Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Doorka Maxamed Ibrahim (Qabyo-tire) Uu Ka Qaatay Taageerida Dadka Danyarta ah Ee G/togdheer Q11aad, W/q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer-yare


Qormadeenan Maanta waxaan kusoo qaadan doonaa laba kamid ah waxqabadyadii todobaadkii tegay taariikhda u galay Gudoomiye Maxamed Ibraahim Qabyo-tire. Iyaga oo inta badan bulshada wanaaga iyo horumarka jecel ee Somaliland gaar ahaan muwadiniinta gobolka Togdheer ay amaan iyo mahadnaq joogto ah u jeedinayaan gudoomiye Maxamed Qabyo-tire ayaa inta badan labadii todobaad.


Doorka Maxamed Ibrahim (Qabyo-tire) Uu Ka Qaatay Taageerida Dadka Danyarta ah Ee G/togdheer
Q.11aad Ee Buuga “Maxamed Ibrahim Qabyo-tire Hogaamiyihii Midinimada iyo Horumarka Togdheer”
W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Qormadeenan Maanta waxaan kusoo qaadan doonaa laba kamid ah waxqabadyadii todobaadkii tegay taariikhda u galay Gudoomiye Maxamed Ibraahim Qabyo-tire. Iyaga oo inta badan bulshada wanaaga iyo horumarka jecel ee Somaliland gaar ahaan muwadiniinta gobolka Togdheer ay amaan iyo mahadnaq joogto ah u jeedinayaan gudoomiye Maxamed Qabyo-tire ayaa inta badan labadii todobaad ee ugu dambeeyey si gaar ah u muuqday sida xilkasnimadda leh ee Badhasaabku ugu gurmaday bulsho danyar ah oo kunool gudaha iyo daafaha magaalada Burco, sida kuwo laga raray meelo kala duwan oo magaalada gudaheeda ah iyo qoysas ay waxyeelo gaadhsiisay abaar baahsan oo ka jirta gobolka iyo gobolada bari ee dalka.

1.Deeq raashin qaybin ah: Waxaa todobaadkii ina dhaafay Badhasaabka oo hor kacaaya Ha’yada wadaniga ah ee al-huday ay deeq raashin ah u qaybiyeen in ka badan 55 qoys oo dhawaan laga raray laba goobood oo kala ah qoysas deganaa goobtii lagaga dhawaaqay  Somalliland 1991 kadib markii ay mar labaad dib u soo celiyeen ciidankii xornimo doonka ahaa Ee SNM xoriyadii geyiga Somaliland ee luntay 1960kii, iyo goob in badan uu khilaaf kataagnaa ilaa uu gaadhay dil, taas oo mudooyinkii ugu dambeeyey maamulka heer gobol oo kaashanaya cuqaasha iyo waxgaradka labada dhinac ay xal kama dambeys ah ka gaadheen, duco iyo is afgarashana isku nabadgeliyeen labadii qoys ee khilaafku ka dhexeeyey.

Qoysaskan danyarta ah oo hore wakiilka madaxtooyada ahna Gudoomiyaha gobolku Mr.Qabyo-tire uu u dejiyey dhul ay degaan si looga ilaaliyo dayaca iyo darxumada soogaadhi kara qoysaskaas maadaama oo ay yihiin muwadiniin xaq iyo xuquuq u leh in ay helaan meel ay kunoolaadaan, kuna baahi baxaan sida qoysaska kale ee Somaliland ku dhaqan ayaa 15kii-aktoobar gudoomiyaha iyo wefti ka socoda Al-huda oo qayb weyn ka ah u gargaarida dadka danyarta ahi ay deeq raashin ah ugu qaybiyeen iyaga oo u dhamaystiray inta badan raashinka daruuriga ah sida Bariis, Baasto,Daqiiq, Sonkor, Iyo Saliid.

Gudoomiye Maxamed Ibraahim Qabyo-tire oo sabab u ahaa in Qoysaskan danyarta ah la caawiyo ka dib codsi uu u gudbiyey Hayadaha dalka ka hawl-gala ayaa isaga oo ka hadlaaya goobtii raashinka ku gudoonsiinayeen qoysaska u mahad celiyey hayada Al-huda iyo qoysaskan deeqda la gudoonsiyey labadaba waxaana hadaladiisii ka mid ahaa sidan “ Aad iyo aad ayey u mahadsanyihiin Ha’yada Al-huda oo naga aqbashay codsi aanu u gudbinay, maaha markii u horeysay ee ay na ajiibaan, qoysaskani waa dadkii aanu kasoo rarnay labadaas meelood, si dhego nugul ayeyna nooga aqbaleen raridaas, si aanu ugu abaal gudno qoysaskaan aynu deeqdan raashinka ahna ugu qaybinay aniga ayaa u gudbiyey Al-huda deeqdaas illahayna haka ajar siiyo sida fiican ee ay noo aqbaleen”. Ugu dambeyntiina qoysaska oo aad ugu faraxsan ayaa mahadnaq u diray Badhasaab qabyo-tire sida daacadnimadda leh ee uu bulshadiisa uga war hayo.

2. Deeq Foostooyinka Biyaha lugu shubto: Inaka oo weli ku gudo jirna deeqihii kala duwanaa ee Gudomiye Maxamed Qabyo-tire gaadhsiiyey Qoysaskii danyarta ahaa, ayuu isla todobaadkii ina dhaafay wuxuu deeq foostooyin iyo weelka biyaha ah oo tiro ahaan dhan 42 foosto uu gudoonsiiyey isla Qoysaskii laga raray Gurigii Somaliland lagaga dhawaaqay, deeqdan oo uu gudoomiyuhu kadib codsi uu u diray Hayada CCBRS uu ka helay weel-biyoodkan. Hooyo ka mid ah Qoysaskii la gudoonsiiyey weel-biyoodka ayaa aad ugu mahadcelisay Hayada CCBRS iyo Gudoomiyahe Mr.Qabyo-tire, halka gebogebadii uu gudoomiyuhu u mahadceliyey Hayadda iyo cidkasta oo ka aqbasha codsigiisa uu ku caawinaayo dadka danyarta ah ee Gobolka.
Hadaba akhriste qormadeenan maantu waxay si weyn inoo tusaysaa sida hawlkarnimada, daacadnimada iyo hufnaanta leh ee Gudoomiyuhu ugu gurmanaayo dadkiisa tabaalaysan ee kunool gudaha iyo daafaha gobolka Togdheer, taas oo ah shay kudayasho muddan.

La soco Q12aad ee Buuga “Maxamed Ibraahim Qabyo-tire, Hogaamiyii Horumarka iyo Midnimada Gobolka Togdheer” W/q: Mr. Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer Ama Bookho barta Internetka Ee Qoraaga www.wiyeeryare.blogspot.com




Post a Comment

0 Comments