Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Siyaasiyiin Caan ah Oo Naftooda kuwaayey Siyaasadii ay ku jireen (Shirqoollo dilal ah lugu fuliyey) Q2aad W/Q: Hamse Wiyeer-yare



3. Malcolm X (1965)
Malcolm X, sidoo kale waxaa loo yaqaanay Malcolm Little, waxa uu ahaa nin muslimka madow ee maraykanka kamid ah, wuxuuna ahaa Wasiir katirsan Xukumada Maraykanka , waana ka keliya ee ilaa maanta la aaminsanyahay in uu ka dambeeyey in Dadka
madoobi awood kuyeeshaan Maraykanka, wuxuuna aasaasay urur uu u bixiyey (Black Power Movement), kasoo Maraykanka kadhex shaqaynaayey 1960kii ilaa 1970kii, wuxuu u dagaalamaayey sidii dadka afrikaanka ah ee maraykanku u helilahaayeen xoriyad lamid ah tan dadka cadaanka ah.
21-February 1965 ayey saddex nin oo baskoolado sitaa soo weerareen Malcolm X, isla markii uu isku dayey in uu ka baxsado waxaa toogtay mid kamid ah sadexdii nin, halaka ugu dambeyntiina labadii kale ay toogteen ilaa 16 jeer, inkastoo lasheegay in ragaas shirqoolka ku dilay ay kamid ahaayeen Urur la odhan jiray (Nation of Islam) oo uu markii hore kamid ahaa Malcolm laakiin uu ka baxay, ayaa hadana sababaha dilkiisa ugu waaweyn ee loo tiiriyaa ay tahay isaga oo aad dadka uga dhaliili jiray marka uu ka hadlaayo meelaha fagaarayaasha ah, wuxuuna Malcom X dhintay isagoo 39 jir ah.




4. John F. Kennedy

John F. Kennedy wuxuu ahaa Madaxweynii 35aad ee Dalka Maraykanka, wuxuu dalkaas xukumaayey 20-january 1961 ilaa laga gaadhay dhimashadiisii oo ku beegnayad 22-November 1963, Intii uu xukunka madaxweynenimada haye waxaa dhacay dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Maraykanka, sida Tartankii hawada (The space race), dhaq-dhaqaaqii Xuquuda shacabka ee Ameerika (American Civil Rights Movement), Qalalaasihii gantaalada ee Kuuba (Cuban Missile Crisis), Dhismaha gidaarkii Baarliin (The building of the Berlin Wall) iyo Bilawgii dagaalkii Fitnaam Uu maraykanku la galay (The beginning of the Vietnam War).
Inkastoo shirqoolkii lugu dilay Kennedy ay goobjoog ahaayeen kumanaan markhaati, hadana ilaa hadda muran ayaa ka taagan sidii uu u dhacay dilkaasi, iyada oo ay jiraan shakiyo badan oo arintaas laga qabo, si kastaba aha ahaatee waxay ahayd saacada 12:00Mp-duhurnimo, markii madaxweynuhu isaga oo u socdaalaya magaalada Dallas ee gobolka Taxes, isaga oo ku jira gaadhi dusha sare ka banaan lugu toogtay saddex jeer oo qori aad u awood weyn ah, taas oo sadaxdii toogashaba ay ku dhaceen Madaxweynaha.
Kennedy wuxuu si deg deg ah ugu dhintay dhakhtarka, dilka madaxweynahana waxa lugu eedeeyey inuu geystay nin layidhaah Lee Harvey Oswald, oo aynu qaybaha dambe ee Daraasaadka Aduunka ee Wargeyskan Warsugan kusoo qaadan doono, inkastoo ninkaas si weyn looga shakiyey baadhitaano badan oo la sameeyey dilkiisa kadib waxaa qayb ka noqoday dilka madaxweynaha ciidanka FBI-da layidhaa, Dawlada Cuba, CIA-da maraykanka, iyo qolo kale oo la yidhaah USSR, si kastaba ha ahaatee waxaa la aaminsanhaya iyo Lee Harvey iyo kooxahaas aanu soosheeganay ay iska kaashadeen dilkiisa, laakiin ilaa hada lama hayo cadaymo sax ah oo si toos ah u tilmaamay dilkiisa iyo ujeedada loo dilay wallow ay jiraan arimo sir ahi.



Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Qoraa / Saxafi madax banaan
Hargeysa -Somaliland

Post a Comment

0 Comments