Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

7 Sano Jir Oo Warqad Codsi Shaqo ah U Dirtay Shirkadda Google Iyo Jawaab Celintii ay Heshay


Gabadh 7 sanno jir ah oo lagu magacaabo Chloe Bridgewater, taasoo ku nool magaalada Hereford ee dalweynaha United Kingdom ayaa waxay soo jiidatay dareenka caalamka ka dib markii ay shaqo ka dalbata shirkadda Google. Ka dib markii ay aragtay xafiisyada qurxoon ee shirkaddan Google, gabadhan 7 sanno jirka ah ayaa go’aansatay inay warqad codsi shaqo ah u dirto guddoomiyaha Google iyadoo weydiisaneysa haddii ay shaqo siin karaan, sida
uu Andy Bridgewater ku qoray akoonkiisa LinkedIn.

Bridgewater ayaa xitaa wuxuu warqaddii rasmiga aheyd ee ay soo qortay gabadhani u gudbiyey Tilifishanka CNBC, waxaana warqaddaas loogu talogalay Google Boss.    Chloe ayaa warqaddeeda u qortay qaab habeysan sida shaqsi shaqo raadsanaya oo kale, waxayna ku caddeysay inay ammaan ballaaran ka heshay macalimiinteeda iyo waalidkeed kuwaasoo u sheegay inay waxbarashada ku wanaagsan tahay, gaar ahaan kumbuyuutarka iyo xisaabta. Guddoomiyaha shirkadda Google ninka lagu magacaabo Sundar Pichai ayaana warqad dhiirrigelin ah usoo qoray 7 sano jirtan. Wuxuuna u xaqiijiyey inuu ka filaayo inay soo gudbiyo codsigan oo kale marka ay iskoolka dhammeysato.
   Afhayeen u hadlay shirkadda Google ayaa u sheegay Tilifishanka CNBC inay warqaddaani rasmi tahay, isla markaana ay sheekadaani si dhab ah u dhacday.


@Wiyeer-yare - Hamse Bashe 


Post a Comment

0 Comments