Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Xogta Siyaasiyiinta Ugu Hantida Badan Caalamka Iyo Xadigga Hantidooda (Q2aad) W/q: Hamse Wiyeer-yare


Waxa inoo socoday taxanihii xogta Siyaasiyiinta ugu hantida badan caalamka iyo xadigga hantida ay haystaan, qaybtii hore waxaan kusoo qaadaney shantii ugu siyaasi ee ugu horeeyey kuwaas oo kala ahaa: Vladimir Putin – Madaxweynaha Ruushka, Boqor
Bhumibol Adulyadej - boqorkan Thailand, Suldaan Haji Hassanal – m/gobolka Brueni iyo Khalifa Bin Zayed Al Nahyan – Boqorka Iskutaga Imaraadka.
Hadaba qaybtan labaad waxaynu kusoo gabo-gabeynaynaa shantii kale ee inooga dhinay qormadaas hore.
6. Mohammed Bin Rashid Al Maktoum – (M/kuxigeenka UAE – $4 Bilyan

Mohammed bin Rashid Al Maktoum waa amiirka Dubai sidoo kale waa Raysal wasaaraha iyo Madaxweyne ku xigeenka Isku taga Imaraadka, isagoo xilalkan haye ilaa bishii January 2006-dii. Hantida Raysal-wasaarahan ayaa lugu qiyaasay kudhawaad 4 bilyan oo doolar, Amiirkan ayaa inta badan sheerer ku leh shirkada ugu waaweyn ee dalkaas,  halka uu dhaxalkiisa kuwada qoray 4 wiil oo uu dhalay iyo qaar kamid ah xaasaskiisa, sidoo kale waxa uu leeyahay 4 hablood oo ay qabaan qaar kamid ah sheekhyada ugu caansan dalkaasi. Sidoo kale waa siyaasiga leh dhismaha labaad ee aduunka ugu weyn.
7. Hans-Adam II – Siyaasi Jarmal ah – $4 Bilyan

Magaciisu waa wiilka boqor Liechtenstein, waxaanu liiska hore kaga jiraa kuwa ugu hantida badan dalkiisa, inta badan waxa uu ka helay hantidan qoyskooda oo ku caan ahaa farshaxanimadda, sidoo kale waa mulkiilaha Shirkada LGT Banking Group.
2004 ayey ahayd markii in badan oo kamid ah hantidiisa iyo awoodiisa maamul uu ku wareejiyey wiil uu dhalay oo la yidhaah Alois, Guud ahaan hantida qoyskiisa oo keliya ayaa lugu qiyaasay 7.6 bilyan, waana mid kamid ah qoysaska ugu hantida badan guud ahaan Yurub.


8. Hamad Bin Khalifa II (Amiirka Qatar) – $2.5 Bilyan

Tani waa ta ka dhigtay in dalka Qatar uu kamid noqodo wadamada ugu qanisan caalamka oo dhan, waxaana tusaale u ah Amiirka ama Madaxweynaha dalkaas oo lugu qiyaasay hantidiisa 2.5 bilyan oo doolar, Amiir Hamad Bin Khalifa ayaa xukumaayey Qatar ilaa 1995-kii, kadib markii uu dhaxlay aabihii oo geeriyooday, isla markaana waxa uu kasoo jeedaa qoys ku abtirsada madaxtinimadda.
Hamad bin khalifa ayaa ilaa markii uu aabihii noolaa waxa uu ahaa isha ugu weyn ee dhanka maaliyada ugu deeqa Shabakada Wararka ee Al-Jazeera, sidoo kale waxa uu maalgashadey inta badan kooxa kubada cagta, ilaa uu isku dayey in uu iibsado ilaa kooxaha Rangers FC iyo Manchester.
9. Mohammed VI (Boqorka Marooko) - $2.5 Bilyan

Mohammed VI, waxa uu lahaa halhay caan baxay oo odhanaaya  “Sida boqorka taajir u noqo”, taas oo uu isagu iska hadlaayey, boqor Mohamed VI waxa uu xilka boqortooyada dalka Marooko qabtay sanadkii 1999kii kadib markii aabihii uu geeriyooday. Hantidiisa waxaa boqorkan lugu qiyaasay ku dhawaad 2.5 bilyan oo doolar. Laakiin nasiib xumo shacabka uu u taliyaa uma farxsana sida uu isagu u yahay maamule bangi oo kale, in kastoo mudaharaado dalkaas ay ka dhaceen mudaharaado lagagasoo horjeedo musuq-maasuq iyo balamo uu ka baxay oo lugu eedeeynaayey mudo badan, waxa uu balan-qaaday in aanu noqon doonin boqorka mustaqbalka oo uu iska wareejin doono xilka uu umadda u hayo.
Boqorkan ayaa inta badan hantidiisa waxaa ka mid ah shirkad uu shuraako kuleeyahay oo la yidhaah ONA Group, sidoo kale waxa uu leeyahay inta badan shirkada macdanaha qodoa iyo kuwa suuqa u iibgeeya.
10. Sebastian Pinera (Madaxweynaha Chile ) - $2.4 bilyan

Waa madaxweyn sida la rumeysan yahay xukuma wadan layaab badan, Sebastian Pinera oo ah madaxweyna Chile waxaa lugu qiyaasay hantida uu leeyahay ku dhawaad 2.4 bilyan oo doolar.
Waa mulkiilaha tilifiishan gaar uu u leeyahay oo la yidhaah Chile-vision, xarunta warbaahineed ee uu leeyahay ayaa loo sababeeyey guushiisii doorashadii 2010kii oo uu Sebastian ku guuleystay qalabiyad aad u badan. Sidoo kale waa mulkiilaha koox caan ah oo dhanka kubada cagta ah oo la yidhaah Colo-Colo, sidoo kale madaxweynahani waxa uu gacanta ku hayaa guud ahaan kaadhadhka lacaga ee dalkaas laga isticmaalo taas oo la aaminsanyahay in hantidiisa ay ka mid tahay, sidoo kale 27% waxa uu leeyahay shirkada diyaaradaha ee LAN Airlines, shirkadan oo uu saami kulahaa ilaa 1994kii.




FG. Dhawaan si taxanne ah ula soco qormooyin kale oo xasaasi ah, kuwaas oo ku saabsan Siyaasadda iyo Siyaasiga aduun weynahan aynu ku dhaqanahay, qormooyinkan oo aan ugu talo galay in aynu aqoon iyo waayo-aragnimo ka korodhsano aduun weynaha inugu xeeran”

Tixraac: Wikipedia Organization


Wabilahi tawfiiq.
Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa / Saxafi madax banaan
Hargeysa -Somaliland


Post a Comment

0 Comments