Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Adigu Maxaad Weli Keli U Tahay? Q.23aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Wixii aan la hureyn horaa loo-yeelaaye, gayaanka guurdoonka ah iyo gashaatimaha maanta joogaa waxay inbadan ka gaabiyeen dhaqankii suubanaa ee guurka iyo guursashada, taas oo ay sababo badan u daliishadaan dib u dhaca iyo yaraanshaha ku dhaca qoysaskii soomaaliyeed ee la yagleeli lahaa. Dhinacyo badan markii laga eegay, cilmi baadhayaal mudo badan bulshada ku dhex jiray  waxa ay aaminsan yihiin sababaha dhalinyaro badan oo maanta joogta ku keena guur la’aanta in ay ka mid tahay...............................................................Sii Akhri



Qodobada ugu muhiimsan ee hortaagan guurka dhalinyarada maanta (Wakhtiggan)  Q.23aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)
Wixii aan la hureyn horaa loo-yeelaaye, gayaanka guurdoonka ah iyo gashaatimaha maanta joogaa waxay inbadan ka gaabiyeen dhaqankii suubanaa ee guurka iyo guursashada, taas oo ay sababo badan u daliishadaan dib u dhaca iyo yaraanshaha ku dhaca qoysaskii soomaaliyeed ee la yagleeli lahaa. Dhinacyo badan markii laga eegay, cilmi baadhayaal mudo badan bulshada ku dhex jiray  waxa ay aaminsan yihiin sababaha dhalinyaro badan oo maanta joogta ku keena guur la’aanta in ay ka mid tahay:

Baqasho dhalinyarta haysata: cabsi ay ka qabaan xidhiidhka guur ee ay la yeelanayaan qofka ay nolosha la wadaagi lahaayeen, waxaa in badan dhacda dhalinyaro wiilal u badan oo aan ku dhac u lahayn in xidhiidhka haasaawe ee ay gabadha la wadaagaan ay u beddelaan guur, waana sababta keenta in marar badan marka uu haasaawuhu dheeraado ay inantu ka shakido daacadnimada ninka,  sheekadana ay dib uga gurato ama iyada oo isaga xidhiidhkii la sii wadda ay si kedis ah nin kale isaga guursato.

Masuuliyada guurka oo aanay dhalintu aqoon u lahayn: Halka hadii qofku marka uu yar yahay ama xilliga uu madaxa la soo kacayo aan lagu tababarin masuuliyad qaadista waxaa in badan dhacda in marka uu weynaado uu ka baqo guud ahaanba qaadista masuuliyadda, guurkuna waxa uu ka mid noqdaa masuuliyadahaas uu ka dhaco hanashada masuuliyadiisa, iyo iyada oo ay adagtahay sidii ay isku helilahaayeen dhalinyarada rag iyo dumarba uu guurku ka dhabyahay oo aanay aqoon isku lahayn.

Dhaqaalaha Guurka: Awooda dhaqaale ee dhalinyarada guurdoonka ah oo kooban iyo aroosyada Soomaalida oo aad qaali u ah,marka lagu daro meherka.

Is-dhexgalka iyo dhaqamada xun-xun: Dhaqan xumada iyo is dhex galka ragga iyo dumarka oo dunida si aad ah ugu faafay, waxaa wiilka iyo gabadha mid kastaa uu si fudud (sahlan) ku gaadhayaa baahiyo badan ee rabi ku abuuray ee dhamaystirka dhanka jinsiga oo la’aantoodu guurka ku dhiirri gelin lahayd.

Waalidka: Waalidiinta oo aan dhalinyarada u diyaarin sidii ay u qaadi lahaayeen masuuliyada qoyska gaar ahaan wiilasha, halka waalidiinta qaar ka mid ahi dhalinyarada kula talinayaa in ay waxbarashada dhameystaan ka dib ay guursadaan,ama dhalinyaraduba ku tashato.

