Hordhac: Aniga oo aan marnaba jecelayn in aan ku dhex milmo siyaasadda
xisbiyadda ee reeraha ku dhisana, isla markaana aan hal mar la iga maqlayn in
xisbi hebel la taageero ama la doorto, weliba waxa taas dheer wakhtiyadda
doorashadda oo xamaasada iyo kacsanaanta xisbiyadu iska sarayso, in haddan
wixii wanaag iyo horumar iila muuqda, bulshadda inta wanaaga iyo horumarka
dalka iyo dadkaba jecelina ila arkayaan in aan wax ka tilmaamo.
Hadii
aan hoos ugu soo daadego qormadan aan u bixiyey “Faaiiddada ololaha waxaa ka badan
khasaaraha uu gaadhsiinayo Dhaqanka suuban ee Diinta iyo Dhaqaallaha
Bulshadda”, sida aynu wada ognahay waxaa maalintii sabtida ahayd ee
21-aktobar-2017 si
rasmi ah uga bilaamay guud ahaan gobolada iyo magaalooyinka
Somaliland ololihii doorashada madaxweynaha mustaqbalka dhaw ee Jamhuuriyadda
barakaysan ee Somaliland, sida gudida koomishanka qaranka ee maamulka
doorashooyinka gacanta ku hayaa waxay sheegeen in ololaha u mudeeyeen 21 beri
oo 7 beri oo kasta uu leeyahay xisbi kamid ah xisbiyadda sadexda ah ee ka qayb
gelaaya doorashada.
Ololaha
doorashadu waa baaq ay soo bandhigaan xisbiyadu si ay ugu helaan taageero iyo
cudud ay ku hantiyi karaan madaxtinimadda dalka, hogaamiyeyaasha xisbiyada gaar
ahaan musharixiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu ay usoo bandhigaa
bulshadaas iyo taageerayashaas isasoo urursaday habka ay dalka u maamulayaan
iyo horumarka ay gaadhsiinayyaan.
Inta
badan Ololaha doorashooyinka waxaa 90% boqolkiiba sagaashan ka qayb qaata
bulshado u badan dhalinyaro iskugu jirta Rag iyo Dumar, waxaana sida la ogyahay
kuyar bulshada inta odayaasha ah, sidoo kale dhalinyarta raga iyo dumarka ah
waxa kale oo kujira, oo ah kuwa ugu badan inta aan waxbarasho ama shaqo ay ku
mashquulaan aan haysan ee bulshada kamidka ah.
Ololahu
inta uu socodo waxaa maalin kasta awoodiisa iyo cududiisa taageero ee uu dalka
ku dhex haysto soo bandhiga xisbi gaar ah oo kamid ah xisbiyadaas saddexda ah,
cududaas waxay xisbiyadu ku bixyaan lacag iyo hanta badan sida gaadiidka
ololaha oo aad u badan, calamadda iyo astaamaha musharixiinta ama xisbiyadda oo
aad u badan, cod baahiyayaal aad u badan iyo lacag badan oo lugu bixiyo
hudheelada iyo goobaha la iskugusoo baxayo.
Hadii
aan laba qodob u kala qaado qormadan, aan marka
hore ka hadlo faaidada ololuhu u leeyahay Xisbiyada iyo Bulshada
labadaba, qodobka labaadna waxaan kaga hadli doonaa faa’ido darida uu ololuhu u
leeyahay Bulshada gaar ahaan Dhaqanka iyo Dhaqaalaha.
Faa’iidadda Ololahu u leeyahay Xisbiyadda Iyo Bulshada
taageerayasha u ah:
Faa’idadda Xisbiyadda uu u leeyahay:
1. Ololaha
marka laga hadlaayo wuxuu faaiido buuxda u leeyahay xisbiga qabanaaya iyo
musharaxiintiisa u tartamaaya madaxtinmada Dalka.
