Hordhac: “Qormadan
kooban waxaynu ku falanqayn doonaa dhinacayo badana ka eegi doonaa Ha’yaddaha
Caalamiga ah ee dalkeena sida raxan-raxanta ah u imanaaya iyo waxqabadyada ay
ka geystaan gudaha dalkeena. Hadaba Ha’yadahani ma yihiin kuwo wax inoogu qabta
sida aynu u rabno, isla markaana ma yihiin kuwo inoo daneeya mise waa kuwo
danno gaar ah iyo ujeedooyin ay wataan u fuliya arimaha caawimadda ah ee ay
inoo qabtaan”.
Tiro kor u dhaafaysa boqolaal Ha’yaddood oo caalami ah oo
aan dawli ahayn (NGO), ayaa ka xafiisyo iyo xarumo ku leh gudaha caasimadda iyo
magaalooyinka kale ee waaweyn, Ha’yaddahani waxay inta badan barahooda
Internetka ku faafiyaan waxqabadyadda iyo deeqaha ay doonayaan in ay ka
geystaan hadba shaqadda quseysa ee ay lacagaha kusoo qaateen, Isla markaana waxay
isla barahoodda Internet-ka ku faafiyaan mashaariic ay sheegaan inta badan
boqolkiiba sagaashan (90%) in ay iyagu gacan ka geysteen oo ay ka hirgeliyeen
Magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka, isla markaana goob kasta oo wax-yar oo
ribad leeg ay ka fuliyaan, waxay ku dhejiyaan boodhadh, isla markaana waxay ku
faafiyaan Internet-ka iyo caalamka, iyaga oo tusaaya in horumar ka wadaan
gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Haddaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay, “Ha’yaddaha
Caalamigu miyey inoo daneeyaan mise way inagga daneystaan?”, laakiin inta
aanan idinla wadaagin cilmi baadhis aan si shakhsiyan ah u sameeyey, aan idin
xasuusiyo qodob muhiim ah oo la xidhiidha xogta iyo halka ay ka keenaan
lacagaha ay inta badan sheegaan in ay ku bixiyaan ama ku fuliyaan mashaariicda
Waddamada soo koraaya oo aynu ka mid nahay, kuwaas oo sheega in ay bulshada
ra’yidka ah iyo Dawlada ka caawiyaan.
Halkay Ka Helaan Lacagaha: Inta
badan Ha’yadaha Caalamiga ah (NGO), oo ay sida inoo sheegaan sumadoodu ama
astaan-toodu tahay “Kuwo aan faa’ido doon ahayn(Non-profit Oriented)”,
waxay inta badan lacaguhu kusoo galaan laba hab oo waaweyn :-
1.
Xafiisyada Arimaha
Dibada Ee Waddamada Horumaray: Ha’yadana inta badan deeqaha
iyo mashaariicada ka fuliya inta badan waddamada soo kor’aaya ee Afrika oo aynu
kamid nahay, waxay Xafiisyada arimaha dibadda ee waddamada horumaray u
gudbiyaan nuqulo ay ku sharaxayaan ujeedooyinka ay u samaysan yihiin iyo
hiigsiga ay rabaan in ay gaadhaan mustaqbalka dhaw, waxa ayna si kalsooni ku
jirto uga dhaadhicyaan ahmiyadahooda guud, halka ay xafiisyadaas arimaha dibada
ku qanciyaan in xafiiska laftiisa iyo wadankiisuba ay sumacad iyo taariikh u
noqon doonto hadii ay bixiyaan xadiga lacagta ah ee ay ka codsanayaan, iyagoo u
balan-qaadaya in xafiisyadaas arimaha dibada ay ugu noqon lahaayeen waddo ay u
adeegsadaan sidii ay u gaadhi la’ahaayeen dalka ay Ha’yadahani caawimada ka
geysanayaan waa hadii arimo muhiim ahi kasoo galaan wadankaas.
2.
