Qormadan
kooban waxaan u kala qaadayaa Saddex qaybood oo kala ah Q1aad: Jeegaanta
Casriga ah ee maalmahan dambe hadal ahaynteedu ay baraha Bulshada iyo
warbaahinta ku badantahay, waxaanan qaybtaas kaga hadlayaa Hordhaca hore ee
qoramadan. Q2aad: Jeegaantu asal ahaan waxay tahay, waxay ka koobantahay
iyo wakhhtiga ay sameysanto. Q3aad: Turxaan bixinta Jeegaantii la
yaqaanay iyo Jeegaantan casriga ah iyada oo aan ku salaynaayo tirada midabada
ay ka koobantahay iyo tiradda gobolada Somaliland ka koobantahay.
Afeef: “Inta aanan hoos ugu daadegin dulucda iyo ujeedada uu ciwaanka
sare xambaarsanyahay iyo hordhaca oo ah qayb kamid ah sadexda qaybood ee aan kor
kusoo sheegay, waxaan jecelaystay in aan ka afeefto in qoraalkani aanu ka
hadlahayn cid gaar ah iyo shaqsiyaad, isla markaana uu ka madax banaan yahay
qabyaalad iyo nin jecelaysi labadaba, keliya uu yahay iftiimin iyo falan-qayn,
waxaanu bulshada iyo xukumadaba tusayaa sida saxda ah ee ay ahayd in loo
isticmaalo eryga Jeegaan, qaybta hore ee qoraalkan waxaan kaga hadlayaa sida
waxa ay tahay jeegaanta casriga ahi iyo sida magacu uu kusoo gaadhey dhegahayga
aniga oo aan ku darahayn hal eray oo been ah”.
Codsi: “Waxaan qof kasta oo akhrisanaaya ka codsanayaa in aanu ku
koobnaan akhrinta hal qormo qoraal oo kamid ah sadexda qaybood ee qormadani ka
koobantahay, isla markaana akhristuhu uu sugo inta qoraalku ka dhamaystirmaayo,
adiga oo heli doona qaybaha qormadani ka koobantahay isla maalinta ay kusoo
gaadho, maalinta kale eek u xigta, waxaan sidaas u leeyahay in aanad ku
degdegin fikir ama odhaah khaldan adiga oo aan ka sal gaadhin dulucda iyo
ujeedada guud”.
Hordhac: Qaybta 1aad, Jeegaanta casriga ah “Ilaa lagasoo
bilaabo labadii sano ee ugu dambeeyey mudo xileedkii Madaxweyne Axmed Maxamed
Maxamuud Siilaanyo iyo maantadan aynu joogno oo uu dalka Madaxweyne ka yahay
Muuse Biixi Cabdi, waxaa hadba dhegaha Bulshada iyo guud ahaan wadanka si aayar
aayar ah ugu dhex faafayey hadal haynta eryga Jeegaan. Hadaba magac kasta iyo
hal-kudhig kasta oo la bixiyaa waxa uu leeyahay macno guud oo uu
xambaarsanayahay isla markaana ka dambeeya ujeedada loo bixiyey ama loo yidhi.
Erygan
Jeegaantu, waxaa uu ku baxay kadib markii si kalsooni leh loo dhugtay hadalo
wakhtigii ololaha ay warbaahinta isku marin jireen qaar kamid ah salaadiin
kasoo kala jeeda deegaano bariga ka tirsan iyo deegaano galbeedka Somaliland ka
tirsan, hadaladaasna waxaan ka xasuustaa “Abaalkii soo celiya hadii aad
tihiin, kuwii aanu 8-sano kahor abaalka u galnay”, isku tuur tuurka
hadalada noocan ahi waxay sii faafeen kadib markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
ku guulaystay talada iyo kursiga dalka, waxayna noqodeen kuwo laga falciliyo,
aakhirkiina waxaay warbaahintu soo bandhigtay in guusha Madaxweyne Muuse Biixi
Cabdi helay ay ka timi isgaashaan buuraysi kayimi deegaanadii aan soo sheegay,
iyada oo la yasay ama waxba kama jiraan lagasoo qaaday deegaanadii kale ee u
codeeyey Xisbiga Kulmiye iyo Muuse Biixi, intaasi waa inta aan kala socoday iyo
sida uu erygani kusoo gaadhey dhegahayga, sidoo kalena intii erygani kudhex
faafayey bulshada waxaan usoo joogay in la yidhaahdo, calanka astaanta u ah
Xisbiga Kulmiye wuxuu ka koobanyahay laba midab oo si isleeg ama isku-sar go’an
u kala qaybsan, astaantaasina ay ka turjumayso isgaashaan buuraysi mudo badan
ka dhexeeyey labada deegaan ee hadda loogusoo hal qabsado Magaca Jeegaan, is
bahaysigaas oo kasoo bilaamaya ilaa wakhtigii Xisbiga la aasaasay iyada oo
deegaankii sadexaad ee gacanta weyn kulahaa hirgelinta iyo guusha Kulmiye
mudooyin badana, ugu dambeyntii la wiiqay, lagana saaray xisbiga, hore ayaan
ugasoo afeeftay in waxan aan sheegayaa yihiin wixii aan ka maqlay eryga jeegaan,
oo aanan ku darahayn hal eray oo been ah. Intaasi waa intii aan usoo joogay
sanadadii ugu dambeeyey.