2. Ololuhu waa
goob ay musharixiintu ku hantiyaan cudud iyo taageerayaal aad u badan, oo ay
cod ka heli karaan maalinta doorashada.
3. Ololuhu
wuxuu xisbiyada u yahay goob ay ku gudbiyaan fikradaha iyo talooyinka ay kaga
duwanyihiin musharaxiinta kale ee doorashada la tartamaaya.
4. Ololaha
waxay xisbiyaddu ka dhigtaan dhoola tus ay u muujiyaan xisbiyada kale iyo
taageerayaashooda, waana goobta keliya ee ay iskugu faanaan xisbiyadu.
5. Ololuhu waxa
uu xisbigu uga faa’idadystaa in uu tageerayshiisa u faanno isla markaana waa
goob uu musharuxu ku dhaliilo xisbiyada kale ee la tartamaaya.
Faa’idadda uu Bulshada u leeyahay:
1. Ololuhu waa
goob ay taageerayasha xisbigu kusoo bandhigaan taageeradooda ay la garab
taaganyihiin xisbigaas iyo musharixiintiisa doorashadda.
2. Ololuhu waa
goob ay bulshadu gaar ahaan taageerayaasha xisbigaasi ku helaan fikradaha ay
aaminsanyihiin musharaxiinta xisbiga ay taageerayaan iyo wax ay kaga
duwanyihiin musharaxiintu kuwa xisbiyada kale u tartamaaya.
3. Qayb kamid
ah bulshada ololaha xisbiyada ka qayb gashaa waxay ka helaan lacag, taas oo
musharaxiinta ama xisbiguba ku bixiyo sidii ay goobtaas u iman lahaayeen.
Hadii
aan qodobadaas dhawrka ah ku dhaafo faaiidadda ololuhu u leeyahay Xisbiyada iyo
Bulshada taageeraysa labadabba, bal aan eego dhanka kale faaiido darida uu
ololuhu ku hayo Dhaqanka Iyo Dhaqaalaha, taas oo aan sheegay in faaidado darida
Dhaqan dhaqaale ee ololuhu uu ka badanyahay inta uu doono faaidada ay Xisbiyada
iyo taageerayaashu ka helayaan.
Faa’iido darida Ololaha ku
leeyahay Dhaqanka suuban ee Diinta iyo Dhaqaalaha soo kobcaaya ee Bulshadda.
Faa’iiddo darida Dhaqanka suuban iyo Diinta
1. Ololuhu waa
goob ay isku dhex galaan dhalinyaro aad u badan oo iskugu jira Rag iyo Dumar,
taas oo aan diinta islaamka iyo dhaqanka suubani ogoleyn weliba si adag u
xaaraantimeeyeen.
2. Ololuhu waxa
uu bulshada ka dhex dhaliyaa khilaaf iyo isku dhacyo ka yimaada taageeryaasha
xisbiyadda, taas oo keeni karta in bulshadu isku nacdo.
3. Ololuhu waxa
uu beryihii u dambeeyey ka dhashay arimo inta badan wax laga weydiiyo culimadda
diinta inoo xambaarsan oo ah “Sheekh meherku ma qabanayaa”, taas oo ah
in Dhalinyarta labka iyo dhediga iskugu jirta ay ka dhex dhacaan falal aad u
xun xun oo sino ah, taas oo aakhirka ku keenaysa in bulshada ay kudhex dhashaan
caruur aan aabo lahayn.
4. Dhalinyartu
waxay xalaashadaan heesa, taas oo diintu inaga mamnuucday.
5. Ololuhu wuu
dhalinyarta iyo taageeryasha bulshada kamid ah ku keenaa Dhimasho iyo dhaawac
culus kadib marka baabuurka ay daaqaddaha ka laad-laadaan iyo basaska buux
dhaafshay ay galaan shil kedis ah.
6. Ololuhu waxa
uu bulshada ka lumiyaa wakhti aad u badan.
