Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Xogaha Qarsoon Ee Dagaalkii 1977kii Soomaliya Iyo Itoobiya Dhex Maray


Dagaalkii xoraynta somali galbeed wuxuu ahaa dagaal dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ujeedooyinkii dhaliyey ay ahaayeen khilaafaad ka taagnaa gobolka Somali galbeed ee Itoobiya ama soomalidu utaqaan Ogaadeeniya.

Dagaalkani waxa uu dhacay kadib markii ay fashilmeen wada hadaladii siyaasadeed ee ku aadanaa goboladda somalidu degto ee itoobiya, ciidamada somaliya ayaa dagaal ku qaaday itoobiya, isla todobaadkii ugu horeeyey waxaa ciidamada soomaliya usuurto gashay in ay gacanta ku dhigaan badhtamaha iyo koonfurta gobolka soomali galbeed, intii dagaalku socoday waxay ciidamada somaliya mara marka kadambeysa kasoo hoynayeen guulo balaadhan, waxay ciidamada somaliya riixeen oo ay dabada kaga jireen ciidamada itoobiya ilaa laga gaadhsiiyey deegaanka siidhamo, markii lagaadhay September sanadkii 1977kii ciidamada somaaliya waxay gacanta ku dhigeen dhamaan gobolka soomaali galbeed, waxa kale oo ay qabsadeen goobo iyo magaalooyin kale oo muhiim ah oo kabaxasan gobolka Somali galbeed, kadib markii ciidamada somaliya ay godoon geliyeen magaalada Herer , waxaa dagaalka soogalay oo itoobiya lasoo saftay wadankii la odhan jiray midowgii sofiyatii, midowgii soofiyti waxa uu taakulo dhan kasta ah siiyey ciidamada iyo dawlada Itoobiya, wax kale oo sofiyatigu ugu deeqay itoobiya in kabadan 18,000 (sideed iyo toban kun) oo askari, oo kayim Kuuba, taas oo keentay in ciidamada somaliya dib losoo jebiyo, luguna qasbay in ay ka baxaan gobolka Ogaadeeniya. Ciidankii xooga dalka Soommaliya waxa uu ahaa 35,000 (shan iyo sodon kun) oo askari, 23 guuto oo infanteri ah, 9 guuto oo taangiyadda ah iyo 9 guuto oo madaafiicda ah, 4 guuto oo ciidamda cirka ah, ciidamadii cirka guud ahaan diyaaradaha somaliya waxay ahaayeen 52 diyaradood, 24 kamid ah diyaraduhu waxay ahaayeen nooca looyaqaano miig 21S, Dhanka kale waxyaabaha guulaha u horseeday somaliya waxa kamid ahaa in ciidamada Somaliya ay aad iyo aad u akhlaaq iyo anshax fiicnaayeen iyo tababarkooda oo aad u sareeyey, galab ku filan ayey haysteen sidoo kale waxay ciidanku aad uga dhisnaayeen dhinaca guutooyinka madaafiicda, madaafiicduna waxay ahayd hubka ugu muhiimsan ee ay wax ku weeraraan, quwaddaha kale ee somaliya waxa kammid ahaa ciidamadii kamaan-dowska ahaa ee bidh-gaytka kuwaas oo loo tababaray qaab aanay cidina hor istaagi Karin,  Laakiin waxaa jira meelo ay daciif ka ahaayeen ciidamada somaliya, waxaa kamid ah in ay aad uga yaraayeen dhanka tiradda ciidamadii kale ee isasoo bahaystay ee kasoo horjeeday, halka askari ee soomaliga ahi wuxuu kusoo beegmayey 13 askari oo itoobiyaan ah, midawgii soofiyeeti oo in badan xidhiidh la lahaa dawlada somaliya, soona tabaray saraakiil badan oo somaliya,  xiligan wuu kasoo horjeestay soomaliya, wuxuuna yaqaanayey xeeladaha ciidanka soomaaliya iyo meelaha ay ka daciifsanyihiin,  waxaana dhib ku noqotay ciidamadii soomaliya in ay hagaajiyaan qalabka iyo aaladdaha dagaalka ee ciladooba maadaama wadankii sameeyey ee ruushka ahaa ay is hayaan, qoriga rasaastiisu go’do iyo wixii xumaadda halkaas ayaa lagaga tegaayey, loomana helayn wax lugu hagaajiyo, dagaalkan soomaliya cid la socotay ama gashaanbuur la ahayd ma’aanay jirin, Maraykanka oo dawlada Somaliya ay islahayd xulafo ka dhigtana waxa uu ku jawaabay in Somaliya aanay xaq u lahayn in ay weerarto Itoobiya, dawladihii kale ee islahaa soomaliya garab istaga waxay ka cabsadeen Maraykanka ama Ruushka, waxayna go’aansadeen in ay iska aamusaan.

 Hogaamiyayaasha Ciidanka Somalidu waxay kala ahaayeen Taliyaha guud ee ciidanka Xooga dalka soomaliya, Jen Maxamed Siyaad Bare,  Abaanduullaha Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Jen Cumar xaaji masaale, Xeeladaha iyo qorshaynta ciidanka Jen Maxamed cali Samatar, Taliyaha ciidamka cirka Jen Cali mataan xaashi.

Dawladihii ka qayb galay Midowagii Soofiyatiga waxaa kamid ahaa Kuuba Iyo Yamanta Koonfureed, Dhimashada labada dhinac soo kala gaadhay,  waxa Itoobiya laga dilay 17,000 oo askari, waxaana laga dhaawacay 25,000 oo askari, waxaana maxbuus ahaan somaliya u qabatay inkabadan 6,000 oo maxbuus, guud ahaan kudhawaad 50,000 oo askari ayaa noqoday wax ladilay iyo wax maxbuus ahaan loo kaxaystay, Dhinaca kale ciidanka Somalilya wax ka geeriyooday 5,000 askari, waxaana lugu dhaawacay 2,400 askari, maxbuus ahaana waxa loga qabsaday wax kayar 200 askari, dhinaca kale gashaan buurta itoobiya lasoo saftay waxa laga dilay boqolaal askari, Dalka Kuuba waxa laga dilay 100 askari, Yamenta konfureedna 106 askari, midowgii sofiyati oo gurmad ahaana waxa laga dilay 35 askari.


@Wiyeer-yare - Hamse Bashe

Post a Comment

0 Comments