Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

MA WADA XAMAALANAA - SIDDA LACAG LOOGA HELO INTERNET-KA


Nabad idil ahaantiinba, ii ogolow inaan kula wadaago qayb kamid ah fikradaha aadka u kala duwan ee aan kala kulmay intii aan ku jiray aaladda internetka, oo aan bilaabay isticmaalkeed 2004, hal fikir oo faaido iyo waxtar leh ayaan kusoo qabanayaa, taas oo ii suurto gashay sanadkii hore ee 2017, waana "Sida lacag muuqata looga sameeyo Internet-ka",
Waxaan hawshan bilaabay

aniga oo aan khibarad iyo aqoon igu filan u lehayn, hab isticmaaleedka iyo sida hadhow lacagta aad sameyso ugalasoo bixi lahayd gudaha internet-ka.
Inkasta oo ay jiraan suuqyo aad u kala duwan oo lugu iib geeyo khibardaha ama xirfadaha kala duwan ee aad leedahay, Suuqyadaas waxaa kamid ah ONE COIN ONE LIFE oo kamid suuqyada u baahan aqoonta iyo maal-gelin culus ah, sidoo kale waxaa jira Freelancer oo u baahan aqoon heel dheer, halka Fiverr uu yahay kan ugu fudud ee u baahan in aad aqoon uun u yeelato hab isticmaaleedkiisa iyo sidii aad u heli lahayd macaamiil badan oo kugu xidhan, uguna soo bandhigi lahayd xirfadahaaga kala duwan ee looga baahanyahay caalamka.Aan kuu sheego mid kasta sadexdan suuq waan tijaabiyey, waxaanan ka sameystay Akownadda isticmaalka, laakiin waxaa ii suurto galay oo aan weli ku jiraa dedaalkiisa kan ugu hooseeya ee #Fiverr, Intii aan ku jiray waxaan helay macaamiil badan oo ajaanib ah, kumana jiro hal qof oo Somali ah, inkastoo aanan ku bixi dedelkii la iiga baahanaa, haddan waxaan ka helay qader lacag ah oo ii noqotay dhiirigelin, inkasta oo maalinba khibrad iyo aqoon gooni ahi iiga kordheyso weli gacanta kumaan dhigin qadarkii lacagta ahaa ee aan ku helay xirfadihii aan iib geeyey, iib geyntaas oo aanan ku bixin wakhti iyo dedaal badan, laakiin waxaa jira in ay ii muuqatay midho dhalkii suuq geyntaasi helida lacagahaasna iga xigaan uun hal talaabo oo iyaduna dedaalkeeda leh. "Tani waa mid kamid ah faaidooyin badan oo mudadii Internetka aan ku dhex jiray ku dhiiraddey"
Hadaba Adigu diyaar ma u tahay in aan ku hago oo aad ilasoo gasho suuqa Xamaalashada iyo xirfad iibinta ee xorta ah?
#FG
 Hadaad diyaar tahay waxaan kusiinayaa habka ugu fudud ee aad ku bilaabi kartid iyo kolba talaabadda aad hore u qaadeysid, igalasoo xidhiidh qaybta #Comment-ga, si aan u arko in aad diyaar u tahay

Linkga aad iska diwaangelinaysid  
http://www.fiverr.com/s2/f9baff4e01

Fadlan Igalasoo xidhiidh WhatsApp Numberka 252634457401

Mahadsanid

Post a Comment

0 Comments