7. Ololuhu
wuxuu daal iyo diif ku reebaa qofka ka qayb qaadanaaya, taas oo marka dambe ee
habeenkii ama wakhti kadib uu ka cawdo meel badan oo jidhkiisa kamid ah oo ay
ku dheceen jug aanu ogeyn wakhtigii ay soo gaadheen.
8. Buuqa
Ololuhu wuxuu dhib ku hayaa, bulshada inteeda kale ee aan ka qayb qaadanahayn,
waxay tageerayashu wadooyinka ka xidhaan gaadiidkii mari lahaa, waxay khalkhal
iyo sahwi ku keenaan masaajidada ay ag marayaan, ama xafiisyadoodu ka
agdhawyihiin.
9. Ubadka uurka
galay iyaga oo aan sharci ahayn oo keliya ayaa kabadan faaido kasta oo uu
leeyahay Ololuhu, taas oo ceeb iyo cadho Eebbe lugu kasbaddo.
Faa’iiddo
darida Dhaqaalaha Kobcaaya Ee Dalka.
1. Ololaha waxa
lugu bixiyaa lacag milaayiin ah, taas oo muddo yar gudaheed ku baabada ama ku
dhamaata iyada oo aan la arkahayn wax muuqda oo lugu qabtay.
2. Ololuhu waxa
uu yareeyaa adeegyadii wax iibsiga iyo wax iibinta ee suuqyadda.
3. Ololuhu waxa
uu dhaqaalaha wadanka ka dhigaa mid aad hoos ugu dhaca, waxaana gebi ahaanba
joogsadda mashaariicda waaweyn ee maalgashiga Dalka.
4. Ololuhu waxa
uu dhaliyaa burbur kuyimaada gaadiidka dadweynaha iyo kaabayaasha dhaqaale ee
wadanka sida wadooyinka.
5. Goobaha
ganacsigu waxay maalmaha qaar u xidhmaan buuqa iyo isdhex yaaca bulshada ka
qayb gelaysa ololaha xisbigaas ama musharaxaas kuwaas oo hal saacad oo ay xidhmaan
kuwaaya dhaqaale badan oo soo geli lahaa.
6. Waxa xidhma
isku socodka bulshada caadiga ah ee aan ka qayb gelayn ololaha, taasoo ku
keenta wakhti badan oo ay ka lumiyaan iyo isku socod la’aan.
7. Ololuhu waxa
uu khalkhal gelin karaa nabadgelyada isaga oo dhalin kara rabshado iyo iska hor
imaad taageeryaasha iyo ciidanka nabad gelayadda.
8. Ololuhu waxa
uu khalkhal ku ridaa dadka salaadaha ku tukanaaya masaajidadda, taas oo ah arin
aad u adag dhanka diinta, sidoo kale waxa uu xidhaa ganacsiga yaryar ee
wadooyinka ay dadka danyarta ahi la fadhiyaan.
Afeef: “Qormadan in aan ka hadlaa waxay igu dhalatay kedib markii aan
waxbadan usoo joogay dhacdooyinka ololayaasha ee doorashooyinka dalkeena, sidoo
kale markii aan la tashaday dad badan oo waxgarad iyo aqoonba leh.”
Soo jeedin: “Qof kasta oo qormada ama mid lamid ah sii
faafiyaa sida aan ku niyad sanahay waxa uu ka helayaa khayr iyo xasanaad badan
oo aakhiro iyo aduunyoba ah, adiguna akhriste fadlan u gudbi bulshada kale si
aynu uga qayb qaadano badbaadinta diinteena, bulshadeena iyo dalkeena
horumarkiisa”.
Mahadsanid
Wa-bilaahi Tawfiiq
Saxafi
/Qoraa Madax banaan.
Mr.Hamse
Bashe (Wiyeer-yare)
E-mail: Xamse18@gmail.com
Hargeysa/Somaliland
0 Comments