Sadaqo Iyo Lacago
Lagasoo Uruuriyo Kiniisadaha Iyo Dadka Hantida Leh: Ha’yaddahan mashaariicada caawimadda ah ka
fuliya gudaha dalkeenu waxay sawiro iyo muuqaalo u gudbiyaan inta badan dadka
hantida leh iyo goobaha kiristaanku ku cibadeystaan ee Kiniisaddaha, sawirada
iyo muuqaalada ayey kusoo bandhigaan dad baahan, Afrikaan ah, misna gaajo,
abaaro, xanuuno iyo caqbado kae oo badani haystaan, taas waxaa tusaale la
taaban karo u aha Maal-qabeenka Bill Gate oo caawimadda dartii u furay Ha’yad
isaga hoos timaada oo la yidhaah “Bill & Melinda Gates Foundation” Ha’yaddan isagu uu maamul ayaa dhawaan soo bandhigtay ilaa
mudadii la aasaasay oo ahayd 2000 in hanti kor u dhaafaysa 4.6 bilyan oo doolar
ka geysatay wadamada soo koraaya ee u badan Afrika. Dhanka kale wax ay ku
tilmaamaan sadaqo ayaa inta badan Kiniisadaha wadamada horumaray ay kasoo
uruuriyaan iyagoo u sheega in ay ugu gar-gaarayaan dad iyo dalal baahan.
Hadaba hadii aynu labadaas qodob kusoo koobno hababka ay
lacagaha iyo deeqaha ku helaan Ha’yadaha caalamiga ah ee aan dawliga ahayn
(NGO), aan ku xasuusiyo in ay jiraan habab kale oo wadamada soo koraaya ee aynu
kamidka nahay ay ku helaan lacago iyo deeqo sharciyeysan, hababkaas kale oo ka
madax-banaan Ha’yadaha aan dawliga ahayn ayaa ah in dawaladaha horumaray si
toos ah lacago iyo mashaariic ugu yaboohaan, halka lacagahaas ama
mashariicdaasi yihiin kuwo dalkaas soo koraaya loogu deeqay ama kuwo ku ah
amaa(deyn) oo hadhow laga rabo in wadamada soo korayaa dib iskagasoo celiyaan,
mashaariicaha iyo deeqaha noocan ahi waa kuwa inta badan si rasmi ah uga
hirgala wadankaas ay ugu deeqeen, isla markaana marka la dhameystiro waa
mashaariic noqoda kuwo dhaxal-gal ah oo sanado badan loo aayo, inta badana
wadamada ku deeqay kuma faafiyaan warbaahinta, keliya marka ay deeqahaas
wareejinayaan iyo marka ay dhamaystiraan mooyaane.
Hadaba hadii aynu hoos ugu daadegno ujeedada qormadaydan,
bal aynu dhinacyo badan ka istaagno mashaariicaha iyo deeqaha ay Ha’yadduhu
sheegaan in ay ka fuliyeen gudaha dalkeena, iyo dhibaatooyinkii laga dhaxlay
wixii ay fuliyeen.
BEERAHA: Inta badan beeraha iyo
deegaanka ayaa ah meelaha sida aadka u ba’an ay saameyn iyo waxyeelo kaga
tagaan Ha’yaddaha caalamiga ahi, Waxa ay siidh iyo bacramiyayaal u qaybiyaan
inta badan beeralleyda tuulayaasha miyaga, waa wax fiican in siidh iyo
bacramiyayaal ay helaan beeralleyda dalkeenu, laakiin natiijadii laga dhaxlay
ayaa waxay noqotay in siidhkaasi uu noqodo mid hal mar uun beerma ama bax, kaas
oo aan dib u baxahayn, isla markaana nabaad guur iyo xaaluf ku rida dhulkii
irmaanaa ee lahaa ciida dihin ee waxsoosaarka sanaddo badan lugu yaqaanay.
Midhaha kasoo baxa shiidhkaas iyo bacramiyaashaas ayaa gadaal laga ogaadey in
aanay lahayn faaidadii hore ee lugu yaqaanay cuntadaas, taas oo bulshada ka
dhigi karta kuwo aan nafaqo iyo awood buuxda ama koritaan dhamaystiran aan
helin.
