabmay, ilaa dadkii noqodeen kuwo walaalo ah, is caawiya, wax is tara; siyaasadii dalkuna waxay isku bedeshay mid si tartan iyo cadaalad ah loo doorto dawlada markaas xilka qabanaysa, ilaa lasoo gaadhay heerkii ugu wanaagsanaa oo dadka wax indho indheeyaa ku tilmaameen in Somaliland ay ugu wanaagsanayd 27kii July 2010kii, malintaas oo Madaxweynihii hore ee Daahir riyaale kaahin ka sheegay madashii xil wareejinta hadalo runtii qiiro muwaadinimo xabaarsan oo ah “Axmed waxaan leeyahay Maanta dal dhisan, oo nabad ah oo wada jira oo isku xidhan oo dadkiisu wada jogaan inuu la wareegaayo waa mahad illahay” .

Haddaba Maxaa xigay ee dhacay intii u dhaxaysay Maalintaas Madaxweyne daahir riyaale xilka wareejiyey iyo maalinkan manta ah ee aad akhriyeyso qoraalka, Runtii waad xasuusan kartaa isbedelo badan ayaa dhacay horumaro ayaa dhacay laakiin midda nusqaanta iyo Ayatiin xumadda ku ah bulshadan ayaa ah in ay dadku maalinba maalintii ka dambeysay dib ugu noqodaan wixii 1993 abwaan gaariye Rabi ha u naxaristee ka tiriyey Maansadii Ergo, Runtii waxaan xasuustaa coladihii ka oogmay gobolka Sool, sidoo kale Maleshiyaadkii suldaan wabar ee Gobolka Awdal, Waxaa Maankayga iyo Maskaxdayda kusoo deg degta Tixda ku jirta Maansadda Ergo ee odhanaysa “Dharaar baa imandoonta
Dadka sool iyo awdal
Ee aadano aad hagrateen
Racdadoodu adkaatoo
Lugu raadsho ilays….”.

Sidoo kale is xaaladaha is bebedelayaa way gaadheen kuwo furfura bulshadii isku duubnida iyo walaaltinimadu ka dhaxaysey, Waxay noqotay in dadkii reer reer isku urursadeen, dhalinyyartii noqodeen kuwo kala yeesha goobaha fadhiga ee lugu caweeyo sidoo kale waxbarashadii noqoto mid kaftankii dhoole ka qosolka ahaa isku bedelo xin iyo mixnad miidhan.

Dorashadii golaha degaanka ee Somaliland ka qabsoontay Dec-2012 ka ayaa dadka caqliga lihi ku tilmaamaan in ay kow ka ahayd dib u nolayntii qabyaaladda, iyo dib u furfurka bulshadii sida dunta iskugu soohnayd. Waayo tani waxay sabab u noqotay in reer kasta oo dega Somaliland sameysto urur siyaasadeed, isla markaana inta baddan siyaasiyiinta iyo suldaamada qaar oo ah kuwa bud-dhiga u ah qoraalkan ay dadka gaar ahaan dumarka iyo caruurta ugu baaqayeen qabyaalad iyo ina hebel cod sii, reer hebel yey soo bixin iyo reer hebel baa hadhay!!! ilaa markii dambe ururadii soo baxayna noqdeen kuwo reero iyo qabiilo ku abtirsadda, intii hadhayna noqodeen qabiilo siyaaasadda ka hadhay, ilaa manta waxaa jira in si qabyaladaysan oo qaawan dibada losoo dhigay wixii la odhan jiray qabiil, waxaa jira Siyaasi iyo suldaan marka uu shir la gelaayo reerkooda hal-hays ka dhiganaaya reer hebel aynu iska eegno, Wasiir hebel wuxuu kasoo jeedaa reer hebel oo waa reerka hawshan oo dhan ka dambeeye!!
Ilaa manta ay gaadhay in dhulka iyo degaanadda oo aan hore loo kala xadayn jirin dadkuna is dhex degi jireen lakala ooto ama sumad cas lakala marsaddo, Runtii waxaan xasuustaa tix ku jirtay Maansadda Ergo ee abwaan gaariye oo odhanaysa “ Dharaar baa iman doonta, Imaaraadka Sidooda, Ninba aag ku ga’doomo”.

Hadaba Sidee Inta hadhay loo badbaadin karaa:-
“Hadii aan caqligu shaqaynin, hadii aan laga bixin aduunka iyo lacagta keenaysa calooshii la ciyaarnimada, Hadii aan la iska dayn siyaasiga beenalaha ah ee garabka la saarayo, hadii aan la iska dhaafin Aaminaadda Suldaanka suudhka loogu xidhay saadaasha colaadaha sokeeye, Hadii aan aqoonyahanku talin, Hadii aan qaranka laga saarin qabiil, Hadii aan laga dayn abtirsiga masuulka xilka haya, hadii aan saxaafadda mixnada wadda la cabudhin !!!!!!!!!! Walee Qaran ba’ayow yaa ku leh, Waxaa lugu noqon doonaa meel ka fog 1993kii iyo sidoo kale meel ka fog 1960kii Waxaana diwaanka lugu qori doonaa taariikh cusub iyo beri bay dal ictiraaf doon ah ahaan jireen”


Wa-bilaahi Tawfiiq
Mr.Hamse Bashe Wiyeer (H.Shaadhey)
Tell: 252-63 4457401

Hargeysa/Somaliland

Post a Comment

0 Comments