Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Bulshooy Waan Dulmanahay, Xaqiiqna Waan Dumayaa!!!

Bulshooy Waan Dulmanahay, Xaqiiqna Waan Dumayaa!!!W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)




“Haday dunida ceeb tahay
Dusduskiyo khiyaamadu
Noo dabeecad weyaan
Haday dunida ceebtahay
Dulmi loo badheedhaa
Dadkaygu ma libiqsado”………Abwaan Gaariye

Waxaan ahaa waayo waayo kan ugu quruxda badan geyiga, farsamo yaqaano iyo injineero xaga nashqadaynta ku xeel dheer ayaa ka dambeeyey sal u dhiga aasaaskaygan noqoday imaka qadiimiga,
mar kasta waxaa gacanta igu hayn jiray oo dulin iyo diihaal waxaan qabo ama ciil talyow sida lalabada ii qabta iga masixi jiray hal mar sanadkii oo aan si fiican u helo arrad bax i kaafiya, nimcadda luguma waaree anigoo aad u qurux badan, runtiina bulshada degalka aan ka tirsanahay aad iigu reeyeen nafci dhanka isku haynta iyo is dhexgalka bulshadana aan wax badan ka geystay, ayaa waxaa hal mar dalka ku habsaday dagaal iyo colaado sokeeye, kuwaas oo dushaydii laga dhaashan jiray ka dhigay degal boodh iyo habaas badan, leh daldaloollo iyo kurtimo ay sabab u ahayeen dadkaygu ayaa diirkaygii madowga quruxoona ku yagleelmay, wakhtigaas ilaa maantadan la joogo ma helin dayactir iyo wax ka qabasho, waad u jeedaa oo dhidibada aan ku taagnahay waa kuwo aan in badan isii xejin doonin, rabi baa og sida aan usii jiri doono, Dawlada iyo dadkuba runtii way igu reeyeen, anigu hadii aan meesho ka baxana waan ogahay oo mid aniga oo kale ah weligood ma yagleelli doonaan, xitaa hadii ay itoobiya iyo caalamka ay sheegaan u baryo tagaan, Madaxweynuhu qiyaastii sanadkii ilaa 10 jeer buu kolba dhinac ii dhaafaa, weligiina isaga iska dhaafoo xitaa kuwii ka horeeyey iyo wasiiradiisu hoos iimay eegin, Rabi wuu iga badbaadiyey beri dhawayd roobab iyo dabaylo ina helay, anigu ismaan lahayn waad kasoo hadhaysaa, laakiin waa rabi mahadii, Inta aan ugu nacebahay waxa kow ka ah Dawlada hoose iyo maayirka hogaamiyaha u ah, waayo waxay wax ku qaataa in ay aniga i dayactiraayo oo i daryeelaan, iska dhaaf in ay wax i taraane waxay iga dhacaan oo iga boobaan waxa yar ee la iigusoo dhiibo, sidoo kale waxay igu soo daayeen  kuwii guryaha dhisanaayey oo dhidibadii aan kutaagnaa hadda i rujiyey oo iga dhameeyey ciidii iyo dhagixii, sidoo kale waan necenbahay cid kasta oo aan ka fikirin aayahayga, cid kasta oo aan ogayn waxtarkayga oo uu ka midyahay  Madaxweynaha degalkan aan ku oolo, iyga hadalkoodaba daa danaystayaasha oo horeba wax lehejecelo ah kumaan qabin.
Dadka waxaan ugu jecelaa rabi godka ha u nuuree, miskiinkii, muwaadinkii, mutadawicii, degenaa jiingada gabowday ee aniga subaxa hore wax i tari jiray waa CALAFSO, beri dhaweyd buu dhintay isaga ka dibna weli qof ismuu odhan dhagaxan meeshan daloosha ku gufee, ama ciidan ka dul xaadh, Waxaan jaar la ahay shirkado iyo hudheelo waaweyn waa nacab aniga ila jaar ah, bal tiri inta  i hareero taala waa Shirkadii weynayd ee Telesom Iyo hudheelkii qadimiga ahaa ee Hadhwanaag, dhankan kale waa Shirkadda SBI iyo Hudheelka Dalxiis, waxa intaas ka badan ganacsatada yar yar ee aan la tirin karin, iskadaa wax ay itaraana iyagaaba bililiqo igu dilay, ma haysto Suldaan ama oday dhaqameed ii hadla, ma lihi Siyaasi ii gaar ah, Iskaba dhaaf intaas oo dhan oo xitaa qoloyinkan Xisbiyadu inta ay wax  kale ka sheekaynayaan aniga iguma daraan tiradda, waxaaban aaminsanahay hadii ay ololaha igu dari lahayeen in ay cod badan kasban lahayeen; adigaagan waraysiga iyo sawirada iga qaadaya ee Wiyeer yare ahi, igadaa caloolyowga oo waxba yaan cataabine “Bulshooy waan dulmanahay, Xaqiiqna dhawaan waan dumabayaa” intaas iga gaadhsii cidaad aragto !!!!.


Hamse Bashe – Wiyeer Yare
E-mail: Xamse18@gmail.com
www.facebook.com/wiyeeer
www.wiyeeryare.blogspot.com 

Post a Comment

0 Comments