Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Wax-kabaro Taariikh nololeedka Sheekh Cabdiraxmaan Al-Sudaysi

Waxaynu qaybta barmaamujkeenan Daraasaadka dunida kusoo qaadan doonaa qayb kamid ah taariikhda sheekh cabdiraxmaan binu-cabdicasiis alsudays, sheekh cabdiraxmaan binu-cabdicasiis
oo lugu naanayso sheekh sudaysi waa madax ugu sareeya arimaha masjidka xarmaka iyo masjidka nabiga NNKH, waana iimaamka masjidka xaramka ee maka kuyaala wuxuu qabiil ahaan kasoo jeedaa qabiilka carbeed ee “Cansa binu-rabiica” wuxuu ku dhashay tuulada “Bukayriya” sanadkii 1382-hijiriyada –waa iimaamka aana khadiibka xaramka, waana mid kamida ah kuwa ugu caansan culimada qur’aanka akhrida, wuxuu dhameeyey qur’aanka isagoo da’adiisku ka yartahay 12 sano, sanadkii 1979 ayuu dhameeyey cilmiga xisaabta, isla sanadkii 1983kii ayuu dhameeyey jaamacada wuxuuna ka bartay shareecada islaamka, sanadkii 1995kii ayuu gaadhay darajada PHD, wuxuuna ku qaatay shareecada islaamka jaamacada “Umul-quraa” ee sucuudiga ku taala, intaas kadib wuxuu qabtay dhawr xil oo kaladuwan, waxaana ugu caansanaa in laga dhigo Iimaaka iyo khadiibka masjidka Xaramka, amar kasoo baxay boqortooyada sucuudiga sanadkii 1404-tii hijirada ayuu xilkaasi kula wareegay, khudbadiisii ugu horeysay wuxuu galay isla sanadkii 1404-tii hijirada bishii shabcaan salaad casar kadib, wuxuu ku barbaaray sheekh cabdiraxmaan al-sudaysi magaalada Riyaad ee dalka sucuudiga, wuxuuna dhigan jiray madarsada “Musana-bin-xaarisa”, sheekh cabdiraxmaan alsudaysi wuxuu qaaatay abaalmarino badan oo caalami ah waxaana kamid ahaa abaal-marinta ay dawlada sucuudigu bixiso luguna bixiyo Dubia ee lasiiyo culimada qur’aanka kariimka akhrida.


Hamse Bashe Wiyeer-yare

Post a Comment

0 Comments