Kala-Shaki labada qof:  Kala shakiga labada qof gaar ahaan Shakiga oo ragga ku badani waxa uu ka mid yahay caqabadaha guurka hor istaaga, gaar ahaan marka uu ninku hore ugu soo fashilmay xidhiidh hore oo haasaawe ama tijaabo jacayl oo hore oo aan farxad lahayn uu soo maray, waxaa ku beerma shaki uu ka qaadayo in dumarku dhammaan ka siman yihiin dabeecadaha uu uga soo bartay gabadhii hore ee sababta u noqotay burburka jacaylkisaa hore, arrintanina waxa ay ku beertaa cabsi uu ka qaado guurka.

Xoriyada qofku haysto: Xorriyad jacaylku waa dabeecad Rabbaani ah oo Alle ku beeray ragga, wax kasta oo ay u arkaan in xorriyaddooda ay ku waayayaanna kuma degdegaan. Haddaba waxaa jira rag badan oo ay iskaga beeran tahay cabsi ah in guurku uu yahay xabsi ay ku waayayaan xoriyado badan oo hadda ay haystaan oo ay ka mid tahay socodka iyo cawayska iyo weliba isticmaalka kharashka, arrintaasina waxa ay ku beertaa in ay ku dhiirran waayaan inay haasaawahooda guur u beddelaan.

Fashilaad: Dadku waxa ay u badan yihiin in aanay jeclayn fashilaadda, sidaa awgeed waxa ay neceb yihiin is beddelka iyo shay kasta oo ku cusub, iyaga oo keliya ka cabsi qaba in ay ku fashilmaan, haddaba dadka noocan ah waxaa ku adag guurka oo ay u arkaan is beddel aanay saadaalin karin waxa kaga soo baxaya, kana baqaaya in ay ku fashilmaan dhinac kasta oo reerka kamid ah.
Kalsooni darada: kalsooni darradu waxa ay qofka ka qaaddaa ku dhaca iyo doorashada dookha, waana sababta dad badani ay ugu kalsoonaan waayaan waxa ay doortaan ama ay ugu dhex dawakhaan waxa in ay kala doortaan loo soo bandhigo, rag iyo dumar badan wax yaabaha guurka ka hor istaaga waxaa ka mid ah iyaga oo dookhooda ku kalsoonaan waaya oo mar kasta ka fikira in qofkan mid ka fiican ay heli karaan ama in aanu ahayn dookhii ugu mudnaa ee ay u baahnaayeen.

Xidhiidho badan iyo aaladaha lugu hasaawo: Noloshan hadda ee dhalinyarada Soomaaliyeed oo leh xidhiidho badan taas oo ay qayb ka yihiin isticmaalka aaladaha bulshadu ku kulanto oo dhalinyarada maantu aad ugu wada sheekaystaan.

Guurkii hore ee aan lugu guulaysan: Burburka,buuqa iyo wada dhaqan xumada qoysaskii hore oo dhalinyada ku abuura baqdin iyo walaac xagga guurka ah.

Haybta iyo qabiilka: Yaa tahay, yuu yahay reer hebel isma guursano,oo dhalinyaro badani ku guurseegeen.welina socota.

Shuruud qofka lugu xidho: Shuruudaha oo dhalinyarada laftoodu isku adkeeyaan sida gabar ama wiil 100% ah Iyo waliba gabdhaha wax bartay oo kabadan wiilasha taasoo sababta inay gabadhiiba raadiso nin kasareeya ama la mid ah!.

Dhaqamada reer-yurub: Dhaqamada waddammadan aynu nimi laga dhaxlay oo ah in dhalinyaradoodu ku guur sadaan ilaa 30 jir.


LASOCO QAYBTA XIGTA

Tix-raac: Qoraal iyo warbixino hore looga qoray mawduucan
La soco Q24aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
Ama Bookho barta Internetka Ee Qoraaga www.wiyeeryare.blogspot.com


Post a Comment

0 Comments