Iyada
oo ay sidaas tahay, si aan wax uga ogaado asalkii hore ee magacan lugu dhejiyey
dad kasoo kala jeeda bari iyo galbeed, waxaan helay qoraal kooban oo nin weriye
ahi qoray kaas oo uu ku bilaabay in Somaliland markii ugu horeeysay ee Eryga
Jeegaan laga maqlaa ay ahayd wakhtiyadii xornimo doonka, iyada oo wakhtigaas
xisbiyadii jiray uu kamid ahaa xisbi la yidhaahdo NUF oo ay ku bahoobeen reero
kasoo kala jeeda deegaanada Bariga qaar kamid ah iyo kuwa galbeedka qaar kamid
ah, hadaba isagoo qoraalku dheeraa oo uu si faah-faahsan uga warmayo aasaaskii
NUF iyo saami qaybsigii deegaanadii ku bahoobay, waxaan intaas ugasoo qaatay,
halka asal ahaan Erygan maanta inbadan oo bulshada kamid ahi dhegahoodu
maqlayaan uu ka yimi, waa sida aan u maqlay iyo baadhitaan labadaba aan ku
helay.
Inta
aanan hoos ugu daadegin ujeedada iyo dulucda qoraalkan kooban, aan soo qaato
hadalo aan ka guntay Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed
Suldaan Cabdiqaadir, oo isaga oo ka hadlaaya Eryga Jeegaan, sheegay in uu
Madaxweyne Muuse Biixi kuyidhi “Muusoow jeegaanta baabii”, halka uu
Muuse Biixi ugu jawaabe celiyey “Jeegaantu waatii Kursiga isaartay”.
Hadalka suldaanku wuxuu noqoday kii aan ku baraarugey ee aan ku ogaaday in
Magaca Jeegaantu uu yahay mid laga ogyahay Madaxtooyada ama qasriga dalka looga
taliyo, oo keliya aanu ku koobnayn hadal haynta Bulshada rayidka ah”. Intaasi
ha iga ahaato hordhac iyo fahan qaybta kowaad ee Jeegaanta casrigan……………………………….Lasoco
Q2aad
Jeegaantu Imisa Midab Ayey Leedahay Hadii Laga Run Sheegayo
(Taariikhda Jeegaanta Casriga ah) !!! Q2aad W/q: Mr.Hamse Bashe
(Wiyeer Yare)
Inta
aan bilaabin qaybta 2aad ee qoromo qoraalkan waxaan dib ugu yar noqonayaa qaybtii hore, si aan idiinku iftiimiyo
isticmaalka iyo hirgelinta jeegaanta casriga ah iyo asal ahaan nidaamkani halka
uu kasoo jeedo, taariikhdiisa iyo sidii uu u hirgalay. “Markan waxaan ka
hadlayaa aduun weynaha iyo jeegaanta casriga ah”
Jeegaanta: Aduunka markii ugu horeysay waxa eraygani ka hirgalay wadanka
Maraykanka, wakhtigaas oo doorasho ka qabsoomaysay Maraykanka, hadal haynta isbahaysiga jeegaanta (Rainbow
coalition) waxa uu Maraykanka kasoo ifbaxay dabo-yaaqadii 1960 ilaa
1970-kii kaas oo ahaa keliya mid hadal hayn aan dhaafsiisnayn ama afka uun ku
eekaa, gobolka Chicago ayaa noqoday kii ugu horeeyey ee laga maqlo
isbahaysiga jeegaanta ama (Rainbow coalition) fikirka isbahaysigan
jeegaantana waxaa lahaa nin la odhan jiray Fred Hampton, laakiin waxay
soo shaac baxday 1984 wakhtigaas oo Maraykanku ku jiray Ololaha doorashada
madaxtinimada, isbahaysigii jeegaantuna
wuxuu isku bedelay urur siyaasadeed kaas oo hogaamiye ka noqoday nin la yidhaah
Jesse Jackson, ninkani waxa uu urur-siyaasadeedkiisii ku uruuriyey sida
magaciisa ka muuqata, cid kasta oo Maraykan ah oo la faquuqo ama asal ahaan
kasoo jeeda wadamo kale, waxaana kamid ahaa “Carabta Maraykanka ah,
Aasiyaanka Maraykanka ah, Dhaladka Maraykanka ah, Afrikaanka Maraykanka ah,
Hindida Maraykanka ah, Yuhuuda Maraykanka ah, Dadka la faquuqo, Beerlayda iyo
Dadka jinsiyadahoodu isku midka yahay ee isku galmooda”,
isbahaysigoodaasina waxa uu noqoday mid arimo siyaasadeed u samaysmay, xoog iyo
awoodna waxay ku yeesheen guud ahaan Maraykanka, Urursiyaasadeedkii
Isbahaysiga Jeegaantu (Rainbow coalition party) wuxuu xafiisyo ka furtay
dhamaan Gobolada waaweyn ee Maraykanka, wuxuuna noqoday mid u dagaalama dhamaan
baahiyihiin ay ka cabanayeen kuwaas ku bahoobay, oo ay kamid ahaayeen “ Dhaqaalah,
waxbarashada, shaqo-la’aanta, hooyooyinka shaqeeya, beeraha iyo faqrinimada iyo
dhamaan kaabayaasha nolosha oo dhan”.