Waxyeeladda iyo nabaad guurka ay deegaanka iyo beeraha kaga
tageen siidhka iyo iniinyaha ay Ha’yadduhu beeralleyda dalkeena ugu deeqaan,
waxay gaadhey heer dalagii yaryaraa ee wakhtiga kooban ku bixi jiray, ahaana
kuwa ugu muhiimsan ee sida maalinlaha ah dalka looga quuto ay noqodeen kuwo
meesha ka baxa, waxaana tusaale u ah in Xabuubta iyo khudaarta lamidka ahi ay
maanta inooga yimadaan wadamadda jaarka siiba Itoobiya,
WAX-BARASHADDA: Dhanka
waxbarashada hadii aynu eegno, inta badan Ha’yaddahan caalamiga ah ee aan
dawliga ahayn waxay deegaano badan oo dalka kamid ah ka fuliyeen mashaariic dib
u dayac tir iyo dhismayaal cusub labadaba inta badan dugsiyadda kuyaal deegaano
badan oo dalka ah.
Ilaa hadda ma jiraan dhismayaal buuxa oo ay Ha’yaddahani ka
fuliyaan dugsiyada, laakiin inta ugu badan ayaa ah dhismayaal kookooban sida
Suuliyadda iyo hal-hal fasal oo ay ku biiriyaan dugsiyadaas, sida ay
Ha’yaddahani ku caan baxeen inta badan isma laha tirada dhismaha ee ay goob ka
sameeyeen iyo sidda ay xayeysiisyo ugu sameynayaan, iyagoo ka dhigaaya in guud
ahaan dhismaha dugsigaas ay gacantooda ku qabteen, isla markaana boodhadh
waaweyn ku dhejinaaya dugsiyadda ay dayac-tireen, taasina waxay meesha ka
saaraysaa jiritaankii Wasaaradda waxbarashada, waxayna indhaheena iyo indhaha
caalamkaba arkayaan in idil ahaanteenba dalkeenu yahay mid caawimo ku dhisan,
kol hadii aynaan laba suuli iyo hal fasal dhisan kari weynay. Maaha dhanka
waxbarashada oo keliya ee sidoo kale waxay tanoo kale ka dhacadaa Sariibadaha
degmooyinka iyo cisbitaaladaba.
XOGTA: Tusaale ha inoogu filnaadaan
labadaas qodob ee aadka u muhiimka ah, kana hadlaaya muhiimadda iyo jiritaanka
guud ahaan bulshadadeena.
Haddaba “Ha’yadduhu miyey inoo daneeyaan mise way inagga
daneystaan?”, aynu isbarbar dhigno dhaqaalaha xoogan ee ay kusoo qaataan
Ha’yaddaha aan dawliga ahayn ee caalamku iyo waxqabadyada muuqda ee ay inoo
qabtaan, waa kala-maan iyo laba aan isbarbardhigi karin kharashka ama lacagta
(Fund-ka) kuwaas oo kor u dhaafaya Balaayiin doolar oo lacag ah iyo
waxqabadkoodii oo ku kooban kuwo aad u yar oo tiro ahaan kooban misna aan
faaido badan laga dhaxlin jiritaankooda iyo manafacaadkii looga fadhiyey
waxqabadkaas ay fuliyeen.
Xogtan waxaan ku cadeynayaa in ay meesha ka maqantahay gebi
ahaanba la xisaabtankii Ha’yadaha NGO-yadda ah ee inooga yimaada caalamka,
taasina waata keenaysa in waxqabadka Ha’yaduhu noqodaan “Qawda maqashii, waxna ha u qaban”,
taasna waxaa dayacay oo aan ka daba-shaqayn cidii masuuliyad u lahayd in ay la
xisaabtamaan, halka madaxweynaha iyo golaha wasiiradu ay kow ka yihiin kuwii la
xisaabtami lahaa.
Wabilahi tawfiiq.
Mr.
Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa /
Saxafi madax banaan
Hargeysa
-Somaliland
0 Comments