Aan
Nabdaadsho Akhristayaasha sharfta iyo qadarinta iga muddan ee ku xidhan xarunta
warfidiyaha ah, Aan idinku soo wareejiyo
mid kamid ah Qoraaladii koobnaa ee Sixida iyo Tilmaamid ku dheehnayd ee la xidhiidha
siyasad.
Siyaasadu
waa shay isbedel iyo dhinac gedis badan, isla markaana waxay siyaasiga ku
qasabtaa in uu hadba dhinac kasoo jeesto, isla markaana marka uu xil ama
maamulka uu hayey laga qaado, waxa uu beri ka maalin kasoo jeestaa xisbi kale,
Haddaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah dadku ma ogyihiin siyaasigan ay
dooranayaan in beri kamaalin masuuliyadii uu u hayey dadkii doortay uu iska
wareejin doono, isla markaana dadkii uu dhexdooda kala qo-qobay uu qolo raaci
doono.
Waxaad
Maqlaysaa Wasiir hebel iyo Hebel waxay ahaayeen niman saaxiibo ah muddo dheer,
laakiin hadda waxay ku kala irdhoobeen siyaasada, oo midba Wuxuu ku jiraa Xisbi
hebel. Waxba yaanan taas ku fogaanin oo waa siyaasad iyo dhaqankeede aan u soo
noqodo mawduuca aan jecelahay in aan maanta wax ka idhaahdo oo ah khilaafka
Wajiyadda badan ee Xisbiga UCID,.
Xisbigan
Ucid oo kamid ahaa xisbiyadii ugu horeeyey ee Somaliland laga sameeyo kadib
furitaankii axsaabta badan uuna kasoo hadhay tiro-ba lix urursiyaadadeed, ayaa
beryihii u dambeeyey waxaa khalkhal iyo jahwareer ku riday, siyaasadda is
qab-qabsiga Gudoomiyaha iyo Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga ilaa uu
khilaafkii u socoday xubnaha dhexe ee xisbiga, Khilaafkan ayaa labada dhinacba
midba midku eedaynayaa abuuristiisa, Taariikhada ayaa qortay 2011 markii
gudoomiyaha barlamaanka Abdirahman Ciro
oo ahaa Xubin sare oo xisbiga UCID ah, iyo gudoomiye faysal cali waraabe
uu ku dhex qaraxay khilaaf baahsan oo keenay ilaa in Ciro samaysto Xisbi kale.
Hadaba
khilaafyaddan soo noqo noqoda ee ka dhaca xisbiyadda ayaa gaar ahaan xisbigan
Ucid ayaa U muuqda mid bulshada caalamka tusaya in ay Somaliland tahay beelo
iyo iskugu yimi qabyaalad, Halka siyaasiyiintooda faysal kamidyahayna ay xoog
iyo anigaa leh awooda ay ku haystaan Maamulka, tan maanta ka jirta Ucid
dhexdeedu beri ka maalin waxay ka dhex dhici qasriga madaxtooyadda hadii uu
ilahay u calfo oo Xisbiga ucid soo baxo.
Beri
kamaalin waxaa la isku qabsan hantida qaranka, waayo khilaaf ku bilowday heer
hoose hadii aan inta uu yaryahay la gamuurin beri kamaalin qaranka ayuu sameyn
ku yeelan doonaa.
Lasoco faaladda Siyaasiga, Q2aad, W/q: Hamse
Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
Mar walba ku Xidhnoow www.wiyeeryare.blogspot.com
0 Comments