Aniga
oo aan aad ugu dheeranahayn, asal ahaan isbahaysiga ama isgaashaan buuraysiga
jeegaantu sidii uu u shaqeeyey, gebo-gebadii ururkii jeegaantii maraykanku
(Rainbow coalition), waxa uu helay codkii ugu badnaa ee dadkii isbahaystay,
wuxuuna ku guulaystay maamulka dalkaas Maraykanka, sanadadii is xig xigay ilaa
2001 wuxuu helaayey deeqo lacageed oo qiyaas ahaan gaadheysa 1 billion oo
doolar, isla sanadkaasna waxay fureen jaamacadii ugu horeysay oo loogu talo
galay dadka ku abtirsada “Isbahaysiga jeegaanta”, Jamacadaas oo lugu
barto daryeelka caafimaadka, wuxuuna yeeshay laamo kala duwan sida “La-dagaalanka
Maandooriya, Heshiisiinta Falastin iyo Israail, iyo qaybo kale oo badan”.
Qaybtii hore ee qormo qoraalkana waxaan
kusheegay sidii Isbahaysiga jeegaantu uu Somaliland uga bilaabmay iyo
aasaaskiisa cidii lahayd, kaas oo bilaabay wakhtigii xornimo-doonka.
Hadba
su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah, Maxay ku kala duwanyihiin Jeegaanta
maanta ka jirta Somaliland iyo jeegaantii ka hirgashay Maraykanku?. Taasi way fududahay, aan isbarbar dhig ku
sameeyo.
1.Jeegaanta Maraykanka: Isbahaysiga jeegaanta ah ee ka hirgashay
maraykanku waxay noqotay mid ku faaftay dhamaan gobolada dalkaasi, waxaana
kujiray dhamaan qaybaha kala-duwan ee dadka kunool Maraykanka, waxay noqotay
jeegaan kulmisa ama xubin ay ka noqodaan tiro badan oo qaybaha kala duwan ee bulshada
ra’yidka ah, 1984 jeegaanta maraykanku waxay heshay aqlabiyadii ugu badnayad,
wakhtigaasna tirada dadka Maraykanku waxay marayeen 238 Milyan.
2.Jeegaanta Somaliland: Isbahaysiga jeegaanta Somaliland waa mid
iska dhaaf gobolada Somaliland-ne, aan wada-gaadhin hal gobol oo dalka kamid
ah, waxaa ku bahoobay laba reer oo kala dega darafyada Somaliland “Bari iyo
galbeed”, qaabka shaqo iyo isbahaysi ee jeegaanta Somaliland way ka duwantahay
tii Maraykanka oo Midaysay in kabadan 150 milyan oo qof, halka ta Somaliland ay
buuq iyo hadalo xanaf leh ka dhex abuurtay 4 Milyan oo keliya, isla markaasna
midayn kari weyday 6 gobol oo keliya.
Intaas
aan kagasoo gudbo, taariikhdaas aan jecelaystay in aad ila fahanteen, aniga oo
uga jeeday in ay jiraan Dalal waaweyn oo ku liibaanay kuna horumaray, magacan
maanta inbadan oo bulshadeena ahi dhibsanayaan maqalkiisa, laakiin waa markii
ay dalalkaasi ka run sheegeen jeegaanta oo asalkeeduba aan ka koobnayn 2 midab
ee ka kooban tiro badan oo midabo ah…………………………….Lasoco Q3aad
Mahadsanid
Wa-bilaahi Tawfiiq
Saxafi
/Qoraa Madax banaan.
Mr.Hamse Bashe
(Wiyeer-yare)
Hargeysa/Somaliland
0 Comments