Qormadan oo uu
Kobciye ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya waxa aynu ku eegaynaa
qaar ka mid ah halbeegyada ay xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu aaminsan yihiin
in lagu dhererin karo saaxiibtinimada si loo kala garto midda danta ku dhisan
iyo saaxiibtinimada waarta ee runta ah.
waayo waxa inta badan dadka ka qaldama
marka xidhiidhka u dhexeeyaa uu saaxiibtinimo gaadhayo iyo marka kale. Waxaa
muhiim ah in qofku uu kala garto saaxiibka, Jaalka, Rafiiqa, Kooxda, Deriska,
garashada iwm.
Inta badan noocyadan
xidhiidh waxaa si fiican loo kala gartaa marka ay muddo dheer jiraan ee labada
qof ay dano iyo xidhiidho dheer oo kale dhex maraan. Calaamadaha gaarka u ah
saaxiibka runta ah ee saaxiibtinimadiisu waarto waxaa ka mid ah:
In wixii laga midaysan yahay la
wadaago, wixii lagu kala aragti duwan yahayna la isku ixtiraamo
Qasab ma’aha in
labada saaxiib arrin kasta ka midaysan yihiin, ama isku erey iyo ujeeddo ka
noqon karaan, laakiin haddii aad aragto labada qof isu leh dulqaad ay ku
maareeyaan kala duwanaanshiyaha, saaxiibtinimadooduna aanay liicin waa
saaxiibtinimada runta ah ee waarta.
Run iyo hadal la isu saafo
Waa waajib in labada
saaxiib garbaha isqabsadaan, laakiin macnuhu ma’aha in uu mid kastaa ka kale
ammaan u buuxiyo, waayo saaxiibtinimada runta ahi si ay u badbaaddo waxa ay
marar badan u baahan tahay hadalka in la isu saafo iyo in aan uurka la isu
guntin
Saaxiibka runta ahi
waa ka cabashadiisa iyo walaaca uu qababo si ixtiraam badan kuugu sheegi kara,
marka uu arko in aad jid qaldan martayna gacanta ku soo qabanaya isaga oo aan
dhaawacin sharaftaada. In aad hesho ruux ku dhegeysanaya, danaynaya
sharaftaada iyo wanaagga mustaqbalkaaga, isla markaana ku siinaya fursad aad
go’aan sax ah ku qaadan karto, waa calaamad kuu sheegaysa in uu yahay saaxiibka
runta ah ee aad u baahan tahay.
Guushaadu waa farxaddiisa
Haddii aad aragto
saaxiibkaa oo noqda qofka marka aad guul tirsanayso dadka kuugu soo hor
xidhiidhiya, waxa aad ogaataa in uu yahay saaxiibka runta ah ee aad u baahan
tahay. Waa calaamad muujinaysa in uu farxadda kula qaybsanayo ama ugu yaraan
farxaddaada ku farxayo.
Waa astaanta
saaxiibka runta oo lagu yaqaanno in uu warkaaga wanaagsan raadiyo.
Ruux ku fahmi kara ama isku
deyaya in uu ku fahmo
Saaxiibka wanaagsani
waxa uu waqti geliyaa in uu fahmo am aka garaabo duruufaha ku xeeran
saaxiibkii, in uu dadaal badan geliyo taageeridda mawqifyada uu saaxiibkii
qaato ee uu og yahay in aanu ku qaldanayn ama cawaaqib xun keenayn. Xitaa
haddii dadka oo dhami ka soo horjeestaanna isagu waa uu ku garab istaagaa
go’aankaas.
Ruux ag-jooggaagu qalbigiisa
deeqo
Saacadaha ugu fiican
ee qofku maraa waa kuwa uu la qaato saaxiibbadii, gaar ahaan marka kulanku uu
yahay mid aan sii qorshaysnayn. Saaxiibka wanaagsani waa ka u boholyooba
agjoogga saaxiibkii, in uu arko iyo in uu la fadhiyaana deeqdo.
0 Comments