Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Isku-shaandheynta kadib, Hal baan tabanayaa muddan madaxweyn !!! W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer yare)

Sida caqliga fayow iyo Quluubta saalixa ahi tilmaamayaan waxaan dareemi karnaa in mar kasta oo isbedelka iyo isku dhalan gediska Mas’uuliyiintu uu badto waxqabadka iyo Hanaan socodka Horumarineed ee Dalka iyo shacabku u baahanyihiina uu dib dhacaayo, Bal malla awaal Marka mas’uul xil hayey isga oo Hawl maalmeedkiisii ku jira isla markaana, qorshaystay in uu qabto hawlahau yaala, samaystay shax sida uu shaqadiisa ugu kala muddan yihiin, Laga soo dul tuuro warqad Habeenimadkii Uu Maddaxweynuhu farsameeyey

Isku-shaandheynta kadib, Hal baan tabanayaa muddan madaxweyn !!! W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer yare)

“Maqaal(Article)  kasta oo aan qoraa wax uu ka turjumayaa xaalada dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun buunin ama beeni ku jirto, isla markaana maaha mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa”

Sida aan ka warqabno waxaa muddo kayar 24 sacadood laga joogaa isku-shaandheyn Madaxweyn siilaanyo sameeyey isku bedel, magacaabis iyo shaqo ka eryid qaar kamid ah xubnaha sarsare ee Dalka, hadaba dib iskugu shaandhayntan oo noqonaysa tii tobnaad ee Intii uu xilka hayey Madaxweyn Siilaanyo uu sameeyey ayaa hal hayskeedu waxay uu ahaa “Sunaha Dawladnimo Waxaa ku jira In Markasta oo isbedel yimaado wasiiro cusub iyo guddi cusub lugu soo darro dawlada Haddaba ma ogtahay muwaadin in Mas’uul kasta oo xil qabtaa ka fikiraayo Goorta Madaxweyne Siilaanyo Xilka ka qaadi doono, Sidoo kale ma ogtahay in Mas’uul kasta oo Oo ku soo biira xilka xukumadu uu yahay mid cusub oo U baahan wakhti iyo kharash uu kula qabsaddo maamulka dalka ka jiray iyo sida uu uga shaqayn lahaa goobtaas xilkeeda lugu wareejiyey.

Sida caqliga fayow iyo Quluubta saalixa ahi tilmaamayaan waxaan dareemi karnaa in mar kasta oo isbedelka iyo isku dhalan gediska Mas’uuliyiintu uu badto waxqabadka iyo Hanaan socodka Horumarineed ee Dalka iyo shacabku u baahanyihiina uu dib dhacaayo, Bal malla awaal Marka mas’uul xil hayey isga oo Hawl maalmeedkiisii ku jira isla markaana, qorshaystay in uu qabto hawlaha u yaala, samaystay shax sida uu shaqadiisa ugu kala muddan yihiin, Laga soo dul tuuro warqad Habeenimadkii Uu Maddaxweynuhu farsameeyey, Waxaa Halkaas ka imanaaya dib u dhac iyo in shaqadii qorsho la’aani ku dhacado, Halka mas’uulka la keenayna Isaga naf ahaantiisu ay ku qaadanayso la qabsashada goobta la keenay iyo shaqaalaha jooga, isla markaana qorshayaashii u yaalay Mas’uulkii hore waxaa dhici karta in uu laa’aalo oo kuwo kale oo fikirkiisa ah keeno, isla markaana ay jahwareer ku noqoto Dalkii iyo dadkii.
Mida kale ee runtii muddan in la taabto waa Xaga Xil kaqaadistan joogtada ah ee Dalka ka dhacaday , Isla markaana aynu odhan karno mas’uul kasta oo xil ka qabta xukumadu waxaa uu ka fikirayaa, goorta ama Habeenka Madaxweyne siilaanyo xilka ka qaadi doono, isla markaan tani waa mid ku kelifaysa madaama oo aynaan lahay Hanti dhawor adag oo daba gal ku sameeya Mas’uuliyiinta xilka haysa, Isla markaana ayna jirin goole baarlamaan oo si sharci ah ula xisaabtama Mas’uuliyiintan in Hantidii iyo Maalkii bulshada shacabka ah ee Danyarta ahi Ku dhacado jeeb khaldan oo ah ka faaidaysi inta xilka uu hayo Kolley Berri waa laga qaadi doonaaye
Hadaba Su’aasha is weydiinta mudan ayaa waxay tahay Maxaa ku tallo gal ah oo shacabka udan ah, Misana Hadii sidan ay ku sii socoto oo xukumad kastaa sanad walba wasiirada iyo masuuliyiinta bedelaan Dalkan rajadiisa horumarineed maxay noqon kartaa?  Taasi runtii waa mid dhabar jab ku noqon doonta horumarka dalka
Mr-Hamse Bashe (Wiyeer yare)

Hargeysa

Post a Comment

0 Comments